Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland: Wadani leader Ciro gets a warm welcome in Saaxil Region+PICS

Recommended Posts

Urur siyaasadeedka WADANI Oo Berbera Ka Furay xafiiskoodii Gobolka Saaxil

November 30th, 2011 Comments Off

 

a href=”http://www.somaliland.org/images/b/2011/11/IMG_55592.jpg”>Hargeysa (Somaliland.Org)- Guddoomiyaha ku meel gaadhka ah ee Urur siyaasadeedka WADANI Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo wefti balaadhan oo uu Hoggaaminayay ayaa maanta xaruntii ururkaasi eegobolka Saaxil ka furay magaalo-xeebeeda Berbera.

 

Guddoomiyaha iyo weftigiisa waxa ku soo dhaweeyay magaalada Berbera Boqolaal qof oo ka mid ah taageereyaasha ururkaasi.

<

Guddoomiyaha WADANI oo ka hadlay xafladii furitaanka xafiiskooda gobolka Saaxil ayaa sheegay in ururkani uu noqon doono mid la wada leeyahay waxaanu yidhi “Ururka WADANI waa hanti ay wada leeyihiin dadka reer Somaliland, waana urur isu sharciyeeyey dawlad wanaag, toosin iyo wax-qabad inuu ku soo kordhiyo Somaliland. Ururka WADANI inay Somaliland wada leedahay waxa markhaati ka ah markii la diwaangelinayey degmo iyo gobol cid ka maqnayd midna muu jirin.Markii lacagta diwaangelinta la bixinayey dhammaan dadka reer Somaliland way ka wada qayb-qaateen. Waana markhaati ka ah waa ururkii ugu horreeyey ee si sharci ah isu diwaangeliyo. Lacagtaa la wada bixIyey qayb kasta oo bulshada ka mid ahi waxbay ku lahayd.”

 

Md. C/Raxmaan Cirro waxa uu tafaasiil ka bixiyay barnaamij siyaasadeedka ururkooda waxaanu tilmamay in yoolka ururkoodu uu salka ku hayo sidii ay aqoonsi u heli lahayd Somaliland.

 

Guddoomiyaha ayaa sheegay in xilligan Somaliland u baahan tahay siyaasiyiin muddakar ah oo ka dhabayn kara hilimilada Somaliland, isaga oo ugu baaqay dadka ku loolamaya saaxadda siyaasadda inay ilaaliyaana Nidaamka iyo sharcigga tartanka xorta ah. .

 

Dr. Idiris Xaaji Nuur oo isna halkaasi ka hadlay ayaa dadweynaha reer Berbera u soo jeediyey inay si buuxda u taageeraan urur-siyaasadeedka WADANI, isaga oo tibaaxay in ururkani haddii uu soo baxo inuu wax badan ka qaban doono baahiyaha kala duwan ee ay tabanayaan dadweynaha ku nool deegaanka Berbera.

 

Geesta kalena Guddoomiyaha urur siyaasadeedka WADANI Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi waxa uu khudbado u jeediyay dadweynaha ku dhaqan magaalooyinka ku teedsan jidka u dhaxeeya Hargeysa iyo Berbera oo ay ka mid yihiin Dacar-budhuq iyo Abdaal, kuwaasi oo u muujiyay taageero iyo kalsamaan weyn

 

Guddoomiyuhu waxa uu dadweynaha ku dhaqan magaalooyinka u dhaxeeya Hargeysa iyo Berbera uga mahad celiyay sida diiran ee ay u soo dhaweeyeen waxaanu yidhi “Waxaan aad iyo aad ugu faraxsanay sida diiran ee aad u soo dhawayseen Weftiga Urur Siyaasadeedka Wadani, waxanan idin sheegayaa inaan Degmada Laas-geel igu cusbeyn ee ay tahay Magaaladaydii, Ururkan aanu wadaana waa mid dadku wada leeyahay.”

 

Waxa kale oo halkaas ka hadlay mid ka mid ah Odayaasha Deegaanka Laas-geel waxaanu yidhi “Hadaanu nahay Odayaasha, dhalinyarada, haweenka iyo wax-garadka Degmada Laas-geel waxaanu si diiran u soo dhawaynaynaa Ururkan Wadani ee halkan lagu soo bookhday, halkaasna ka sii wada, anaguna waanu idin garab taaganay.”

 

Waxa kale oo weftiga Guddoomiyaha urur siyaasadeedka WADANI hadalo xog waran iyo mahad celin ah u jeediyay dadweynaha ku dhaqan Magaalada Abdaal ee degmada Mandheera.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Wadani Oo Maanta Soo Dhaweyn Ballaadhan Kula Kulmay Dadweynaha Reer Saaxil Iyo Nuxurka Khudbadihii Uu Jeediyay.

