Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Boosaaso Burning With Casualties

Recommended Posts

War Deg Deg: Suuqa weyn ee Boosaaso oo gubanaya

 

Dab aad u xoogan ayaa caawa ka kacay qaybo badan oo kamid ah suuqa weyn ee magaalada Boosaaso, Dabkan oo aan ila iyo hada la garanayn waxa uu kacay ayaa dhulka la simay qaybo badan oo kamid ahaa suuqa Boosaaso oo ay ku jiraan:

 

Qaybta iibka Maacuunka.

Qaybta dharka iyo kabaha.

Qaybta bagaashka.

Qabta qudaarta.

Iyo in badan oo kamid ah qaybaha Raashinka lagu gado.

Ciidamada dab demiska iyo dadweyne aad u tira badan ayaa ku howlan sidii ay dabkaas u demin lahaayeen inkasta oo dabku uu u muuqanayo mid marba marka ka danbeysa sii xoogeysanaya ayna adag tahay in si dhakhsa ah lagu damiyo maadaama suuqu uu yahay mid aad ciriiri u ah Booyadaha iyo gawaarida kale ee dab demiskuna aanay gudaha u geli karin.

 

Qaraxyo xoogan ayaa la maqlayaa kuwaas oo ka dhashay fuustooyin shidaal ah oo uu dabku gaarey wuxuuna ololka dabkaas ka baxayaa aad u iftiimiyey qaybo badan oo magaalada kamid ah iyadoo qiicuna uu cirka isku shareeray una ekaaday sidii muuqaalka daruuraha.

 

Xaafadaha ku yaala hareeraha suuqa waxaa ka qaxaya qoysas badan oo ka cabsi qaba in dabku uu guryahooda soo gaaro , sidoo kale waxaa wadooyinka suuqa laga galo ku sugan ciidamada ammaanka oo iyagu rasaas kor u ridaya si ay u kala eryaan kumanaan qof oo u badan dadkii suuqa ku ganacsan jirey islamarkaana doonaya inay soo arkaan sida uu dabku hantidoodii u waxyeeleeyey.

 

Sidoo kale waxaa jira warar hordhac ah oo sheegay in ay jiraan dad ku dhintay iyo qaar kale oo ku dhaawacmay dabkaas iyo weliba rasaas ka qaraxday qaar kamid ah bakhaaradii uu dabku gaarey inkastoo anigu aan soo arkay dhaawaca labo qof oo midkood ay xaaladiisu aad u liidatey kuwaas oo durbadiiba loola cararay goobaha caafimaadka.

 

Waa markii ugu horeysey oo dab baaxadiisu ay intaas le’eg tahay uu qabsado Suuqa magaalada Boosaaso oo ah kan ugu weyn guud ahaan deegaanada Puntland welina laguma guuleysan in dabkaas la demiyo inkastoo ay jiraan dadaalo badan oo ay ciidamada dab demiska iyo dadweynaha magaalada oo iskaashanayaa ay ugu jiraan sidii ay dabkaas u xakameyn lahaayeeen.

 

Wixii kasoo kordha dabkaas iyo baaxada khasaaraha uu geysteyba faah faahintooda ka filo saacadaha soo fool leh Warbaahinta Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

Boosaaso(AllPuntland)-Dab khsaare xoogan geystay ayaa caawa ka kacay Suuqa weyn ee magaalada Boosaaso, iyadoo aan la ogeyn sababta dabkaasi ku dhashay.

 

Dabkani ayaa waxaa uu xooggiisa uu ku faafay qeybaha Suuqa Boosaaso ee lagu iibiyo Cuntada, Maacuunta, Khudaarta, Bagaashka, dharka iyo Kabaha, waxaana xiligani ku howlan damintiisa gaadiidka dab damiska iyo dadweyne kale.

 

Wararka laga helayo Boosaaso ayaa sheegaya in dabku uu u muuqdo mid marba marka ka danbeysa sii xoogeysanaya, taasoo dadku ay sheegayaan in ay adag tahay in si fudud loo damiyo.

 

Warku wuxuu intaa ku darayaa in dabku uu dhaliyay qaraxyo xoogan oo ka dhashay fuustooyin shidaal oo qeybo ka mid suuqa dhexdiisa ku keydsanaa, iyadoo warar horudhac ah ay sheegayaan in dabku uu sababay dhimasho iyo dhaawac, walow aan ilaa weli si rasmi ah loo xaqiijin.

 

Ciidamada ammaanka oo ku sugan guud ahaan suuqa iyo xaafadaha u dhow dhow ayaa rasaas kor u ridaya si dadka u kala eryaan, kuwaasi oo doonaya in hantidooda ay badbaadsadaan.

 

Wariye ku sugan Boosaaso ayaa APL u sheegay in Isbitaalka Boosaaso la gaarsiiyay tiro dhaawacyo ah oo dabku uu waxyeeleeyay, kuwaasi oo xaaladooda qaarkood liidato.

 

Ilaa weli laguma guuleysan in dabka la damiyo, walow ay socdaan dadaalo xooggan oo ganacsatada ay wadaan iyo gaadiidka dab damiska, waxaana meesha ka maqneyn Dowladda Hoose ee Boosaaso.

 

Wixii ku soo kordha wararkeena danbe ayaa kala socon doontaan Haduu Alle idmo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

AUN. It was just a matter of time before something would happen. It's a large and dense bazaar.

 

I blame the Mayors, God help the people.

 

DSC02402.jpg&sa=X&ei=7W3ZTu-2Joqf8gONq4X

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this