Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

A nationalist warlord is better than the current TFG interior minister

Recommended Posts

Wasiir Ka Tirsan DKM Ah Ee Soomaaliya Oo Ictiraafay "Somaliland"

 

Lasanod Online.*Sunday, November 27, 2011

 

Maqaal:- Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya Mudane Cabdisamad Macalin Maxamuud oo idaacadda Codka Mareekanka {VOA} waraysi la yeelatay..

 

taariikhdu markay ahayd 13/11/2011 ayaa isagoo ka jawaabaya su'aal Hargeysa laga soo weydiiyey cadeeyey inaanu u qalmin xilka uu u hayo dalka Soomaaliya.

 

Waxa su'aasha qof reer Hargeysa ahi wasiirka weydiiyey ahayd: "Mudane Wasiir, maadaama koonfurta Soomaaliya dagaal iyo dhibaato ka bixiweyday Somaliland-na tahay meel nabad, horumar iyo dimoqraadiyadi ka jirto, miyaanay kula ahayn in Dawladda ku Meelgaarka ahi ictiraafto madaxbanaanida Somaliland si ay adduunweynaha ictiraaf uga hesho?

 

Halkii laga filayey in wasiirku ka hadlo midnimada dalka oo u caqli celiyo dadka shaydaanku dacarta u mariyey midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed, waxa jawaabtii wasiirku noqotay: " Anigu waa taageersanahay waana ku faraxsanahay in Somaliland goonni isu taagto laakiin arrinta ictraafku waa mid u taal golayaasha dawladda Soomaaliya".

*

Sannadkii 1967 ayaa wasiirkii arrimaha dibedda ee Soomaaliya waxa lagu eedeeyey inuu bixiyey sir qaran. Wasiirkaas oo ahaa Axmed Yuusf Ducaale waxa maxkamadi ku xukuntay 20 sano oo xarig ah ka dib markii eedayntii ku cadaatay. Wasiirka xarigaas dheer mutaystay dalka ma kala goy'nayn ee sir qaran ayuu u gudbinayey dawlad kale markii la qabtay. Hadaba Axmed Yuusuf Ducaale iyo Cabdisamad Macalin Maxamuud koodee dembi weyn? Wasiir Cabdisamad ma lagu eedayn karaa inuu galay khiyaamo qaran? Ma istaahilaa ninka sidaas u hadlay oo muujiyey inuu ka qaawanyahay wadaninimada inuu hayo xil qaran? Su'aalahan jawaabahooda waxa ummadda Soomaaliyeed xaq ugu leedahay Madaxweynaha , Wasiirka Kowaad iyo Barlmaanka Soomaaliyaa.

*

Laga soo bilaabo January, 1991 nooc walba oo ummadda Soomaaliyeed ka mid ah cid ayaa ka soo qabatay jago wasiir. ********, qab qable dagaal, qof aan wax qorin waxna akhriyin iyo mid dugsi galay: qayb kasta oo bulshaweynta ka mid ahi jago wasiir iyo mid ka saraysaba soo martay labaatankaas sano. Dadkaas kala nooca ah oo kala heerka aqooneed ah weli qof ka mid ah lagama maqal wax u dhigma ama u dhaw khaa'in-nimada Wasiirka Arrimaha Gudaha ee hadda xilka haya. Kaaga darane waa "aqoon-yahan".

*

Waxa kale oo iyana aqoon-yahano lagu sheegaa Wasiirka Kowaad, Cabdiweli Maxamed Cali iyo golihiisa wasiirada. Madaxweyne Sheekh Shariif qodhiisu jaamicad soo caga-cagee. Ilaa maalintii wasiir Cabdisamad oraahda xaaraanta ahi afkiisa ka soo yeertay oo ahayd 13/11/2011 waxa ummadda Soomaaliyeed sugaysay bal waxa DKM arrintaas ka yeesho. Ilaa maanta oo taariikhdu tahay 22/11/2011 cid xil ka haysa DMK oo arrintaas ka hadashay ma maqal. Ma loo qaadan karaa in waxa wasiir Cabdisamad ku hadlay ay tahay arrin Golaha Wasiiradu la ogyahay? Ma la ogyahay Sheekh Shariif? Muxuxuu barlamaanku arrinta ka qabaa?

*

Haddii wasiir Cabdisamad jagada laga qaadi waayo oo maxkamad la soo hortaagi waayo, waxa cadaanaysa in barlamaanka, madaxweynaha iyo golaha wasiiradu khaa'in-nimadan qaran la ogyihiin kulana jiraan wasiirka. Ummadda Soomaaliyeed ayay markaas arrintu u taal

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this