Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland: unicef to build the largest headquarters in the horn in Hargeysa

Recommended Posts

Ku Simaha Madaxweynaha Somaliland Oo Maanta Dhagaxdhigay Dhismaha Ugu Weyn Ee Hay’ada UNICEF Ku Yeelanayso Geeska Afrika Oo Laga Hirgelinayo Magaalada Hargeysa.

 

Hargeysa (Ramaas) Nov. 13, 2011- Ku simaha Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta dhagaxdhigay xarunta ugu weyn ee gobolka Geeska Afrika ay ku yeelanayso hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan hooyada iyo dhalaanka ee UNICEF ,kaasoo laga dhisayo Magaalada Hargeysa.

 

Dhismahan oo laga dhisayo duleedka Koonfureed ee Magaalada Hargeysa ayaa ka kooban baxaad ahaan dhawr KM oo isku weer ah, waxaana ku deeqday dhulka loo qoondeeyay dawlada hoose ee Hargeysa,taasoo ay xukuumadu ku tilmaantay tallaabo lagu soo jiidanayo hay’ada caalamiga ah oo la doonayo in xarumahooda Magaalada Nairobi ee qaabilsan deegaanada Soomaalida in ay u soo raraan Somaliland oo ah dhul nabad ah.

 

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici oo ka hadlay munaasabadii dhagaxdhiga ayaa sheegay in dhismahan xaruntan ay qayb ka tahay ballaadhinta mashaariicda horumarinta ee Qaramada Midoobay ugu talogashay Somaliland, taasoo uu sheegay in ay ku timi iskaashi dhexmaray xukuumada iyo hay’adaha oo doonayo in ay ka faa’iidaystaan nabada iyo deganaanshaha Somaliland oo ah mid la isku lahayn karo.

 

Arrintan ayaa timid ka dib markii uu Magaalada Hargeysa shalay soo gaadhay ninka hay’ada UNICEF u qaabilsan Soomaaliya Sikandar Khan oo ay xukuumada Somaliland ka wadahadleen sidii hay’adaas ay dhismaheedan uga hirgelin lahayd Somaliland.

 

 

Ramaasnews Desk

Share this post


Link to post
Share on other sites

M/weyne Ku xigeenka oo dhagax dhigay Xarunta Ugu weyn Geeska Afrika ee UNICEF

November 13th, 2011

 

a>Hargeysa (Somaliland.Org)-Madaxweyne Ku Xigeenka ahna ku simaha Madaxweynaha Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta dhagax dhigay dhismihii xarunta ugu weyn ee Ha’yada UNICEF ku yeelan doonto Geeska Afrika oo laga hirgelinayo xaafada Masalaha ee magaalada Hargeysa.

 

Xaflad loo sameeyay dhagax dhiga xaruntaasi waxa kale oo goob joog ka ahaa Wasiirradda Kalluumaysiga, Qorshaynta, Macdanta iyo Biyaha, Wasiir Ku xigeenka Maaliyadda iyo Duqa Caasimada Hargeysa ahna Ku simaha Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex.

 

Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ka hadlay xafladii dhagax dhiga dhimahaasi wuxuu yidhi “Xukuumadda Somaliland waxa maanta farxad weyn u ah inaanu maanta halkan nimaadno dhagax dhiga Xaruntii u horreeyay ee Ha’yad ka mid ah Haa’yadaha qarammada Midoobay oo ah UNICEF ay xaruntoodii ugu weynayd ee Geeska ay ka dhisayaan caasimada Somaliland ee Hargeysa taasina farxad labaad ayay noo sii tahay.”

 

Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland waxa uu sheegay in xafiiskani wax ka tarayo sidii loogu adeegi lahaa carruurta iyo haweenka isagoo arrintaasi ka hadlayna wuxuu yidhi “Waxaan aad iyo aad ugu Hambalyeynayaa Haa’yada UNICEF tallaabadda horseedka ah ee ku dayashada mudan ee ay qaadatay oo aan u soo jeedinayo inay Ha’yadaha kale ee qarramadda midoobayna ku daydaan. Tallaabadani waxay muujinaysaa sida Ha’yada UNICEF sida ay diyaarka ugu tahay inay ka midho dhaliso qorshaha Milinium Goal-ka la hiigsanyo oo carruurta iyo dadka nugul oo haweenku ka mid yihiin oo waxqabadkii Ha’yadaasi u soo dhawaatay, aad iyo aadna waan ugu hambalyaynayaa Ha’yadan.”

