Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland president talks about key issues as he is about to return to the homeland

Recommended Posts

siilaanyo.jpg

 

Madaxwaynaha Somaliland Oo Ka Hadlay socdaalkiisa Ingiriiska iyo xaaladda Dalka

November 23rd, 2011

 

London (Somaliland.Or):- Madaxwaynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa ka warbixiyay socdaalkiisa dalka Ingiriiska iyo kulamadii uu la yeeshay madaxda ka tirsan dalkaasi Ingiriiska muddadii uu joogay, iyo waxyaabihii ay ka wada hadleen masuuliyiinta uu la kulmay.

 

Madaxwayne Axmed Siilaanyo, waxa uu sidaasi ka sheegay waraysi uu Telefishan Qaranka SLNTV ku siiyay magaalada London ee caasimada dalka Ingiirska oo caawa la baahiyay, waxaanu madaxwaynuhu waraysigaasi kaga hadlay arrimo kala duwan oo ay ka mid ahaayeen kulamadii uu la yeeshay madaxda dalka Britian, siyaasada arrimaha dibada, furashada xisbiyaasada siyaasada, siyaasada xukuumada ee ku waajahan xoojinta dal kasta oo ka taageeraya horumarinta dhaqaalaha iyo diblomaasiyadaba iyo xaalada nabad geliyo ee manqada geeska afrika.

 

Madaxwaynuhu waxa uu ugu horayn ka waramay kulamadii kala duwanaa ee uu la yeeshay masuuliyiinta kala duwan ee dalka Ingiriiska muddadii uu joogay dalkaasi Ingiriiska, waxaanu tilmaamay in ay ka wada hadleen arrimo ay ka mid yihiin danaha lada wadan ee Somaliland iyo Ingiriiska iyo sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhka qotada dheer ee ka dhexeeya Somaliland iyo dalka Ingiriiska.

Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo, waxa kale oo uu ka waramay xidhiidhka caalamka iyo horumarka muuqda ee laga gaadhay siyaasada arrimaha dibada ee Somaliland, waxaanu yidhi “Dawlada Ingiriiska ama dawladaha kale ee caalamka ha noqotee dawlad kastaa Somaliland waxay ku amaantaa sida ay u shaqaynayso iyo sida ay u hawl gelayso, waxaanay Somaliland ka dalbataaa sidii ay taageero uga heli lahayd qadiyadeeda, qadiyadahaasi oo uu ka koowaad yahay citiraaf sidii ay uga heli lahayd iyo wixii kale ee wax u qabasho ah ee dalka horumarintiisa dhaqaalaha, waxbarashada, caafimaadka iyo dhinacyo kale, arrimahaas ayaanu aad iyo aad sidii culayska loo saari lahaa hawlahaasi ee looga hawl geli lahaa, ha noqoto qaybo badan oo kala duwan oo dunida ka mid ah ha noqoto Yurub, Amerika, Afrika waxaan isleeyahay aad ayaad uga hawlgasheen weftiyadii nooga imanayay ee mar walba aad iyo aad inta ay noo yimaadaan ee ay dalkayaga arkayay ee boogaadinta u soo jeedinayay dawlada iyo wax qabadkeeda, taa waxaanu isleenahay hawl fara badan ayaad ka gasheen waxaananu ku rejo waynahay in aanu ka midho dhalino.”

 

Madaxwaynuhu waxa uu sheegay in ay xukuumad ahaan dadaal xoogan ugu jiraan sidii ay Somaliland uga mid noqon lahayd dalalka caalamka citiraafna u heli lahayd, waxa kale oo uu ka hadlay madaxwaynuhu siyaasada xukuumada ee ku waajahan xoojinta cidkasta iyo dalkasta oo wax ka taraya horumarinta dhaqaalaha dalka iyo dhinaca diblomaasiyadaba, isaga oo sheegay in horumarinta dhaqaalaha iyo xidhiidhada kala duwan ee ay ka sameeyeen dalal fara badan oo caalamka ah ay kala hadlaan sidii ay u horumarin lahaayeen dhaqaalaha Somaliland oo ay heshiisyo ka gaadheen.

 

Madaxwaynuhu mar uu ka waramayay xaalada nabad geliyo ee manqada geeska afrika waxa uu tilmaamay sida ay xukuumada Somaliland muhiimada u siinayso adkaynta nabadgeliyada mandaqada iyo sida aanay cidna ugu ogolaanaynin in lagu soo xadgudbo xuduudaha Somaliland.

Waxa kale oo uu madaxwaynuhu ka hadlay furashada xisbiyaasada siyaasada Somaliland taasi oo uu sheegay in ay ka mid ahayd balan qaadyadii xisbiga KULMIYE wakhtigii uu ku jiray ololihii doorashada madaxtooyada, arrintantaasina ay ahayd wax uu shacbigu doonayay.

 

Madaxwayne Axmed Siilaanyo waxa kale oo uu ka waramay waxqabadka muuqda ee ay xukuumada uu hogaaminayaa ku talaabsatay muddadii ay jirtay ee dhinacyada kala duwan leh sida arrimaha bulshada, siyaasada, dhaqaalaha iyo dadaalka xoogan ee ay ugu jirto horumarinta dalka iyo ka midho dhalinta himilada shacbiga Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this