Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland: 30 Illegal Ethiopian imigrants arrested near border town Allay baday

Recommended Posts

Laanta Socdaalka Degmada Allaybaday oo Hawlgal ay Xalay Sameeyeen ku Qabqabtay 30 qof oo si Sharci Darro ah Dalka ku soo Galay.

 

Taliyaha Laanta Socdaalka Degmadda Allaybaday C/casiis C/laahi Sh.Cali

 

Allaybaday (GNS)-Laanta Socdaalka ee Degmada Allaybaday oo ka Tirsan Gobolka Gabiley ayaa labadii habeen ee ugu danbeeyay Hawlgal balaadhan oo ay ka sameeyeen Guud ahaan Deegaanka allaybaday waxa ay ku soo qabqabteen 30 qof oo ajnabi ah oo si sharci darro ah ku joogay degmada Allaybaday.

 

Taliyaha Laanta Socdaalka Degmadda Allaybaday C/casiis C/laahi Sh.Cali oo Gabiley News khadka Telefoonka kula soo xidhiidhay in ay Fulinayaan Go,aankii Xukuumada Somaliland kaga saaraysay Dadka ajaanibka, isla markaana ay Hawlgal balaadhan oo ay sameeyeen labadii habeen ee ugu danbaysay ku qabqabteen 30 qof oo AJaanib ah oo si sharci darro ah usoo galay dalka somaliland isla markaana ay ku wareejiyeen Dawlada aynu jaarka nahay ee Itoobiya.

 

Dadkan ajaanibka ah oo isugu jiray Oromo iyo Xabashi ayaa ku dhuumaalaysanayay Tuulooyinka Degmadda Allaybaday, Taliyaha laanta Socdaalka Allaybaday ayaa sheegay in uu gacan Wayn ka siiyay ka siiyay hawlagalkan Gudoomiyaha Degmada Allaybaday Mudane C/risaaq Sh.C/laahi Aw Gaab, isaga oo intaasi ku daray in ay halkaasi ka sii wadi doonaan hawlagalada noocan ah ee lagu sugayo Amaanka Degmadda iyo guud ahaan Dalka somaliland.

 

Hawlgalkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay uu fuliyo Xafiiska Laanta socdaalka Degmada allaybaday oo dhawaan la furay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this