Sign in to follow this  
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Bilicda gabdhaha Soomaaliyeed

Recommended Posts

rtnes4.jpg

 

Bilicda gabdhaha Soomaaliyeed

 

 

Miyi iyo magaalo meel kasta oo ay joogaanba bilicda ama quruxda gabdhaha Soomaaliyeed, wey isu dheelli tiran tahay, marka asal ahaan dhanka midabka laga eego madow iyo maarriinba, waana mid jalleecada indhaha soo jiidaneysa siiba hab dhismeedka jirkooda iyo gaar ahaan muuqooda guud ee ilwaadda leh.

 

Damiirka ayaa i faraya inaan qiro horyaalnimada astaanta bilicda iyo bidhaan wanaagga, hablaha Soomaaliyeed, waayo dunida oo dhan baa qirsan hannaan qurxoonida filsamida dumar keenna oo ku soo baxaya huga dhar xirashada nuuc walba oo ay ka qaataanba.

 

Sida ay abwaannada iyo wax garad waaya arag ahiba qabaan, gabadhaha Soomaaliyeed ee xurmada mudan tilmaan ahaan, waxey ugu qurux badan yihiin, marka ay xishood dartii farta dhexe la qaniinayaan ee ay dhabanka si dadab ah u sii jeediyaan, iyo marka ay sida kalsoonida leh u sheekeynayaan ee ay farxadda la dhoolla caddeynayaan.

 

Eeg gabadhaha Soomaaliyeed filsamida ka muuqata marka ay sitaan dharka hiddaha iyo dhaqanka, siiba boqorka iyo dhaclaha, cunnaabida, kuusha iyo makowga, sidoo kale bal isha la sii raac marka ay xiran yihiin ( dharka alindiga ah nuucyadiisa kala duwan ) .

 

Adiga oo aan ku talax tagin indhaha la raac marka ay xjibaan yihiin ee ay ku hor marayaan quruxda ka muuqata, bal hoos u sii bacleel oo il qooraansi ku eeg marka ay guriga dhex joogaan ee ay sitaan diraca nuucii ugu danbeeyay, gaar ahaan baac weynaha, aan ku weydiiyee, ma cid ka qurux badan baa jirta?.

 

Quruxda hablaha Soomaaliyeed, waxaa laga amaanay ilaa iyo hey'adda filimada sameysa ee holywoodka, waxeyna jariiradda ( The New star ) gabdhaha soomaaliyeed ku sheegtay ” in ay yihiin kuwa dunida ugu sarreeya dhanka quruxda iyo midabka, inkasta oo lagu soo lamaaniyay gabdhaha reer itoobiya, haddana shirkadaha daneeya filim sameynta dalabkooda koobaad ee xilligan waa gabdhaha soomaaliyeed.

 

Sidoo kale hablaha soomaaliyeed waxey horyaal ka yihiin bilicda iyo soo bandhigyadda carwooyinka dharka (modell ) waayo gabdhaha daadihiya ee gar wadeenka ka ah ayaaba soomaali ah, waxeyna ku kasbadeen bilicda uu ilaahey siiyay mullaaxda midabka maarriin dhalaalka ah iyo midabka madow labeenta leh.

 

Qurux kaliya maahee gabdhaha soomaaliyeed intaa karti wax qabad baa u sii dheer, waxaanse gabdhaha kula dardaarmayaa meel kasta oo ay joogaanba "anshax wanaag ay ku mateli karaan magaca dalka iyo dadka soomaaliyeed” gunaanadka hadalkuna waa tixo ka mid ah abwaan hadraawi heestiisii aheyd hablaha geeska afrika:

 

Hablo weerar geli kara

Gobanimana hanan kara

Hablo talada goyn kara

Garta madal ka niqi kara

Garashana isaga mid ah

Quruxdana ka wada gob ah

Gees keenna mooyee

Geyi kale ma joogaan.

Waxaa qoray heesaaga weyn Bashiir Cali Xuseen

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this