Sign in to follow this  
Saalax

Schools funded by Norway opened in Allaybaday district Gabiley region -Somaliland

Recommended Posts

Saalax   

Badhasaabka Gabiley oo Xadhiga ka Jaray Dugsi Hoose Dhexe oo Kulmin doona lix iskuul oo laga furay Magaalada Xidhinta

 

Agaasimaha Guud ee Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee JSL Mudane Maxamed Xasan......

di-7EPO.jpg

 

Allaybaday(GNS)- Dugsi dhexe ayaa laga furay Magaalada Xidhinta oo ka mid ah Magaalooyinka hoos yimaada Degmada Allaybaday Iskuulkan ayaan kulmin doona Iskuulada kala ah Taysa,Gees-dheere, Harcadaad,Harta-geele,Geed-abeera iyo Xidhinta, dhismaha Iskuulkan waxa fulisay D/hoose ee Degmada Venje ee dalka Norway iyada oo la kaashatay Jaaliyada reer Allaybaday ee isla Norway ,Wasaarada Waxbarashada JSL Maamulka Degmada,iyo aqoonyahanada Degmada oo dhamaantood dareemay baahida loo qabo dugsigan oo kale una guntaday siddii loo suuro galin lahaa ayaa waxa laga furay Magaalada Xidhinta dugsigan oo loogu talagalay bulshada Qodaal in uu gaadhsiiyo ubadkooda tacliin tayo leh oo mustaqbalka anfacda ay furitaankii Dugsigaasi waxa kazoo qayb galay Badhasaabka Gabolk Gabiley Cali Aadan Meecaad, iyo ku Xigeenkiisa Cali Cabdi C/laahi Cali Case ,Agaasimaha Guud ee Waxabarashada iyo tacliinta sare Maxamed Xasan,Gudoomiyaha Degmada Allaybaday C/risaq Sh C/laahi, Xildhibaano ka kala socday Golayaasha deegaanka ee Hargaysa iyo Gabiley, Maayarkii Degmada Vinje ee dalka ka Norway ee dhistay Dugsigan Dhexe,Mr, Arne iyo Sadex xubnood oo kale oo ku wahelinaayay safarkiisaa oo dhamaantood ka tirsan Golaha Deegaanka ee Degmada Vine kala ah Anders sandvik oo ah Maamulaha Iskuulka Aomot ee Degmada Vinje iyo Ingerid Hayes oo ahayd siyaasiyad kana mid ah Golaha Deegaanka ee Degmada Vinje, Mr. Cali Dable oo isna ka mid ah Golaha Deegaanka ee Degmada Vinje, waxa kale oo kazoo qayb galay Xafladaasi Gudoomiyaha waxabarashada ee Gobolka Gabiley Mr Maxamed max’ud Xaddi iyo ku Xigeenkiisa Maxamed Aadan Daauud,Saldaanka guud ee Gobolka Gabiley Suldaan Axmed Nuur C/laahi Samaale, Cuqaal, Culima Odaydiin, Dumar,Qurba joog kazoo jeeda Gobolka Gabiley gaar ahaan Degmada Allaybaday iyo Maayarkii hore ee Degmada Allaybaday Xasan Shahar.

 

di-V5MJ.jpg

 

Waxa ugu horayn halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Waxbarashada ee Degmada Allaybaday ahna Gudoomiye kuxigeenka Waxbarasaha ee Gobolka Gabiley Maxamed Aadan Daauud oo ku bilaabay Mahadnaq uu u mahadnaqayay cid kasta oo gacan kagaystay Iskuulkan isaga oo waliba sigaar ah ugu mahadnaqay Gudoomiyaha Degmada Vinje iyo Saaxiibadii waxa kale oo uu ka waramay Marxaladihii ay soo martay Waxbarashada Degmada Allaybaday iyo imika heerka ay marayso,isaga oo yidhi waxbarashada Degmada Allaybaday waxa ay ka bilaaban tay Geed hoostii imikana waxa ay maraysaa dhawr iyo tobon iskuul oo ay hilgalintooda lahaayeen UHWA iyo Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Jsl aad iyo aadna waanu ugu mahadnaqaynaa.

 

di-1A0H.jpg

 

Waxa kale oo isna halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha UHWA ee Somaliland Mr Cumar Aw Jamac oo isna ka sheekeeyay ka UHWA ahaan mar xaladihii ay soo martay Waxbarashada Allaybaday iyo sida ilaahay ugu guuleeyay in ay heerkan manta soo gaadho sidoo kale waxa uu mahadnaq badan usoo jeediyay Waftiga kasocda Degmada Vinje waxaanu yidhi aad baad ugu mahadsan tihiin Iskuulka quruxda badan ee aad noo dhisteen balse waxa aanu idinka rajaynaynaa in aayna noqon doonin wax qabadkiinii ugu horeeyay ee aad halkaasi kasii wadi doontaa wax qabadka aad ka bilowdeen Degmada Allaybaday,

 

Waxa isna halkaasi ka hadlay Xildhaan Cali Dable oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Deegaanka ee Degmada Vinje ee Dalka Norway waxaanu Cali ku dheeraaday Mihiimada Waxbarashada waxaanu Waalidiintii Xafladaasi kazoo qayb gashay aad ugu dardaaray in ay Ubadkooda Waxbaraan isaga oo yidhi waalidka Ubadkiisa Waxbariwaaya ilaahaybaa la xisaabtami doona maalinta qiyaame, waxa kale oo uu ku boriyay ardayda Iskuulkan loo dhisay in ay ka faa’idaystaan Iskuulkaasi loogu keenay Deegaankoodii isaga oo yidhi waxbarasho ayaa la isku dhaafay ee waxbarta.

