Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland conference on conducting a Comprehensive security sector Assessment +PICS

Recommended Posts

Shir lagu darsayo xoojinta Nabadgelyadda iyo la dagaalanka Argagixisada oo ka furmay Hargeysa

December 3rd, 2011

 

Hargeysa (Somaliland.Org)- Wasiirka wasaarada Arrimaha Dibada Somaliland Md. Maxamed C/laahi Cumar ayaa maanta shir balaadhan oo la xidhiidha la dagaalanka argagixisada iyo xoojinta ammaanka ka furay Huteelka Ambassador ee caasimada Hargaysa, kaasi oo socon doona muddo laba maalmood ah.

 

Waxa ka soo qayb galay shirkan Wasiirro, Ha’yadaha qaramadda midoobay, Xildhibaano ka kala socday labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliland (Wakiiladda iyo Guurtida), Taliyayaasha ciidanka Qaranka iyo Booliska iyo masuuliyiin kala duwan.

Wasiirka wasaarada arrimaha dibada Maxamed Cabdilaahi Cumar oo shirkaasi ka hadlay ayaa sheegay shirkani ku saabsan yahay in dib u qiimayn lagu sameeyo lana xoojiyo hay’adaha dhinaca nabadgalyada ee dalka ka jira.

 

Wasiirku waxa uu ku dooday in beesha caalamku ay u heelan tahay inay kaalin muuqata ka qaadato, adkaynta Nabadgalyada iyo la dagaalanka Argagixisada.

 

Maxamed C/laahi Cumar ayaa sheegay in mandaqada Somaliland ku taallaa ay ka jiraan duruufo nabadgelyo oo adag isla markaana Somaliland looga baahan yahay in shicib iyo xukuumadba la iska kaashado sidii ildheer loogu yeelan lahaa ammaanka iyo xasiloonida dalka.

 

Sidoo kale waxa halkaasi Ka hadlay Janaton Sandy oo isagu wakiil ah Wakiilka qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somalia Augustina Mahiga,waxaanu sheegay inay Somaliland kala shaqayn doonaan xoojinta ammaanka dalka iyo la dagaalanka argagixisada iyo budhcad badeeda oo uu ku tilmaamay dhibaatooyin caalami ah oo u baahan in la iskakaashado.

 

Ugu dambayntii waxa shirkaasi ka hadlay sarkaal ka socday dalka Somaliland la dariska ah ee Itoobiya oo isagu ka hadlay dhibaatada argagixisadu ku hayso mandaqada iyo sida uu waajib u yahay la dagaalankoodu.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

OdaySomali;762991 wrote:
6446117715_42d5e85fb5.jpg

 

Whose the ethiopian looking guy in the checkered suite ?

 

I think Ethiopian Ambassador to Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

UN should mind its own business. And Abdullahi Omar should also mind his own business, being foreign affairs not domestic security.

 

This is so wrong. Such a meeting should be initiated and led by security agencies.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this