Sign in to follow this  
Jacaylbaro

The Final Resolution of the Erigavo conflict

Recommended Posts

Ceerigaabo, December 3, 2011, (Weedhsan) – Guddidii loo saaray xal ka gaadhidda dilalkii aano ee ka dhacay magaaladda Ceerigaabo ee gobolka Sanaag ayaa maanta soo saaray go’aamo iskugu jira mag iyo ganaax lagu soo afjarayo khilaafkaas labadda beelood u dhexeeyey.

 

Guddidan dhexdhexaadk ah ee loo xil saaray soo af-jaradidda khilaafkii labada beelood ee wadda degga magaaladaasi soo dhexmaray ayaa sideed xukuno oo xal u noqda khilaafkaasi ka soo jeediyey Hoolka Dawladda Hoose ee Magaaladda Ceerigaabo oo ay iskugu yimaadeen labadda beelood ee khilaafkooda la soo afjarayo, weftigii xukuumadda ka socday iyo ergooyinkii ka kala yimid goboladda kale ee magaaladda u joogay inay xaliyaan khilaafkaasi.

 

Guddoomiye ku xigeenkan guddida dhexdhexaadka ah, Maxamuud Cawad ayaa halkaasi kaga dhawaaqay go’aano xukuno watta oo lagu soo afjarayo khilaafkaasi “Marxuuun Aadan Ismaaciil Xasan oo hore loogu dilay tuulladda Ceel Qoxle waxa laga xukumay boqol halaad iyo Gabadh, Marxuum Cabdi Cabdilaahi oo hore loogu dilay magaaladda Ceerigaabo waxa isna loo xukumay in laga bixiyo boqol halaad oo nool iyo Ganaax dhan lixdan halaad oo lacag ah oo midkiiba qiimaheedu tahay $200 dollar, isku gayna noqonaysa $12,000 doollar, Marxuum Jaamac Ismaaciil oo hore u ahaan jiray Taliyihii Daallo ee magaalladda Ceerigaabo waxa loo xukumay boqol halaad iyo Sodan halaad oolacag ah oo Hashiiba qiimaheedu dhan yahay $200 dollar, isku gayna noqonayso lix kun oo dollar, Marxuum Shiin Yaasiin Xiniin Finiin oo ahaa Taliyihi Saldhiga Tuullada fiqi fuliye waxa isna loo xukumay in laga bixiyo boqol halaad oo magtiisi ah iyo Ganaax Konton halaad ah oo hashiiba qiimaheedu yahay $200 dollar, isku gayna noqonaysa $10,000 dollar, Marxuum Faarax Axmed Jaamac oo lagu dilay magaaladda Ceerigaabo waxa lagu xaqay boqol halaad oo nool iyo Konton halaad oo hashiiba qiimaheedu tahay $200 dollar isku gayna noqonaysa $10,000 dollar” ayaa la go’aamiyey.

 

Mr. Cawad wuxuu intaas raaciyay: “Dhammaan Ganaaxaasi waxa lagu bixinayaa muddo bil gudaheed oo ka bilaabmaysa maanta oo ay bishu tahay December 3, kuna eeg January 3,2012, baaqiga Magahana guudna waxa lagu xukumay in lagu bixiyo muddo lix bilood gudahood, markasta oo lacagtaasi la bixinayo waa inay goob joog ka ahaataa guddidan dhexdhexaadka ah” ayuu yidhi guddoomiye ku xigeenka guddidaasi Mr: Cawad.

 

Isimadda labada dhinac ee dilalka aano dhexmtay ayaa sheegay inay duuduub ku qaadanayaan go’aanaddan, waxaana labadda beelood ee la heshiisiinayo u hadlay Boqor Maxamed boqol Axmed iyo Garaad Cabdilaahi Cali Geeddi, kuwas oo si weyn u taageeray go’aankaasi balanqaadayna fulinteedda.

 

Sideedan qodob waxa soo dhoweeyey, isla markaana guddida ku hambalyeeyey weftigii xukuumadda Somaliland ka socday iyo ergooyinkii nabadeed ee gobolada kale ka socday, kuwaas oo tilmaamay in siday tahay loo fuliyo go’aanadan.

 

Guddidan oo ka kooban 12 qof ayaa bishii hore November 26-keedii loo xil saaray soo afjarida dilalkii aano ee ka dhexeeyey labadan beelood oo muddo dhawr bilood ah ay dilal is ugaadhsi ahi ka dhexeeyey, waxaanay maanta go’aankan Magta iyo Ganaaxa iskugu jira noqonaysaa mid soo afjara shaqaaqooyinkii beryahan dambe ka jiray gobolka Sanaag.

