Sign in to follow this  
Saalax

Jarmalka oo Qabsaday Awoodi Europe iyo walaaca yuhuuda

Recommended Posts

Saalax   

di-SPIF.jpg

 

Jarmalka oo Qabsaday Awoodi Europe iyo walaaca yuhuuda

 

Dadka jarmalka waxa lagu sheegaa in ay ka mid yihiin dadka aduunka ugu caqliga iyo hawl-qabadka badan, marka laga eego dhinaca horumarka. dadka jarmalku waa dad la jaanqaada xadaaradaha aduunka markaasi jira waliba marwalba waxa ay ka galaan kaalmaha ugu horeeya.

 

warbaahinta caalamaku waxay hada aad ugu foorartaa, sida ay u socoto xawaaraha uu jaraayo saamaynta uu jarmalku aduunka ku yeeshay dhinaca dhaqaalaha, siyaasada iyo waliba Awoodaha ciidan.

 

Dhaqaale xumida ka jirta Europe ayuu ka faaiidaystay jarmalku waxaanay awood u siisaysay in shir loo fadhiisan waayo uu jarmal ka maqanyahay, calanka isugu jira Madowga,Casaanka(guduudka) iyo waliba dahabiga ayaa meel walba ka babanaaya Europe. jarmalku waxa uu awood u yeeshay in wadamada Europe si anshaxa ka baxsan uu uga dhex hadlo sidii dunida saddexaad.

 

waxa ay awood u yeesheen in ay wadanka giriiga raysal wasaare uga dhigaan nin lagu magacaabo Filippos Petsalnikos oo ahaa afhayeenkii parlimentka giriiga.

 

Mr Petsalnikos waxa uu noloshiisaa ku soo qaatay wadanka jarmalka, waxa uu ku hadlaa afka jarmalka ee (Deutsch) sifican waliba waxaanu qabaa haweenay Looyarada oo jarmal ah. Taasi waxa ay jarmalka u sahlaysaa in uu dib u soo celiyo dhaqaalaha Giriiga balse dhaxal looga dhigo in uu giriigu raaco siyaasad wal oo uu jarmal soo dhigo miiska Europe.

 

Dhinaca Talyaaniga Berlusconi waxa ay jarmalku ku qasbeen in uu miiska soo saaro miisaaniyada sanadka soo socda, oo ay waliba ku jirto waxa uu ugu talo galay in uu wax kaga qabto hoos u dhaca dhaqalaha Europe. Culayskaasi ayaa waxa uu ku qasbay in ruugcadaagii talin jiray uu Is casilo.

 

Jarmalku waxa uu bishii hore heshiis la saxiixday Dawlada Ruushka oo iyadu hada garawsatay in jarmalku aanay ahayn dawlad la dhaylsan karo dhinac walba oo ay noqoto. Heshiiskaasi waxa uu ku sahabsanaa in Gaasta Ruushka la soo mariyo badda hoosteeda lana keeno badda waqooyi ee jarmalka iyadoo la soo marinaayo wadamada balkonska loo yaqaan ee Lithuania iyo latvia. Ruushku hal mabda ayuu ka leeyahay in uu Gas siiyo jarmalka. waxa ay rabaan in ay Gasta siiyaan Europta Galbeed iyada oon sii marayn Europta barri, hadii uu ruushku taasi hello waxa ay awood u siinaysaa in marka ay rabaan ay ka jari karaan Gasta wadamada bariga Europe sida Ukraine,Maldova, Georgea iyo Belaruss.

 

Jarmalkuna waxa uu raba in uu kaga faaiidaysto saamayntiisan sii xoogaysanaysa ee dhaqaale.

 

Dhinaca Yuhuuda: yuhuudu maba aaminsana in jarmalku cafiyey waayo, waxa ay ku doodaan Hitler shakhsi ayuu ahaa waxa arintii nalagu xasuuqay horseed ka ahaa dadka jarmalka laftooda. taasi ayaa ku dhalaysi walaac ah in ay mar labaad arkaan jarmal oo dunidii qabsaday waliba markani ka xoog badan taariikhda intii hore ee uu soomaray jarmal.

 

FIIRO-GAAR AH

 

warkan xuquuqdiisa waxa leh www.togaherer.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Germans are economically the power house of Europe but militarily can't do a thing.The victors of WW2 still have bases in Germany & they part of NATO.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this