 

Berbera (Ramaas) Nov. 30, 2011-Dadweynaha ku nool Magaalo-madaxda gobolka Saaxil ee Berbera,, ayaa maanta si weyn u soo dhaweeyay, wefti ka socda urur siyaasadeedka Wadani oo uu hogaaminayo guddoomiyaha ururkaas Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi.

 

Soo dhawaynta ay ku qaabileen reer Berbera weftiga Wadani , ayaa guud ahaan laga dareemay Magaalada, iyada oola arkayay boqolaal qof oo lulayay calanka iyo sawirka guddoomiye Cirro

 

Guddoomiyaha urursiyaasadeedka Wadani Cadbiraxmaan Maxamed Cabdilaahi [Cirri) ayaa markii uu Magaalada soo gaadhay xidhiga ka jaray xafiisyo ururku ku yeelanayo Bebera, isaga oo khudbad u jeediyay taageerayaal tiro oo isu soo baxay.

 

“Ururka Wadani waa hanti ay wada leeyihiin dadka reer Somaliland, waana urur isu sharciyeeyey dawlad wanaag, toosin iyo wax-qabad inuu ku soo kordhiyo Somaliland. Ururka Wadani in ay Somaliland wada leedahay, waxa markhaati ka ah markii la diwaangelinayey degmo iyo gobol cid ka maqnayd midna muu jirin, “Markii lacagta diwaangelinta la bixinayey dhammaan dadka reer Somaliland way ka wada qayb-qaateen. Waana markhaati ka ah waa ururkii ugu horreeyey ee si sharci ah isu diwaangeliyo. Lacagtaa la wada bixyey qayb kasta oo bulshada ka mid ahi waxbay ku lahayd.” Ayuu yidhi guddoomiye Cirro.

 

Mar uu ka hadlayay qorshaha waxqabad ee ururkiisa waxa uu ballan qaaday in uu wax ka qaban doono baahiyaha asaasiga ah sida waxbarashada, caafimaadka, dhaqaalaha iyo wax-soo-saarka beeraha, isla markaana waxa uu si gaar ah u tilmaamay in ururka Wadani xoogga saari doono sidii Somaliland ku heli lahayd aqoonsi caalami ah.

 

Waxa kale uu guudoomiye Cirro sheegay in xilligan Somaliland u baahan tahay siyaasiyiin khibrad leh oo ka dhabayn kara hilimilada Somaliland, isaga oo ugu baaqay dadka ku loolamaya saaxadda siyaasadda ina y ilaaliyaan asluubta iyo sharcigga tartanka xorka ah.

 

Waxa isaguna halkaa ka hadlay Dr. Idiris Xaaji Nuur oo dadweynaha reer Berbera u soo jeediyey ina y si buuxda u taageeraan urur-siyaasadeedka WADANI, isaga oo tibaaxay in haddii uu soo baxo inuu wax badan ka qaban doono baahiyaha kala duwan ee la raagiyey dadweynaha ku nool deegaanka Berbera.

 

Dhinaca kale Wafti uu hogaaminaayo Guddoomiyaha ku meel gaadhka ah ee Urur Siyaasadeedka Wadani , ayaa khudbado kala duwan u jeediyay dad weynaha ku dhaqan Magalada Dacar budhuq ee Degmada Laas-geel iyo Magaalada Abdaal ee Degmada Mandheera ka hor intii aanay gaadhin Magaalada Berbera.

 

Dadweyne aad u badnaa oo ruxayay calanka iyo calamada Ururka Wadani oo safaf u taagnaa wadooyinka Magaalooyinkaas ayaa ugu horayn wafti waxay khudbad kooban dad weynaha meel fagaare ah uga jeediyeen Guddoomiye Ururka Wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi “Waxaan aad iyo aad ugu faraxsanay sida diiran ee aad u soo dhawayseen Waftiga Urur Siyaasadeedka Wadani, waxanan idin sheegayaa inaan Degmada Laas-geel igu cusbeen ee ay tahay Magaladaydii, Ururkan aanu wadaana waa mid dadku wada leyahay.” Sidaas waxa yidhi Guddomiye Cirro, sido kale waxa halkaas ka hadlay mid ka mid ah Odayaasha Deegaanka Laas-geel

 

“Hadaanu nahay Odayaasha, dhalinyarada, haweenka iyo wax-garadka Degmada Laas-geel waxaanu si diiran u soo dhawaynaynaa Ururkan Wadani ee halkan lagu soo bookhday, halkaasna ka sii wada, anaguna waanu idin garab taaganay.”

 

Sidoo kale Magadalada Abdaal ee Degmada Mandheera ayuu waftigu khudbado kooban u jeediyay “Dadweynaha reer Abdaal

 

“waxaan u sheegayaa inaan idiinku maqnaa sahan, sahankiina waxaan idiinku soo helay Ururka Wadani, markaas waxaanu idinka rajaynaynaa sidaas aad noo soo dhawayseen inaad noola shaqayn doontaa insha ALLAH." Sidaas waxaa yidhi Gudoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan Cirro.)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this