Sign in to follow this  
Saalax

Wasiirradda Kaluumaysiga Iyo Khayraadka Baddaha Ee Somaliland Djabuuti Oo Ka Wada Hadlay Sidii Lab

Recommended Posts

Saalax   

di-6X46.jpg

 

Wasiirradda Kaluumaysiga Iyo Khayraadka Baddaha Ee Somaliland & Djabuuti Oo Ka Wada Hadlay Sidii Labada Dawladood U Samaysan Lahaaayeen Iskaashi Dhinaca Ka Faa’ideysiga Khayraadka Baddaha Ah

 

Jabuuti (Ramaas) Nov 24,2011 – Wasiirada Wasaaarada Kaluumaysiga Iyo Khayraadka badaha ee Somaliland iyo dalka Jamhuuriyada Djabuuti Md Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geell-jire) iyo Axmed Cawaaale oo kulan ku yeeshay Magaaladda Jabuuti ayaa ka wada hadlay arimo door ah oo ay ka mid yihiin iskaashi dhinaca khayraadka badda ah oo dhex mara labada dhinac.

 

Wasiirka Wasaaaradda Kaluumaysiga Djabuuti Md Axmed Cawaaale ayaa dhigiisa Somaliland Md Cabdilaahi Geell-jire ku qaabilay xafiiskiisa, waxayna isla qaateen sidii labada wadan iskaga kaashan lahaayeen ka faa’ideysiga khayraadka baddaha labada dalka oo leh xuduud dheer.

 

Labada Wasiir oo markii kulankoodu dhamaaday Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay waxyaabaha ay ka wada hadleen, iyagga oo tilmaamay inay isla qaateen sidii loo samayn lahaa xarun caafimaad oo ka shaqeysa kaluunka “Waxaanu ka wada hadlaynay sidii aynu khayraadka kalluumaysiga labada wadan uga wada faa’iidaysan lahayn, sidii aanu iskaga kaashan lahayn waxyaabaha qaranba qaranka kale kaga duwan yahay ee ka dhiman ugana faa’iidaysan lahaa, waxa kale oo aanu ka wada hadalnay dhinaca suuq-geynta kalluumaysiga iyo sidii xarun caafimaad loo samayn lahaa” sidaa waxa yidhi wasiirka kaluumaysiga Somaliland, waxaanu intaa ku daray “Markaa waxaanu isla gaadhnay inaanu guddi farsamo oo aqoon yahano ah oo labada wasaaradood ka kala tirsan oo ka shaqeeya sidii ay u dhamaystiri lahaayeen is fahamka aanu gaadhnay si aanu marka dambe u saxeexno marka la dhamaystiro”

 

Wasiirka kaluumaysiga dawlada Djabuuti Md Axmed Cawaaale (Axmed Soomali) oo isna arintaasi ka hadlay ayaa yidhi “Waxaanu ka sheekaysanay wixii iskaashi ah ee labadayada wadan noo gaar ah iyo sidii aanu uga faa’iidaysan lahayn khayraadka badda isla markaana aanu u samayn lahayn wax isku kaaya xidha, waxaanuna doonaynaa inaanu go’aan gaadhno”

 

Wasiirka Kaluumaysiga Somaliland Cabdilaahi Jaamac Cismaan ayaa ka mid ah xubno wasiiro ah oo sugaya Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Siilaanyo oo la filayo inuu maalmaha soo socda soo gaadho Magaaladda Djabuuti, isaga oo ka soo kicitimay dalka Ingiriiska.

 

 

 

 

 

Ramaasnews Desk

 

Hargeisa

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Good initiative. Through dialogue and cooperation we get more things done, not by force and powerplay.

 

Hope Somalia will soon join this cooperation to protect the Somali sea.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this