 

Madaxweyne Ku xigeenku waxa uu sheegay inay xukuumad ahaan diyaar u yihiin inay iskaashi wanaagsan oo horumarineed ay la yeeshaan Ha’yadaha caalamiga ah.

“Anaguna sidaasi aanu dhulka u bixinay ayaanu diyaar ayaanu u nahay inaanu kaalintayada ka qaadano wada shaqaynta aanu la leenahay Ha’yadaha si looga midho dhaliyo ahdaafta horumarinta si aynu isbedel uga samayno dhinayada Biyaha, Caafimaadka iyo waxbarashada oo ah sadexda qodob ee aasaasiga ah,”ayuu yidhi Ku simaha Madaxweynaha Somaliland.

Sidoo kale, Wakiilka Ha’yada UNICEF ee Somaliland/Somalia Mr. Sikander Khan oo ka hadlay xafladaasi waxa uu sheegay inuu uga mahad celiyo xukuumada Somaliland xidhiidhka iskaashi ee ay la leeyihiin Ha’yada UNICEF waxaanu Madaxweyne Ku xigeenka uga mahad celiyay sidii uu ugu soo dhaweeyay dalka.

Wakiilka Ha’yada UNICEF ee Somaliland/Somalia Mr. Sikander Khan oo ka hadlayay xafladaasi wuxuu yidhi “UNIEF waxay aad iyo aad ugu faraxsan tahay inay gudoomato dhulka ay dawladda Somaliland siisay UNICEF si ay hawleeda ugu gudato, marka la dhiso dhulkaasi waxa uu noqonaynaa xafiiska ugu weyn ee Bariga Afrika waxaana la filayaa inuu ku dhammaado dhismaha xaruntani muddo 12 bilood gudahood ah waxaana la rajaynayaa inuu ku dhammaan karo lix ilaa sideed bilood.”

“Dhulkan aanu ka dhisayno xarunta waxa cabirkiisu yahay toban kun oo mitir oo laba jibaaran, waxaanu qaadi doonaa 90 shaqaale ah, xaruntani waxay muujinaysaa ahmiyad ay UNICEF siinayso Somaliland si ay u fuliso mashaariicda dhinaca horumarinta carruurta 12 mashruuc oo Afrika oo dhan ka socda, dhaqaalaha ku baxayaana uu gaadhayo 12 illaa 25 Malyan oo Dollar,” Wakiilka Ha’yada UNICEF ee Somaliland/Somalia.

Mr. Sikander Khan oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Deeqdan dhulku waxay timid xili adkaa oo aanu aad ugu baahnayn si aanu ula shaqayno Milinium Goal-ka.”

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Qaabilay Wefti ka socday Ha’yada UNICEF

November 12th, 2011

 

Hargeysa (Somaliland.Org)-Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland ahna Ku simaha Madaxweynaha Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta qasriga madaxtooyada ku qaabilay wefti ka socday Ha’yada UNICEF, oo socdaal ku yimid dalka.

Sidaasi waxa lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay xarunta Madaxtooyada oo u dhignaa sidan:-

“Madaxweyne ku xigeenka JSL, ahna ku simaha Madaxweynaha JSL, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wefti ka socda Hay’adda UNICEF oo uu hogaaminaayo Mr. Sikander Khan, oo ah u qaybsamaha Arrimaha Somaliland iyo Somaliya.

 

Weftigani waxa ay madaxweyne ku xigeenka xog-waran ka siiyeen ujeedada socdaalkooda ee ay ku yimaadeen Somaliland taas oo ay ku sheegeen in ay Somaliland ka hirgelin-donaan Mashaariic wax ku ool ah oo waxka tari doona dhinacyada kala duwan ee horumarka bulshada,

Mr. Sikander Khan waxa kale oo uu ka dhawaajiyey in ay mashaariicaha horumarineed ee ay ka hirgelin-donaan Somaliland ay ugu horayso, dhismihii ugu weynaa ee abid laga hirgeliyo Guud ahaan Afrika, kaas oo ay fursada u heshay in laga yagleelo Somaliland oo ah qaran curdin ah, nabad, & xasilooni buuxdana ka jirto iyo Dawlad buuxisay Shuruudaha dawladnimo lagu noqon karo, kaas oo ka soo ifbaxaya Afrika.

