Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Erigavo - Burao Road Project

Recommended Posts

London(HWN) Waxa magaalada London ka dhacay shir ay isugu yimaadeen dhamaan beelaha ka soo jeeda gobolka Sanaag,kaasi oo lagaga wada hadlay sidii loo dhisi lahaa guddi hormuud ka noqota dhismaha waddada isku xidha magaalooyinka Ceerigaabo iyo Burco.

 

Kulankan oo uu bud-dhigiisa lahaa Anwar Aadan Maxamed oo horey uga mid ahaa guddidii dhismaha waddadaasi , kuwaasi oo ay kala mid ahaayeen Jeneral Cabdi Saxardiid Cabdi Dhibow, Sheekh Xassan Cabdi Salaan iyo xubno kale, ayaa ugu horeyn hadal uu halkaasi ka soo jeediyay kaga waramay muhiimada ay waddadaasi u leedahay guud ahaan horumarka dalka Somaliland,gaar ahaan gobolka Sanaag oo wakhtigan uu sheegay inuu ku jiro godoon.

 

Mr. Anwar waxa uu intaa ku daray in uu si aad ah ugu rajo weyn yahay in haddii ay reer Sanaag isku duubnaadaan in ay ku guuleysan doonaan dhismaha waddadaasi, isagoo tusaale u soo qaatay in guddidoodii hore waayo aragnimadii ay kala kulmeen hadda laga faaideyn karayo, maadaama Madaxweynaha wakhtigan Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo,uu si weyn u danaynayo, isagoo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi aad baan ugu rajo weynahay in waddadaasi wax laga qaban karo wakhtigan, marka loo eego waayo-aragnimaddii hore, maadaama sida uu Mustafe Shiine inoo sheegay uu madaxweyne Siilaanyo u arko ajande muhiim ah oo qorshayaashiisa halka ugu sareysa kaga jira

 

Dhinaca kale waxa isaguna halkaasi ka hadlay Mustafe Cabdi Ciise Shiine oo ka waramay dhibaatada reer Sanaag ay kala kulmaan marida waddadaasi oo uu sheegay in qofka mar maraa aanu mar labaad ku dhiiranayn inuu dib ugu noqdo, isagoo intaasi ku daray in sidoo kale ay waddo laaantani kala fadhido gobolka Sanaag inuu iibgeeyo wax soo saarkiisa oo uu sheegay in Baradhada,Kaabashka iyo basashada cad eek u qaayista gobolka dalka intiisa kale looga keeno Itoobiya, taasina ay sababteeda tahay wado xumadu.

 

Shiine waxa uu ka waramay in intii aanu Hargeyso ka iman ay laba jeer la kulmeen Madaxweyne Siilaanyo, Guddi sidan oo kale isugu dhan oo weliba ahayd, kuwii xisbiga KULMIYE uga soo ololeeyay gobolka sanaag,isla markaasina uu Madaxweynuhu u sheegay in waddadaasi ay ku hayso xanuun badan oo weliba uu u arkayo in taariikhda waxa ka hadhay Somaliland in ay tahay oo beri lagu xasuusan doono, haddii ILLAAH la qabto, taasina ay markhaati ka tahay sida uu madaxweynuhu ugu heelan yahay wax ka qabadka arrintaasi.

 

Waxa iyaguna halkaasi ka hadlay Mustafe Cali Madoobe, Cabdi Axmed Kutiye,Mukhtaar Cali Madoobe,Cabdirisaaq Maxamed Jaamac Xiis Laqe,Cabdi Qawdhan, Maxamed Cali Xassan iyo xubno kale oo uu ku jiro Ibraahin Armaani oom isagu ka soo jeeda gobolka Togdheer ,Balse muujiyay sida uu u taageersan yahay dhismaha waddadan oo uu sheegay in bulshada reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan ay ka qayb qaadan doonaan dhismaheeda maadaama ay muhiim u tahay wax yaabo badan oo dalkeena barwaaqo u horseedi kara oo ay ka mid tahay dalxiiska oo kale.

 

Ugu danbeyn dood dheer ka dib waxa la isla qaatay in Afar xubnood oo uu hogaaminayo Anwar Aadan Maxamed loo saaro dhismaha guddida horkici doonta dhaqaale ururinta iyo saldhigida barnaamijka lagu dhaqaajin doono dhismaha waddadaasi, iyadoo shirka sidoo kale layskula qaatay in dumarku guddida la soo dhisi doono ay ku yeeshaan kaalin firfircoon, iyadoo la filayo in guddidani la soo dhamays tiro sida ugu dhaqsaha badan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

This is where official recognition would come in handy. Big infrastructure projects such as road building are usually paid for with donor dollars in Africa. Look at how the one road built by the Chinese from the South to the North still stands today after 40 yrs. Insha'Allah, kheyr.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this