Sign in to follow this  
Somalia

Historian Cali Guul buried in Somalia

Recommended Posts

Somalia   

I remember going to his house near the ocean, boxes full of new books he wrote.

 

Alla ha u naxariistee waxaa maanta duleedka magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar lagu aasay Marxuum Qoraa Khaalid Cali Guul Warsame oo shalay Meydkiisa oo laga keenay dalka Denmark lasoo gaarsiiyey magaalada Boosaaso.

 

Mahdi Shiikh Ciise oo kamid ah ehelada Qoraagaas geeriyoodey ayaa Horseed Media uga warbixiyey qaabkii uu askiisu u dhacay, wuxuuna ugu horeyn sheegay in Meydka Alle ha u naxariistee Marxuum Khaalid Cali Guul Warsame xalay saqdii dhexe la gaarsiiyey Tuulada Shaxda aa ah goobtii uu ku dhashay.

 

Wuxuuna intaas ku daray in aaskiisa ay kasoo qayb galeen in badan oo kamid ah ehaladiisa oo ka kala yimid dalka iyo dibada labadaba isla markaana aaskiisa lasoo gabagabeeyey xiligii ay goorsheegta dalka Soomaaliya tilmaamaysey 8-dii subaxnimo.

 

Dhegeyso codka mid kamid ah ehelada Qoraa Khaalid oo ka warbixinaya qaabkii uu aaskiisu u dhacay

 

Qoraa Khaalid Cali Guul Warsame oo dhinaca kale kamid ahaa ruug cadaayada hal abuurka Soomaaliyeed kuwooda caanka ku ah Murtida iyo suugaanta dhaxal galka ah kana tegey Buugaag badan oo jiilasha soo socdaa ay aqoon badan oo Mug weyn ka dhaxli doonaan ayaa dhowaan ku geeriyoodey dalka Denmark oo uu in mudo ah ku noolaa.

 

Waxaana Meydkiisa shalay lasoo gaarsiiyey magaalada Boosaaso arintaas oo ay ugu wacnayd kadib markii in badan oo kamid ah eheladiisu ay isku raaceen in Janaazadiisa lagu dhigo dalkiisi hooyo gaar ahaan deegaankii uu ku dhashay oo ku yaala koonfurta maagaalada Qardho ee gobolka Karkaar.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this