Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somalilnad Aviation Minister Mohamed Hashi visits Ottawa, Canada+PICS

Recommended Posts

Somalilnad Aviation Minister Mohamed Hashi visits Ottawa, Canada

 

OTTAWA (SomalilandPress)–Somaliland Aviation Minister Mohamed Hashi Abdi and the Director general of his ministry, Ahmed Dalal Farax were the main guests at a well planned ceremony attended by hundreds of members of the sizeable Ottawa Somaliland community on Friday, December 2nd 2011 . Mr Hashi is currently on a Canadian tour following an official invitation of the International Civil Aviation Organization (ICAO) whose secretariat headquarters are located in Montreal, Canada.

 

During a brief chat with SomalilandPress Ottawa Bureau, Mr Hashi talked about his last Wednesday meeting with high ranking officials in Montreal and how he conveyed to ICAO his government contention that Somaliland was eager to administer its own airspace. According to Mr Hashi, after discussion of a wide of questions relevant to this issue, Somaliland point of view was well received by ICAO and both parties agreed to further discussions later this month in Nairobi.Prior to his hour long address, Somaliland Aviation minister was introduced briefly introduced by Abdiqani.

 

From his days in the SNM to his stint as Burco mayor in the early days of the reconstruction, Abdiqani depicted the integrity and the leadership qualities of a man whose daunting responsibilities included, among other things, the resettlement of one million refugees and the organization of the Burco reconciliation conference. Afterwards, to an audience captivated by his eloquence and the depth of his knowledge of politicies and programs, an articulate Mr Hashi used his speech to give a broad overview of the realisations of his government. Mohamed Hashi Abdi left Ottawa early Saturday morning to Toronto where he is due to hold a town hall at 7 pm at 185 Yorkland boulevard (401 Highway and Victoria Park).

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kulankii Reer Ottawa iyo Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka ee Somaliland Maxamuud Xaashi(Daawo Sawirada)

 

Nov 3, 2011 Ottawa(Cadceed) – Wasiirka Duulista iyo Hawada Somaliland Md Maxamuud Xaashi Cabdi oo uu weheliyo Agaasimaha guud ee wasaaradaas Md Axmed Dalal Faarax oo booqasho shaqo u jooga dalkan Canada ayaa Xalay la kulmay Jaaliyada Ottawa, kulankaas oo lagu qabtay Hall wayn oo bariga Ottawa ku yaal.

Kulankaas oo ahaa mid si heer sare ah loo soo agaasimay oo ay ka soo qayb galeen hormoodka Jahliyada Somaliland ee deggan Caasimada dalka Canada. Labadan Masuul waxaa madasha martiqaadka ku soo dhaweeyay rag iyo dumar tira badan oo fadhiga ka sara kacay markii ay labada masuul ku soo xaadireen goobta.

Waxaa Wasiirka barbar socday Mudane Abshir Nuur oo ah gudoomiyaha Jaaliyada Somaliland ee Ottawa waxaana lagu qaabiley jawi farxad iyo wadaninimo ku dheehantahay.

 

Kulankii xalay waxa hadalo kookooban oo wacyigelin iyo hanuunin u badnaa ka jeediiyay dhawr ruux oo bulshada reer Ottawa laga soo dhex xulay, waxaana lagu furay aayado Qur’aanka Kariimka ah iyo darsi wacyi diineed ah oo u soo jeediyey Sheekh Cabdirashiid.

Maxamad “ Cubeyda” oo daadihiinaayay habsami u socodka kulanka ayaa ku soo dhaweeyay Makarafoonka wariye Cabdi Qani Axmad oo madasha ka akhriyay taariikh nololeedkii iyo taariikh-siyaasadeedkii Wasiirka Duulista iyo Hawada, Maxamuud Xaashi oo mar ahaan jirey Duqa magaalada Burco.

 

Intaas kadib waxaa warbaahiyaha lagu casumay Xaaji Cumar Cabdi Cige oo ka mida waxgaradka iyo odayada reer Somaliland ee mudo badan degganaa Canada gaar ahaan Ottawa. Xaaji Cumar Cabdi Cige wuxuu ka waramay waxqabadka xukumada maanta mayalka haysa wuxuuna si dhiiran u tilmaamay in maanta dalkii u hogaaminaayo masuul khibrad wayn u leh maamulka, siyaasada iyo xidhiidhka caalamiga ah. Hogaankaas oo ah Madaxweyne Axmad Maxamad Maxamuud Silaanyo “waa siyaasi ruug-cadaa ah oo kasbadey kalsoonida ummada”, ayuu hadalkiisii ku darey Xaaji Cumar Cabdi. Xaajigu wuxuu tilmaamay in xukumadu durba qabatay hawlo wax ku ool ah oo la mahadiyay wuxuuna hoosta ka xariiqay wax qabad la’aantii ay ku sifowday Xukumadii doorashooyinkii madaxtooyo lagaga guuleystay. Xaajigu wuxuu hadalkiisii ku soo gabagabeeyay in Somaliland midnimadeeda iyo jiritaankeeda meel looga soo wada jeesto oo laga fogaado waxyaalaha aan xaqiiqda ku dhisnayn.