 

U qaybsamaha Arrimaha Somaliland iyo Somaliya ee Hay’adda UNICEF, Mr. Sikander Khan, waxa uu Somaliland uga mahad-naqay sidii balaadhnayd ee loogu soo dhaweeyey Caasimada Jamhuuriyada Somaliland ee Hargeisa, waxaanu xusay in shacab iyo xukuumadba ay lama huraan tahay in ay sii laban laaban dedaalka ay ugu jiraan ka midho dhalinta nabad-gelyada, horumarka iyo wax-wada qabsiga ay muujiyeen.

 

Madaxweyne ku xigeenka JSL, ahna ku simaha Madaxweynaha JSL, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa sidoo kale wax ka iftiimiyey marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay Somaliland taasi oo uu xusay in Xukuumada Somaliland oo kaashanaysa shacbigeeda, ay ka soo gudbeen Carqalado badan oo ka soo wajahay dhinacyada nabad-gelyada, dhaqaalaha, iyo arrimaha bulshada.

 

Sidoo kale waxa uu madaxweyne ku xigeenku uga xog-waramay Weftiga, dimuquraadiyada ka hana qaaday Somaliland oo uu ku tilmaamay in ay tahay mid ku timid rabitaanka shacbiga, waxaanu ku amaanay Hay’adda UNICEF dedaalka ay u gashay in ay Somaliland ka hirgeliso dhismihii ugu balaadhnaa ee ay ku yeelato Afrika oo dhawaan la dhagax dhigi doono lagana bilaabi doono dhsimihiisa Hargeysa.

Ugu danbayn madaxweyne ku xigeenka JSL, waxa uu Hay’addaha kale ee ka hawl-gala dalka u soo jeediyey in ay ku daydaan Hay’adda UNICEF oo ay ku dhiiradaan inay Somaliland ka dhigtaan saldhigooda koowaad ee Afrika.”

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somaliland Vice President Meets with Delegation From UNICEF

 

HARGEISA(Somalilandpress)-Somaliland Vice President Mr. Abdirahman Abdilahi Ismail ‘Saylici’ meets today delegation from UNICEF that is on visit to Somaliland. The meeting took place at the presidential palace.According to press release issued by the presidential spokesman Mr. Abdilahi Mohamed Daahir ‘Cukuse,’ in which Somalilandpress managed to receive a copy states that Somaliland vice president meets with high level delegation headed by UNICEF special representative to Somaliland and Somalia Mr. Sikander Khan.In the first place, the delegation briefed the Vice President the reason behind coming to Somaliland. The delegation announced that they will materialize concrete projects which will be of great help social development on the ground.

 

Mr. Sikander Khan who is heading the delegation announced the first development project of its kind is that they are about to implement in Somaliland is to build the largest base UNICEF have in Africa particularly in Somaliland.He further added that Somaliland has that opportunity since it is young nation where there is peace, stability and fulfilled the criteria set for nation to be state and is shining example in Africa.UNICEF special representative to Somaliland and Somalia Mr. Sikander Khan thanked the government of Somaliland and its people the warm reception that they have given to them when they arrived in Hargeisa, the capital of Somaliland.He further remarked that it is necessary for Somaliland people and its government to double their unwavering efforts towards peace, economy and social development in order to bear fruit.

 

As for Somaliland Vice President Mr. Abdirahman Abdilahi Ismail ‘Saylici’ elaborated the crucial stages that Somaliland encountered. He mentioned the Somaliland government in conjunction with its people overcame many challenges be it sustaining security, peace, economy and social development.He admired UNICEF commitment to achieve in building the largest base to be implemented in Africa particularly in Somaliland and the foundation is about to be laid recently in Hargeisa.Finally, Somaliland Vice President took the opportunity to call upon all organizations that function in Somaliland to follow the example set by UNICEF and he urged them to make their number one base in Africa to be established in Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites
yahya007   

Carafaat;758084 wrote:
Good news. hope they relocate all those nairobi based useless staff.

exactly where scavengers loot money and spend it in Nairobi borrowing the money as NGOS willing to help Nairobi. the whole staff with bug bellies should be changed too.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this