Sign in to follow this  
Somalia

Puntland passes Anti-FGM laws (Pictures)

Recommended Posts

Somalia   

http://puntlandi.com/?p=23192

 

Garowe(Puntlandi.com) Wasaarada Haweenka iyo Qoyska ayaa ku guulaysatay inay meel mariso sharci manuucaya Gudniinka Fircooniga ah ee gabdhaha, Sharcigaan ayaa labada gole ee Wasiirada iyo Baarlamaankuba ansixiyeen, shalay ayaana lagusoo bandhigay sharcigaan kulan ka dhacey Wasaarada Haweenka oo ay goobjoog ahaayeen Madaxweynaha, Wasiiro, culumo Soomaaliyeed. Sawirada qoraalka hoostiisa ka daawo

Wasiirka Cadaalada iyo awqaafta Cabdikhaliif Xaaji xasan(Ajaay) oo isagu kulanka daahfuray ayaa ka hadlay dhibaatada uu leeyahay gudniinkaan, wuxuuna hoosta ka xariiqay in Wasaaradiisu meel marinayso sharcigaan, ciqaabaysana cidii ku xadgudubta.

Wasiirada Haweenka iyo Qoyska Marwo Caasho Gele oo madasha ka hadashay ayaa sheegtay halgankii ay wasaaradeedu u soo martay inuu sharcigaan hirgalo.

 

Madaxweynaha Dowlada Puntland ee Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Shiekh Faroole oo ku dhawaaqay in sharcigaan ka hirgalay Puntland, manuucna ay tahay hada laga bilaabop gudniinka Fircooniga ah, Madaxweynuhu wuxuu kaloo ka sheekeeyay caadooyinka xunxun ee gudniinkaan leeyahay.

 

Sawirada hoos ka daawo

 

5.jpg

21.jpg

Gudniinka_Garowe_Online6.jpg

4.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

http://www.allsanaag.com/Details.asp?id=8241

 

Waxaa maanta gudaha magaalada Garoowe Caasimadda Puntland ka dhacay Shir ay kasoo qayb galleen Culimo ,Haween,Gollayaasha Dowlada Puntland iyo Marti shafar ka timi dalka dibasiisa kuwaasi oo ka qayb qaadanayay barnaamij wayn oo lagu joojinayo Gudniinka Fircooniga ah oo asal ahaan kasoo Jeedda Dad alle ku caasiyay.

 

Kulanka ayaa waxaa soo qabanqaabisey wasaarada cadaalada Puntland oo kaashanaysa wasaarada haweenka iyo qoyska Puntland iyo hayada UNICEF,waxaana ka soo qaybgalay Madaxweyanaha Puntland,wasiiro ,ururada haweenka Puntland iyo saxaafada.

 

Wasiirka wasaarada cadaalada,arimaha diinta iyo dhaqan celinta Puntland Dr,Cabdi Khaliif Xaaji Xasan Ajaayo oo si rasmi ah u furey kulankan ayaa ka soo sheekeeyey dhibatooyinka uu gudniinka Fircoonigu ku hayo haweenka xiliyada kala duwan ee noloshooda,isagoona ku booriyey in culimadu qayb ka qaadato sidii loo joojin lahaa.

 

Caasho Geele Diiriye wasiirka haweenka Puntland ayaa iyaduna dhankeeda ka soo shekaysey ololihii balaarnaa ee wasaaradeedu qaadey sidii loo joojin lahaa gudniinka Fircooniga,waxna ay xusey in siyaasad ay arintaasi ka diyaariyeen dhowaan barlamanka Puntland ay ansixiyeen,xukuumaduna qalinka ku duugtey.

 

Gabagabadii kulankii maanta ayaa waxaa lagu marti qaadey Madaxweynaha Puntland Dr,Cabdiraxman Maxamed Maxamuud Faroole oo khudbad dheer oo ku saabsan dhibaatooyinka uu leeyahay Fircoonigu iyo cadooyinka xun ee kale oo Somalidu leedahay ka hadlay.

 

 

Waxa uu madaxweynuhu si rasmi ah ugu dhawaaqey joojinta gudniinka Fircooniga deegaanada Puntland waxana uu culimaa’udiinka ku booriyey in ay ka qayb qaataan sidii dadka loo tusi lahaa dhibatada ka dhalata gudniinkaasi.

 

Madaxweynaha Puntland Dr,Cabdraxman Faroole inta uu khudbadiisa wadey waxa uu soo hadal qaadey qaar ka mid ah caadooyinka xun oo Somalidu leedahay,isagoo tusaale u soo qaatey guurka la isku takooro iyadoo nasab loo aanaynayo,waxana si weyn arintaasi madaxweynuha kaga soo horjeestey,isagoo ugu baaqey culimada mar labaad in ay dadka u bilaabaan

guurka gabdhahaasi.

 

‘’Caadooyinka qabaliga ah oo qabiilka la iskugu hiilinayo oo qofka dhibka geystey indhala’aan ugu hiilinaya ,anagii baa ka shaqyan la'a,qof dadkii qarax ku sameeyey ama laynaya oo aragagixiso u shaqeeya,oo la xiro inta aan maxkamad la geyn waxa la soo kaxaynayaa inta akhyaar ahayd oo ku orana wiilka siidaa’’ ayuu yiri madaxweynaha Puntland oo si kulul fariin ugu

direy odayaasha dhaqanka beelaha oo ahayd in joojiyaan tageerada qabiilka

iyo eedeysanayaasha.

 

Dadaalo iyo olole balaaran oo dhowanahan danbe ka socdey Puntland ayaa ugu danbeyntii waxa suurtageshey in lagu dhawaaqo si ramsi ah joojinta gudniinka Fircooniga ah oo lagu tilmaamo inuu ka mid yahay caadooyinka xun ee soojireenka ah.

 

Allsanaag Garoowe

Cabdi Ilko-case

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this