Share this post


Link to post
Share on other sites

“Marxuuun Aadan Ismaaciil Xasan oo hore loogu dilay tuulladda Ceel Qoxle waxa laga xukumay boqol halaad iyo Gabadh, Marxuum Cabdi Cabdilaahi oo hore loogu dilay magaaladda Ceerigaabo waxa isna loo xukumay in laga bixiyo boqol halaad oo nool iyo Ganaax dhan lixdan halaad oo lacag ah oo midkiiba qiimaheedu tahay $200 dollar, isku gayna noqonaysa $12,000 doollar, Marxuum Jaamac Ismaaciil oo hore u ahaan jiray Taliyihii Daallo ee magaalladda Ceerigaabo waxa loo xukumay boqol halaad iyo Sodan halaad oolacag ah oo Hashiiba qiimaheedu dhan yahay $200 dollar, isku gayna noqonayso lix kun oo dollar, Marxuum Shiin Yaasiin Xiniin Finiin oo ahaa Taliyihi Saldhiga Tuullada fiqi fuliye waxa isna loo xukumay in laga bixiyo boqol halaad oo magtiisi ah iyo Ganaax Konton halaad ah oo hashiiba qiimaheedu yahay $200 dollar, isku gayna noqonaysa $10,000 dollar, Marxuum Faarax Axmed Jaamac oo lagu dilay magaaladda Ceerigaabo waxa lagu xaqay boqol halaad oo nool iyo Konton halaad oo hashiiba qiimaheedu tahay $200 dollar isku gayna noqonaysa $10,000 dollar”

Hmmm

Share this post


Link to post
Share on other sites

Isimadda labada dhinac ee dilalka aano dhexmtay ayaa sheegay inay duuduub ku qaadanayaan go’aanaddan, waxaana labadda beelood ee la heshiisiinayo u hadlay Boqor Maxamed boqol Axmed iyo Garaad Cabdilaahi Cali Geeddi, kuwas oo si weyn u taageeray go’aankaasi balanqaadayna fulinteedda.

Great

Share this post


Link to post
Share on other sites

Naxar Nugaaleed;762957 wrote:
I see a girl is to among the things they are exchanging, can someone please what qarni these people live in.

The same qarni they live with "tolaay yaa reer hebelaay" .... :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Abdul;763029 wrote:
I thought they said there was a government.Oh well.

its the work of the Guurti and the work of Somaliland's interior minister

 

I love the Somaliland culture

 

Gar la wada dhigto geed hoostisa gabdho la isi siiyo

Share this post


Link to post
Share on other sites

What do you want ?,,, AMISOM with tanks coming to give orders ??

 

Waar that is how we do it dee ,, even here in Hargeisa. Stop living in Cairo niyow :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Go’aamo ka soo Baxay Shaqaaqadii Ceerigaabo iyo Wasiirka Daakhiliga oo Farriin u Diray Ciidammada

 

Sun 04th Dec,2011

Ceerigaabo (Jam)- Guddida dhexdhexaadinta dhinacyada shaqaaqadii khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca isugu jira sababtay ee dhawaan ku dhexmartay magaalada Ceerigaabo, ayaa soo saaray shalay go’aan ka kooban siddeed qodob oo xal u noqda khilaafyo beeleed waqtiyo kala duwan ka dhacay Gobolka Sanaag.

 

Xaflad loo sameeyay shaacinta go’aanka guddiga oo lagu qabtay shalay hoolka shirarka ee dawladda hoose ee magaalada Ceerigaabo, waxa ka qaybgalay weftiga xukuumadda Somaliland ka socda ee uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Md. Maxamed Nuur Carraale (Duur), ergooyinkii nabadaynta ee gobollada dalka ka kala yimi, isimada, cuqaasha beelaha Gobolka Sanaag iyo dadweyne fara badan.

 

Gudoomiye-ku-xigeenka guddida dhexdhexaadinta Mr. Maxamuud Cawed, ayaa kulankaas ka akhriyey go’aannada ay ka soo saareen shaqaaqadii labada dhinac ku dhexmartay Ceerigaabo, kuwaas oo u dhigan sidan:

 

“1. Marxuum Aadan Ismaaciil Xasan oo hore loogu dilay tuulada Ceel-qoxle waxa laga xukumay 100 halaad iyo gabadh.

 

2. Marxuum Cabdi Cabdillaahi Jibriil oo lagu dilay badhtamaha magaalada Ceerigaabo waxa isna laga xukumay 100 halaad oo dhogor ah iyo 60 halaad oo lacag ah oo hashiiba tahay $200 doollar, isugayna noqonaysa $12,000 (laba iyo toban kun) oo doollar.

