Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Ugandan president says Ethiopian troops inside Somalia will solve problems in Somalia

Recommended Posts

Yuweri_Museveni_0.jpg

 

Yuweri Museveni “Ku soo noqoshada ciidamada Ethiopia ee Soomaaliya waxaa ay xal u noqonaysaa dhibaatadda Soomaaliya waayo haatan Al-Shabab awood badan ma laha waase la sii dhameys tiri doona”

 

Mogadishu Sabti 19 November 2011 SMC

 

Yuweri Museveni “Ku soo noqoshada ciidamada Ethiopia ee Soomaaliya waxaa ay xal u noqonaysaa dhibaatadda Soomaaliya waayo haatan Al-Shabab awood badan ma laha waase la sii dhameys tiri doona”

 

Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Museveni ayaa soo dhaweeyay in ciidamo Ethiopian ah soo galaan gudaha Soomaaliya isla markaana ay ku biiraan dagaalka lagula jiro Xarakadda Al-Shabab sida uu yiri .

 

War xafiiskiisa laga soo saaray oo ay baahiyeen warbaahinta dawlada Uganda ayaa waxaa lagu sheegay in M/weyne musaveni uu si gaar ah u soo dhaweynayo in ciidamada Ethiopia ay Soomaaliya dib ugu soo laabtaan oo ay ka qeyb qaataan hawlgalada lagu doonayo in meesha looga saaro Al-Shabab sida warka lagu yiri.

 

M/weyne Musaveni waxaa uu sheegay in ciidamada Ethiopia ay qibrad wanaagsan u leeyihiin habka loola dagaalamo Al-Shabab waxaana uu xusay inay tahay arrin wax badan ka badali karta xaaladda AMISOM.

 

“Ku soo noqoshada ciidamada Ethiopia ee Soomaaliya waxaa ay xal u noqonaysaa dhibaatadda Soomaaliya waayo haatan Al-Shabab awood badan ma laha waase la sii dhameys tiri doona” ayaa lagu yiri warka laga soo saaray xafiiska M/weynaha Uganda Yuweri Musaveni.

 

Dawlada Uganda waxaa Soomaaliya ka jooga tirada ugu badan ciidamada AMISOM waxaana ay safka hore kaga jirtaa wadamada Africa ee sida weyn ula dagaalsan Al-Shabaab.

 

Midawga Africa ayaa dhawaan sheegay in ciidamo Ethiopian ah ay Soomaaliya usoo dirayaan kuwaasoo Soomaaliya kula dagaalami doona Xarakadda Al-Shabab oo haatan maamula gobolo ku yaala bartamaha iyo koofurta Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Uganda oo soo dhaweyay in Dowladda Itoobiya ay qayb ka noqoto dagaalka lagula jiro Al-shabaab

 

Sabti, November 19, 2011 (HOL) − Madaxweynaha dalka Uganda, Yoweri Museveni ayaa sheegay inuu si gaar ah u soo dhaweynayo in ciidamada Itoobiya ay galaan mar kale Soomaaliya si ay qayb uga noqdaan howgallada lagula dagaalamayo Xarakada Al-shabaab.

 

Mr. Museveni ayaa hadalkan ku sheegay Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiskiisa Kampala oo ay baahisay warbahainta dalkaas, isagoo intaa ku daray in qorshahan uu wax weyn ka tari doono dib u soo celinta ammaanka Soomaaliya iyo xoojinta ciidamada AMISOM.

 

"Ciidamada Itoobiya ee ku laabanaya Soomaaliya xal u keenaysaa xaaladda dalka Soomaaliya, waayo Al-shabaab awooddeedu waa yaraatay," ayuu yiri Museveni oo intaa raaciyay in ciidamada Itoobiya ay khibarad wanaagsan u leeyihiin la dagaalanka Al-shabaab.

 

Dalka Uganda ayaa waxaa kaga sugan Soomaaliya kumannaan askari oo qayb ka ah ciidamada AMISOM kuwaasoo dowladda KMG ah ka caawinaya dagaalka ay kula jirto Al-shabaab iyo adkeynta nabadda Muqdisho.

 

Madaxewyne Museveni wuxuu hadalkiisa ku sheegay in Itoobiya ay horay ciidammo u geystay Soomaaliya ayna leedahay khibarad ka duwan midda ay dalalka kale ee Bariga Afrika u leeyihiin Soomaaliya, isagoo sheegay in khibarado badan laga faa'iidi doono.

 

Ururka Midowga Afrika ayaa maalin ka hor sheegay inay qorsheynayaan inay ciidammo u diraan Soomaaliya si ay uga mid noqdaan howgallada ay AMISOM ka waddo gudaha Soomaaliya iyo dagaalka lagula jiro Al-shabaab.

 

Dowladda Itoobiya ayaa sannadkii 2006 kumannaan askarteeda ah gelisay gudaha dalka Soomaaliya iyadoo ka baxday 2009, kaddib dagaallo ay dhiig badan qubay oo ay la galeen xoogaggii maxkamadaha islaamka ee uu horkacayo madaxweynaha DKMG ah Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this