Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland state minister of foreign affairs attends Arabs and the Horn of africa Conference.

Recommended Posts

Wasiirul dawlaha khaarajiga oo ka qayb gashay shirkii Arab-ta iyo Geeska Africa ee Qatar

November 30th, 2011

 

Hargeysa (Somaliland.Org)-Wasiirul dawlaha Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Mohamed-Rashid Sheikh Hassan ayaa ka qayb galey Shirkii Carabta iyo Geeska Africa oo loogu magac darey ” Arabs and the Horn of Africa: The dialectic of Regional Proximity and Affiliation” Shirkii wada hadalka iyo is fahamka mandaqadda Geeska Africa iyo Carabta.

 

waxaana la soo qaaday Dinaca taariikhda, siyaasadda Dhaqaalaha, nabadgalyada , aqoonta, dhaqanka iyo ammuuraha la xidheedha bulshada. Shirkaas oo lagu qabtay dalka Qatar Hoteelka Sheraton ee Doha ayaa waxaa ka soo qayb galay Aqoon-yahanno , Siyaasiyiin , Saxaafadda Dunida Carab-ta , Professors ka kala yimid waddanada Carabta , Geeska Africa iyo dalal kale oo ay ka mid yihiin , Mareykanka , Ingiriiska , Sweden iyo Talyaaniga waxaana ka mid ahaa Professor Elnour oo ka socday Qatar University , Dr. Amani Al-Taweel, Agaasimaha Machadka African in Al-Ahram Center for Political and Strategic studies ee Qaahira. Professor Steve Howard oo ka socday dalka Mareykanka, Professor Irma Taddia oo ka socday Talyaaniga, Professor Abdullah Hamdok oo ka socday Sudan. Dr. Mehari Taddele Maru oo ka socday Ethiopia iyo Professor Peter Woodward oo ka socday dalka Ingiriiska Siyaasiyiin iyo Madax badan.

 

Intii shirkaasi socday wuxuu Wasiirku kala hadlay Madaxdii iyo Aqoon-yahannadii shirkaa ka soo qayb galey qadiyadda Somaliland , hadalkiisiina waxaa ka mida ahaa ” Waxaa la yaab leh in aanay Aqoon-yahanka Carbeed waxba kala socon markii la xasuuqayey ummadda Somaliland 1988 . Reer Somaliland waxay dib u soo dhisteen dalkoodii burburay , waxay dalkooda ka hirgeliyeen dimuquraadiyadda maanta ummaddaha Carbeed u dagaalamayaan , waxay sugeen ammaanka mandaqadda ee ku wajahan Argagixisada iyo Budhcad-badeedda waxaa la yaab leh in aanay horumarkaa ummadda Somaliland ku tallaabsatay 20-kii sano ee an soo dhaafnay aanay wali waxba kala socon Aqoon-yahanka iyo Dawlahada Carbeed toona .

 

Shirkaa oo socday 27.11.2011 illaa 29.11.2011 ayaa shalay lagu soo gaba gabeeye dalkaa Qatar , waxaana la filayaa inuu shirkaasi u horseedi doono is fahan cusub oo dhex mara umada Carbeed iyo Geeska Africa iyada oo dalal badan oo Carbeed ay ka hoos baxayaan xukunkii kalidood taliyayaasha ee mudada dheer dalalka Carbeed ka soo talinayey.Waxaa shirkaa Live looga soo daayey TV Aljazira ( ( Aljaziira Mubaasharatan).

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this