 

Waxa kale oo isn a Xafladaasi hadal dhinacyo badan taabanaya ka soo jeediyay Gudoomiyaha Degmada Allaybaday C/risaaq Sh C/laahi Muxumed, waxaanu ugu horayn hadalkiisii ku bilaabay Mahadnaq uu usoo jeediyay waftiga reer Norway oo uu yidhi waxa aan Marka hore idinku soo dhawaynayaa Degmada Allaybaday oo yar iyo wayn idinleh soo dhawaada abaal wayna waanu idiin haya anaga oo ku hadlaya afka dadwaynaha ku nool Degmada Allaybaday aad ayaan idiinku mahadnaqayna waxqabadka aad noo muujiseen haddii aanu nahay dadwaynaha ku nool Degmada Allaybaday, waxaanan idin leeyahay Iskuulkan aad noo dhisteen waxa uu wax wayn ka taridoonaa baahiyo waxbarasho oo haystay arday aad u tiro badan oo dhamaystay Dugsii Hoose diyaarna u ahaa bilaabida Dugsi dhexe waana ilaahay Mahadii mar haddii uu Iskuul kulminaya 6 tuulo manta Xadhiga la inooga jaray waxa aan leeyahay waxbarashada Degmadu waxa ay haatan gaadhay horumar la taaban karo marka la eego halkii laga soo bilaabay 2005kii iyo halka aynu manta joogno, taasina waa wax ilaahay loogu mahadiyo iyo Ururka Horumarinta Waxbarashada Allaybaday ee (UHWA) habada waxa aanu ka Maamul ahaan balan qaadaynaa in aanu laba jibaaro siddii aanu iskuulada Degmada horumar fiican ugaadhsiin lahayn.

 

Sidoo kale waxa halkaasi ka hadlay Maayarka Vinje Mr, Arne waxaanu hadalkiisii ku bilaabay aad baan ugu faraxsanahay in aan Maanta Xafladan idin kala qayb qaato waxaan ogahay in aad leedihiin Maalin qaran oo ah 18 May anana Norway waxaanu leenahay Maalin Qaran oo ah 17 May markaa waxa aan dareemayaa in aan joogo 17 May ee Qaranimada Norway oo kale aadna waan ugu faraxsanay in aan halkan joogo Xasuustaydana raadbay ku yeelan doontaa mustaqbalka .

 

Sidoo kale waxa isna halkaasi ka hadlay Agaasimaha Guud ee Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee JSL Mudane Maxamed Xasan oo mahadnaq kadib aad ugu dheeraaday faa’idada Waxbarashada waalidiintana ku dardaaray in ay Ubadkooda waxbaraaan sidoo kale waxa uu iyagana maan usoo jeediyay Waftiga reer Norway ee dhisay Iskuulkan kulmin doona lix iskuul ee ku yaala Qadaala,

 

Ugu danbayntii waxa halkaasi ka hadlay Badhasaabka Gobolka Gabiley Cali Aadan Meecaad waxaanu yidhi marka hore waad salaaman tihiin dhamaantiin marka hore hadalkii waa la dhameeyay balse waxa aan u kacay sadex arimood marka hore in aan u mahadnaqo waftiga uu hogaaminayo Maayarka Degmada Vinje waxaanan leeyahnay aad iyo aad baad u mahadsantihiin aniga oo ka wakiil ah umada ku nool Gobolka Gabiley waxaanan raacinayaa codsi aan leeyahay gacantiinaa barakaysan halkaa kasii wada waxaanan ilaahay ka rajaynayaa in ay idiin fududaato in aan waxqabadyo danbena ka fulinsaan Gobolka, labada codsi ee soo hadhayna mid waxa aan leeyahay Waalidiinta ta kalena waxaan leeyahay Jiilka cusub ee waxbaranaya waalidka waxa aan leeyahay ilmuhu waxa uu leeyahay sadex macalin kawoodaad waa labada waalid oo ilmuhu haddii aanu guriga kala iman edeb iyo Akhlaaq wanagsan iskuulkana waxba ka keeni maayo markaa waalidka waxaan ku dardaraayaa in ay ubadka gacanta ku hayaan oo ay ogaadaan in ilmihiisu wax dhiganayo iyo in kale oo waa in laga war hayo ilmaha macalinkana waxaan leeyahay waa in aad ka warhaysaan idinkuna sidda uu ilmuhu wax u dhiganayo kuna dardaartaan in uu ku dadaalo waxbarashada, umada meesha dagana waxaan leeyahay ninka gurigiisa kaasooraa waa nin ninka guri kale kaa sooraana waa nin labaad Cali iyo Xasan labaduba waa nin labaad waxa ay nimankaa Norwaygiyiinta ah ka keeneen Aduunka dabadiisa, taasina waa danayn ay ina daneeyeen nimankaasi halkaasi inooga yimidna iyaga ayaa kazoo dhaadhiciyay in ay halkaa yimaadaan oo inamadeenaas ayaa soo kaxeeyay inamada kale oo la midka ahina waxa laga rabaa in ay keenaan dadaalkaa ay labadaa inan keeneen, ubadkiina maantuna waad nasiib badan tihiin tusaale ahaan wakhtigii aan anigu waxbaranayay kabo la’aan baan wax ku baranayay qadadayduna waxa ay ahaan jirtay rubuc timir ah, markaa nasiibaad leedihiina waxbarata ayaan idinleeyahay, ayuu Badhasaabku kusoo afmeeray hadalkiisii.

 

http://www.gabiley.net/pages/tDetails.php?source=news&ID=19506&permission=1&audioFile=

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this