Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Alshabaab forces attack Kenyan troops in the lower Juba

Recommended Posts

Al-Shabaab Oo Weerar Ku Qaaday Ciidamada Kenya Ee Deegaanka Qooqaani-

Lasanod Online. Thursday, November 10, 2011

 

Qooqaani,(lasanod Online)- Afhayeenka ciidamada Al-shabaab Shiikh C/casiis Abuu-Muscab ayaa saaka saxaafada u sheegay inay weerareen..

 

gaadiid kolonyo ah ay wateen ciidamada Kenya, kuwaas oo ku socday deegaanka Qooqaani.

 

Afhayeenka Al-shabaab Shiikh C/casiis Abuu-Muscab ayaa sheegay in ay khasaare xooggan u geysteen ciidamada Kenya oo galbinayey gawaadhii Qaad iyo raashin u sida ciidanka Kenya iyo kuwa DFKM.

 

“Weerarku wuxuu ahaa mid qorsheysan, waxaana weerarnay ciidamo Kenyan ah oo watay ilaa lix gaadhii, waxaana gubnay 3 gaari ,gaarigii uu saarnaa qaadku isaga gacanta ayaan ku dhignay." ayuu yiri Shiikh C/casiis Abuu-Muscab.

 

Ilo wareedyo ayaa xaqiijiyey weerarka lagu qaaday ciidamada Kenya, dad wadadaas marayeye markii uu weerarkani dhacay ayaa sheegay in ay arkeen 3 askari oo mayd ah iyo 3 gaadhii oo la gubay.

 

Gaariga waday qaadka ay la sheegay inay lasocdeen 6 qof oo soomaali ah, waxaana weerarka ku dhintay 3 ka mid ah, halka kuwa kalena ay sii daayeen ciidanka Al-Shabaab .

 

Ma jiraan wax war ah ooo ka soo baxay dawlada Kenya iyo DFKM Somalia oo ku saabsan weerarkan saaka abaaro 5 tii lagu qaaday ciidamada Kenya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xarrakada Al-shabaab oo sheegtay in weerar khasaare geystay ku qaadday ciidamada Kenya ee ku sugan Jubbooyinka

 

Khamiis, November 10, 2011 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa maanta sheegtay inay weerar gaadmo ah oo khasaare geystay ay ku qaaday kolonyo gaadiid ah oo wateen ciidamada Kenya, kuwaasoo ka yimid degmada Dhoobley kuna socday deegaanka Qooqaani ee gobolka Jubbada hoose.

 

Afhayeenka ciidamada ee Xarakada Al-shabaab Sheekh C/casiis Abuu-Muscab ayaa sheegay in saakay ay weerar la beegsadeen gaadiid ay wateen ciidamada Kenya oo u socday deegaanka Qooqaani oo ka tirsan degmada Afmadow, ayna khasaare u geysteen ciidamadaas.

 

"Weerarku wuxuu ahaa mid qorsheysan waxaana la beegsanay ciidammo Kenyan oo wata lix gaari, waxaa noo suurogashay inaan gubno saddex ka mid ah oo isugu jiray laba gaari oo kuwa xamuulka ah iyo gaari kale oo noociisu ahaa booyad," ayuu yiri Sheekh C/casiis Abuu-Muscab.

 

"Ciidamada Kenyanka ah ee dagaalka ku dhintay oo aan aragnay waxay ahaayeen sagaal, askaritii kale iyo gaadiidkii ay wateenna dib ayay u carareen," ayuu mar kale yiri afhayeenka Al-shabaab oo aan sheegin khasaare dhankooda kasoo gaaray dagaalka.

 

Sidoo kale, afhayeenka ciidamada ee Al-shabaab wuxuu sheegay in sidoo kale ay gacanta ku dhigeen gaari qaad u waday ciidamada DKMG ah ee ku sugan gobolka Jubbada hoose, isagoo xusay in gaariga la gubay.

 

Gaariga qaadka waday ee la qabtay ayuu sheegay inay la socdeen lix qof oo saddex ka mid ah ay ahaayeen askarta dowladda, kuwaasoo la dilay iyadoo saddexdii kale oo ahaa shacab ay mid haweeney ahaydna la sii daayay.

 

Ma jiro hadal arrintan ku saabsan oo kasoo baxay ciidamada DKMG ah ee ku sugan gobolka Jubbada hoose iyo ciidamada Kenya ee iyaguna ku sugan qaybo ka tirsan gobolka Jubbada hoose.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this