 

Waxa intaa ka dib codbaahiyaha loogu yeedhay Dr Xirsi Cabdikariim Ciyow oo ah aqoonyahan ka soo jeeda Koonfurta Soomaaliya, balse qadiyada Somaliland siyaasad ahaan taageersan.

Dr Xirsi waxa uu sheegay in uu reer Somaliland qadiyadooda u taageero si walaalohood Konfurna ugu daydaan oo nidaam u sameysataan. Dr Xirsi ayaa sidoo kale ugu baaqay dawlada Somaliland in ay faraha ka laaban Somalia kana gaban inay faragaliso sida dawladaha jaarkuba u farageliyaan.

 

Haweenka Jahliyada waxaa u hadshay Marwo Shukri Maxamed Jaamac Bare oo u hadashay haweenka reer Somaliland ayaa Wasiirka iyo waftigiisaba u soo jeedisay ereyo hambalyo ah iyo soo dhaweyn kal iyo lab ah.

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Awdal Md Xasan Daahir Xeyd ayaa isna halkaa hadal guubaabo iyo dardaaranba ka koobnaa ka jeediyay. Guddoomiyuhu waxa uu ka waramay doorka gobolkiisu ku leeyahay horumarka iyo midnimada Somaliland. Guddoomiyuhu wuxuu hadalo digniin ah u soo jeediyay dadka wada wuxuu ku tilmaamay fidno ay rabaan inay dalka la dhex abuuraan.

 

Intaa ka dib waxa hadalkii lagu wareejiyay Agaasimaha guud ee wasaarada Duulista iyo Hawada ee Somaliland, Md Axmed Dalal Faarax oo si guud uga waramay waxqabadkii wasaarada gaar ahaan dhinaca maamulka iyo farsamada.

Waxuuna wax ka iftiimiyey geedi-socodka horumarka adeega wasaarada iyo tayeynta adeegyada ay bulshada u fuliso.

Wasiirka Duulista iyo Hawada ayaa kolkuu hadalka la wareegay si qoto dheer uga waramay waxyaabihii u suurto galay wasaarada iyo guud ahaan xukuumada sanadka iyo badhka jirtay ee Somaliland. Wasiirku wuxuu tixraac u soo qaadanaayay qodobo ku suntanaa barnaamijkii doorasho ee Xisbiga talada haya markii uu macaaridka uu ahaa. Wasiirku wuxuu daaha ka qaadey arrimo badan oo ay ku balan qaadeen wakhtigii olelaha oo la hirgaliyay. Arrimahaas ama balanqaadyadaas waxaa ka mid ahaa Shirkada TOTAL oo dantii guud u soo noqotay, Mashracii xoolaha iyo xeerkii qiimaha xoolaha xadidaayay oo la laalay, taasina ay keentay in muwaadin walba neefkiisa dhoofsan karo, qiimihii 40 dollar ahaana kor u kaco oo neefkii noqdo 70 dollar, siduu wasiirku sheegay.

Wasiirku wuxuu waliba ka dhawaajiyay in xukumada cusub oo meel cidla ah dhaqaale ahaan la wareegtay, waxay awood u heshay inay laba laabto mashaxarkii shaqaalaha dawlada. Miisaaniyadii dalkana waan laba jibaarnay ayuu yidhi wasiir Maxamuud Xaashi.

 

Waxqabadka wasiirku soo bandhigay waxaa ka mid ahaa heshiis ay dhawaan saxeexeen oo khuseya Hawada Somaliland iyo maareynteeda.

Warbixinta Wasiirka waxay ahayd mid si cilmiyaysan loo soo diyaariyay lagana dheehan karo in Xukumada Silaanyo maamul ahaan talaabooyin wax ku ool ah ay qaadey iyadoon labadii sanno u buuxsamin. Dadka madasha fadhiyay ayaa dareemay in warbixinta Wasiirku ka markhaati kacdey hadalkii Xaaji Cumar cabdi cige horey ugu dhaliilay waxqabad la’aantii xukumadii hore.

 

Wasiirka iyo Agaasimahiisu waxay magaalada Montreal kaga qayb galeen shirar ku lug leh danaha Somaliland oo ah dhinaca Duulista iyo Hawada, shirarkaas oo ka dhacay Xarunta Hay’ada Caalamiga ah ee Duulimaadyada Raydka ah. Shirarkaas waxay dhex mareen Wasiirka iyo Agaasimahiisa oo la kulmay Mr. Ivan Galan, oo ah madaxa TCB-ICAO iyo ku xigeenkiisa Mr. Peter J. Noad, kulamadaas oo dhacay bishan 29keedii iyo sodankeedii waxay ka qabsoomeen Xarunta hay’ada ICAO oo ku taal dariiqa University Street ee Montreal.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this