 

3. Marxuum Jaamac Ismaaciil Jibriil oo ahaan jiray taliyihii Saldhigga Daallo waxa laga xukumay 100 halaad oo magtiisii ah iyo 30 halaad oo lacag ah oo laga soo qaaday taliye lagu dilay saldhiggiisii, hashiibana qiimaheedu tahay $200 dollar, isugayna noqonaysa $6000 oo dollar.

 

4. Marxuum Shiine Yaasiin Xiin-finiin oo ahaa taliyihii Saldhigga Booliska ee Degmada Fiqifuliyo waxa laga xukumay 100 halaad oo magtiisii ah iyo 50 halaad oo lacag ah oo aannu ka soo qaadnay, maadaama dhowr nin wada dishay marxuumka, hashiina qiimaheedu yahay $200 doollar, isugaynteeduna tahay $10 kun oo dollar.

 

5. Marxuum Faarax Axmed Jaamac oo lagu dilay badhtamaha Ceerigaabo, gaar ahaan Beerta Xorriyadda waxa laga xukumay 100 halaad oo dhogora oo magtiisii ah iyo 50 halaad oo aannu ka soo qaadnay maadaama rag hubaysan oo gaadhi SURF ah watay soo weerareen marxuumka kadibna dilkaas geysteen, hashii walbana qiimaheedu waa $200 dollar, isu gayntuna tahay $10 kun dollar.

 

6. Dhammaan jifiyaha iyo ganaaxa waxa lagu bixinayaa muddo bil gudaheed ah oo ka bilaabanta 03 December 011, kuna eg 03 January 2012.

 

7. Baaqiga magweynta waxa lagu bixinayaa muddo 6 bilood ah oo ka bilaabanta 03 December 2011, kuna dhammaata 03 June.2012.

 

8. Markasta iyo meel kasta oo lagu kala qaadanayo xukunnadaasi dhacay waa inay goob-joog ka yihiin guddida dhexdhexaadinta iyo maamulka Gobolka Sanaag, waxana tallaabo sharci ah laga qaadi doonaa cid kastoo hakad gelisa fulinta go’aannadaasi.”

 

Dhinaca kale, markii go’aannadaasi lagu dhawaaqay kadib waxa munaasibaddaas ka hadlay wakiillada labada dhinac ee la dhexdhexaadinayey, kuwaas oo caddeeyey inay si duuduub ah u aqbaleen xukunkaas, isla markaana diyaar u yihiin fulintooda.

 

Boqor Maxamed Boqor Axmed Cali - Beesha Woqooyiga Ceerigaabo - iyo Garaad Cabdillaahi Cali Guuleed - Beesha Koonfurta Ceerigaabo oo iyaguna halkaas ka hadlay, ayaa si weyn u soo dhaweeyey go’aannadaas, waxayna ballanqaadeen inay labada dhinacba ku kaantarooli doonaan fulinta xukunka guddiga dhexdhexaadintu ka soo saareen xiisaddii u dhexaysay.

 

Guddoomiyaha guddida dhexdhexaadinta Siciid Maxamuud Ismaaciil (Bidaar), ayaa isaguna uga mahadceliyey dhinacyada xurguftu ku dhexmartay magaalada Ceerigaabo siday u dhagaysteen, u ixtiraameen guddidooda, una aqbaleen go’aannada ay ka soo saareen khilaafkii u dhexeeyey.

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Maxamed Nuur Carraale (Duur) oo isaga iyo weftigiisuba goob-joog ka ahaayeen kulankaas, ayaa farriin u diray ciidammada ammaanka oo uu ku adkeeyey inay ilaaliyaan amniga loo xilsaaray, isagoo carrabka ku adkeeyey aanay xukuumad ahaan aqbali doonin in iyadoo ciidammadii qaranku ku sugan yihiin Gobolka Sanaag, haddana markasta ka dhacaan falal amni-darro oo soo noqnoqda, khalkhalna gelin kara nabadgelyada gobolkaas.

 

Md. Duur waxa uu tilmaamay inay guul u tahay guud ahaan bulshada Somaliland, gaar ahaan reer Ceerigaabo go’aannada nabadadeed ee ergedadhexdhexaadinta ka soo saareen xiisaddii khasaaraha badan dhalisay, waxaannu sheegay inay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo hoggaamiyo ka go’an tahay nabadaynta bulshada Somaliland.

 

Waxa uu intaa ku daray in xukuumad ahaan diyaar u yihiin inay la kulmaan beelaha wax ka tabanaya saami-qeybsiga xukuumadda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this