Coofle Posted November 29, 2011 ====Geesigii u danbeeyay oo la Qafaashay ===== "Magac bilaash uma baxo" Mudane Saif-Al Islaam oo ah Cagabaruur uu dhalay Aarkii Mucamar al Qadaafi, Ayaa maalin dhawayto Maleeshyadii Reer galbeedku Majaraha u hayeen Qafaashteen Xilli uu ku hawlanaa Dib u xoraynta Reer Liibiya. Hadi iyo Jeer Hogaamiyuhu Waxa uu muraayad u yahay dadka uu u taliyo, Hadii Mucamar iyo Wiilkiisu Xunyihiin Macnaheegu waa Dadka ayaa xun, Hadii ay wanaagsanyihiina Dadka ayaa Wanaagsan. Reer Liibiya dhaayahaygu ma arag, Dhudhunkana ma saarin arladaas, Laakiin sidaan ku tiri ku teen ku maqlay waa Dadyaw geesinmada iyo kartida u ah bu' ay ka burqato. Waa dadyaw Eebe ku Beeray dhul aan geed gaab iyo jeerin midkoodna ka bixin, Waa dhul nin La Inkaaray oo karaahi la liicliicaya la geeyo. Dadkaasu dhulka Caynkan ah ayay boqolaal sano ku noolaayeen una carbiyeen sidii Dibi beer lagu qodi rabo. Dadka noocaas ah ayaa waxa uu soo baxay If Xilli ay mugdi heehaabayeen, Waxa rumawday dhalanteed ay arkayeen, wax ay hollanayeen oo laabtoodu muhanaysay ayay arkeen. Mucamar Al Qadaafi ayaa noqday naakhuudyihii reer Liibiya badwaynta jahwareerka ka saari lahaa una Gudbin lahaa dhinacaa iyo Xeeliga horumarka. Mucamar Shinni Daahira ayuu arladan dhigay, Waa saif al islaam oo isagu xambaaray magaca baaxadaas leh, Waa nin Hadii aqoon la sheego isagu kasbaday furayaasheeda, Hadii geesinimo la sheego Waa nin indhihiisa raggu ka gariiran, Nasabna waa nin uu dhalay Mudane Mucamar Al qadaafi..... LA soco qaybta danbe..... Quote Share this post Link to post Share on other sites