Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland government opens new police department in the adhicadeeye village of Sool.

Recommended Posts

Munaasibad lagu furayo Saldhig Ciidan Boolis oo maanta ka dhacday adhicadeeye + Video

Nov 18

Munaasibad xadhiga lagaga jarayay saldhig boolis oo ku yaala Deegaanka adhicadeeye oo katirsaan gobolka sool ayaa maanta lagu qabtay xarunta saldhiga cusub waxaana ka soo qayb galay cuqaasha waxagarad iyo bulshada deegaanka masuuliyiinta maamulka gobolka iyo maareeyaha hay,ada wadooyinka somaliland oo socdaal shaqo ku jooga gobolka sool

 

 

saldhigan ciidamada amniga oo ay baahi weyn u qabeen dadweynaha ku dhaqan deegaankaas ayaa waxa xadhiga ka jaray gudoomiyaha gobolka sool Xaaji jeeni yare, intaasi kadib ayaa waxaa kulankii munaasibadaais ka hadlay cuqaasha waxagaradka deegaanka adhicadeeye oo soo dhaweeyay saldhiga loo dhisay

 

Taliyaha qaybta booliska ayaa isna dhankiisa ka hadlay muhimada saldhiga u leeyahay deegaanka wuxuuna sheegay in ciidan ku filan la gayn doono

 

 

Maareeyaha hay,ada wadooyinka somaliland cabdi waaxid c qaadir oo ka qayb galay munaasibadan ayaa isna ku dardaaray bulshada deegaanka adhicadeeye inay ka faa,iidaystaaan saldhiga iyo waxqabadka kale ee laga hirgeliyay deegaanka

 

 

munaasibada ayaa isagu soo afmeeray Gudoomiyaha gobolka sool maxamed maxamuud xaaji jeeni yare wuxuuna bulshada deeganka ka codsaday inay ilaashadaan saldhiga boolis oo uu sheegay inay hirgelisay xukuumada somaliland

 

 

masuuliyiinta ayaa sidoo kale soo kormeeray dugsi boodhan ah oo laga dhisayo isla deegaanka adhacadeeye oo wali ay shaqadiisu socoto waxayna tilmaameen in dugsigani wax weyn u soo kordhin doono deegaanka

 

 

holhol.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this