Carafaat Posted November 18, 2011 Agaasimaha guud ee wasaaradda Cadaaladda oo ka warbixiyey tirada maxaabiista ku xidhan jeelasha Somaliland Khamiis, November 17, 2011 (HOL) — Agaasimaha guud ee wasaaradda Cadaaladda Somaliland Maxamed Muuse X. Cabdi Galaydh, ayaa ka warbixiyey hawlaha u qabsoomay wasaaradooda, waxaanu xusay in maxaabiista Somaliland ee ku xidhan jeelasha Somaliland gaadhayso ilaa laba kun oo qof oo siyaabo kala duwan ugu jira jeelasha Somaliland. Agaasimuhu wuxuu tilmaamay inay waxyaalo badan oo ka yaabiyey ku arkeen Maxaabiista ku jira jeelasha, isla markaana ay doonayaan inay dardar galiyaan garsoorka iyo maxkamadaha dalka si cadaaladda maxaabiista loo sugo. Sidoo kale waxa uuu agaasimuhu sheegay in tirada budhcad badeed ee jeelasha Somaliland ku jira gaadhayaan ilaa konton maxbuus, kuwaas oo lagu helay dambiga Budhcadbeednimo, waxa kale oo uu waxba ka jiraan ku tilmaamay warar sheegaya inay maxaabiis budhcad badeed u xidhan ay xukuumaddu sifo sharci daro ah ku siidaayeen. Agaasimuhu waxa uu sidaas ku sheegay waraysi uu siiyey HOL, waxaanu xusay in dhalinyaro badan oo ka soo qalinjabiyey jaamacadaha dalka ay hawlgaliyeen si ay cadaalladda u sugaan. "Hawsha noo qabsoontay iyo hawsha na hortaalla marka aad isku eegtid tan noo taalo ayaa badan" ayuu yidhi "Wasaaradda Calaaddu waxay soo saartay garsoorayaal dhalinyaro ah oo ka soo qalinjabiyey jaamacadaha dalka iyo dibadiisaba, waxaanu soo ogaanay maxaabiista jeelasha dalka ku jirta intay yihiin, waxaanu soo aragnay dadka muddo dhaafka kuxidhan, kuwa dilalka ku xidhan iyo wax walba oo cadaalad daro tirsanayaba waanu soo baadhnay"ayuu yidhi Mr: Galaydh. Mar aanu waydiinay tirada maxaabiista ah ee jeelasha Somaliland ku xidhan waxa uu yidhi "Maxaabiistu kolna way kordhayaan kolna way yaraanayaan, maxaabiistu laba kun oo dhow dhow ayey ahaayeen," wuxuu kasii sheekeeyay noocyada ay u kala baxaan maxaabiista, isagoo yiri. "Maxabiistu way kala duwan yihiin qaar xabsi daa’in ah, qaar sanado badan ku xukuman, qaar mudadii ka dhamaatay, qaar rafcaan sugaya"ayuu yidhi. Isago ka hadlay intii kormeerka ku jireen dhacdooyinkii layaabka ahaa ee ay ku arkeen jeelasha " maanta ninka dunida ku nooli waxaad filayso iyo waxaanad filaynba waad la kulmaysaa, boqolkii qof ee meel ku jiraba qof waliba kiis gaar ah ayuu ku xidhan yahay. Waxaad ku arkaysaa qaar wax dilay oo dil ku xukuna muddo dheer, oo aan la fulinin dilkiisii taasna waxa leh dadkii uu ninkani u xidhnaa," wuxuu intaas ku daray "Dadka kii wax kharibayey ee laaluushka bixinayey ayaa dacwoonaya, dambigan garsoorayaasha oo kaliya ma leh, dadweynuhuna wax buu ku leeyahay, ilaa qaar laaluush la ordaya la qabto oo jeel loo diro waxba hagaagi maayaan" ayuu yidhi. Agaasimaha oo ka jawaabaya tirada budhcad badeed ah ee ku xidhan Somaliland tiradooda waxa uu yidhi " Budhcad badeedda mar ba tiradoodu way kordhaysaa, jeelashada waxa hadda ku xidhan budhcad badeed aad u farobadan oo ilaa konton gaadhaysa." Mar kale oo la waydiiyey cida ay u badan yihiin budhcad badeedka ay hayaan waxa uuu yidhi " Horta kuwan aynu haynaa Somalilanders ayey u badan yihiin, wax yar uun baa ku jirta oo reer Puntland ah "Agaasimuhu waxa uu hay’adaha iyo awlahada ajanabiga ah ku eedeeyey inaanay Somaliland wax ku tarin, waxyaalaha ay sheegteen ee ay Somaliland ku caawiyaana aanay waxba ka jirin. "Budhcad badeedku waa arrin caalami ah haddii aanay ciidankeenu hadh iyo habeen heegan ahayn ma markab ayaa ku soo mari lahaa, wax Somaliland lama qabtaan," ayuu yidhi. Waxa kale oo uu sheegay in jeelka weyn ee magaalada Hargeysa laga dhisay aan loo samayn maxaabiista budhcad badeed ah, balse jeelkii hore uun dib loo sameeyey. Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online barkhadladiif@hiiraan.com Hargeysa, Somaliland Quote Share this post Link to post Share on other sites
Carafaat Posted November 18, 2011 Thats around 60 prisoners per 100.000 people. Comparable with Djibouti. http://www.nationmaster.com/graph/cri_pri_per_cap-crime-prisoners-per-capita Quote Share this post Link to post Share on other sites
Wiil Cusub Posted November 19, 2011 Carafaat;759747 wrote: Thats around 60 prisoners per 100.000 people. Comparable with Djibouti. http://www.nationmaster.com/graph/cri_pri_per_cap-crime-prisoners-per-capita good almost half of world average Quote Share this post Link to post Share on other sites