Sign in to follow this  
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Kill a Soomaali

Recommended Posts

kenyakill.jpg

 

Dil ruux Soomaali, Ilaahay wuu kuu dambi dhaafayaa

 

Dhallinyaro Masiixi ah oo dhinaca diinta mitid ku ah una dhalatay dalka Kiinya, ayaa shabakadda facebook-ga ku faafisay fariinta ah "Dil ruux Soomaali, Ilaahay wuu kuu dambi dhaafayaa."

 

Ereyadaasi oo ay ka muuqdeen nacayb aad u daran, waxey ahaayeen guubaabo cad oo dhinaca diinta ah "FATWO" loona gudbinayay ciidamada Kiinyaanka ah ee soo galay dhulka Soomaaliyeed.

 

Haddii ay dadkii shacabka ahaa sidaa u fekerayaan, dowlad dhaqan keeduba Masiixi yahay, maxey ka qaban kartaa arrinkan dagaal hurinta ah ee dhiigga lagu saadaalinayo?.

 

Qofka dawanka kaniisadda aaminsan ee qoortiisu ay ku xiran tahay calaamadda amaba sumadda isdhaafka macatabka sow markiiba qaadan maayo guubaabadaas?.

 

Dowladda iyo dadka Kiinyaanka ahba waxaa la gudboon iney qaadan tallaabo muuqata oo looga hortayo guubaabadan dab hurinta ah, sidoo kale dowladda iyo shacabka soomaaliyeedna, waxaa laga doonayaa degganaan iyo hubsiino, si aysan seefta uga hor marin ereyo hadhow kutiri kuteen noqon kara.

 

Faafinta fariintan ayaa ku soo beegmeysa xilli Soomaalida ku nool dalka Kenya ay soo wajahday cabsi iyo hanjabaadyo kaga imaanaya dadka Kenyanka ah.

 

Dowladda Kenya ayaa ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah kooxda Alshabaab ee ku sugan koonfurta Soomaaliya, kuwaas oo falal amni darro iyo afduubyo ka geystay gudaha dalka Kenya.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Whaaat?! Cawaantaas ilaahay ha inaga hayo. Markii election-results-ka la isku dilayey, did you see sidey faashka ula dabo ordayeen their own neighbours? Waaba iyagoo faash la soo galay islii, Allahuma najaynaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

A simple photoshop that can be easily created by any 12 year old. Before taking it as the official Kenyan view, folks have to establish the credibility of their allegations. I am sick & tired of these twisted rumors & fabrications by Somali media being passed around as a fact.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Falalka ka dhanka ah Soomaalida oo ku sii badanaya Nairobi iyo Eastleigh oo rabshado ka dilaaceen

 

Khamiis, November 10, 2011(HOL) Nairobi, Kenya - Iyadoo ay sii badanayaan falalka ay ku dheehantahay Soomaali nacaybka ee ka dhacaya Nairobi, ayaa maanta ay rabshado ka dilaaceen xaafadda Easleigh.

 

Dad goob joogayaal ah ayaa Hiiraan Online u sheegay in saaka ay shaqaaqo markii dambe fiday ay ka dilaacday wadada JAM Street ee xaafadda Eastleigh.

 

Rabshada ayaa bilaabatay markii ay isku dhaceen dhalinyaro Soomaali ah iyo qaar kamid Kenyaanka loo yaqaano Jokoraaga (Darbi jiif) ee ku dul nool qashinka meelaha la dhigo.

 

Balse markii gacanta la isula tagay ayaa rabshadu fiday, iyadoo labada dhinacba ay gurmad kala heleen, taasoo sii siyaadisay baaxada rabshada.

 

Inta la ogyahay hal wiil oo Kenyaan ah ayaa ku dhintay rabshadaha, iyadoo labada dhinacna ay jiraan dhaawacyo fudud oo soo kala gaaray.

 

Rabshada maantay oo la isu adeegsanayay baangado,mindiyo iyo dhagax ayaa waxaa markii dambe kala dhex galay booliska oo dadka ku kala cayriyay xabado ay cirka u ridayeen.

 

Guriga ay rabshadu ka bilaabatay oo la yiraahdo Yaara House ayaa kooxo Kenyan ah isku dayeen inay dab qabadsiiyaan,balse booliska ayaa isku gadaamay goobta, kala fogeeyayna kooxihii dagaallamayay.

 

Tan iyo markii ay ciidamada Kenya gudaha u galeen Soomaaliya ayaa si wayn loo dareemayaa falalka nacaybka ah ee ka dhanka ah Soomaalida.

 

Dhacdadii aadka loogu qoslay ayaa ahayd markii ay labo wiil oo Soomaali ah soo koreen bas ay saaranyihiin dad Kenyaan ah xaafadda Westlands, taasoo keentay in dadkii gaariga saarnaa ay qaylo dhaan afka ku shubtaan kana dagtaan gaariga, iyadoo markii dambe wadihii gaarigu uu iska dajiyay wiilashii Soomaalida, taasoo muujinaysa falalka cunsuriyadda ah ee ka dhanka ah Soomaalida.

 

Fal kan la mid ah ayaa ka dhacay Hotelka Stanley oo labo maalmood ka hor shir loogu qabtay saxafiyiin Soomaaliyeed iyo kuwo caalami ah, kadib markii mulkiilayaasha hotelku ay daqiiqadihii ugu dambeeyay ee shirku bilaaban lahaa ay dalbadeen in shirka la joojiyo oo looga baxo hotelka, iyagoo sabab uga dhigay in aan la sugi Karin ammaanka haddii Soomaali soo gasho hotelka.

 

Marka la galayo dhismayaasha waawayn ee Nairobi iyo meelaha isbitaallada ayaa il gaar ah lagu fiiriyaa Soomaalida, iyadoo lagu sameeyo baaritaano dheeraad ah.

 

Haddii ay sii socdaan falalka noocaan ah, waxay u muuqataa in Soomaali badan oo maalgashi ka samaystay Kenya ay xoolahooda la bixi doonaan, iyadoo kuwo hadda u soo socdana ay ka fiirsan doonaan inay maalgashi ka samaystaan Kenya.

 

Axmed Cabdisamad, Hiiraan Online

asamad@hiiraan.com

Nairobi , Kenya

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

^^^

 

Haddii ay sii socdaan falalka noocaan ah, waxay u muuqataa in Soomaali badan oo maalgashi ka samaystay Kenya ay xoolahooda la bixi doonaan, iyadoo kuwo hadda u soo socdana ay ka fiirsan doonaan inay maalgashi ka samaystaan Kenya.

 

I hope this becomes reality, and that every Somali business that is in Nairobi shifts their energy to somewhere else, it is happening right now, and will happen in great numbers, what will the Central Bank of Kenya do to adjust the exchange rates if Somalis take hantidooda and ganacsigooda to somewhere else, the Central Bank of Kenya can't do any exchange rates without the Sarriflayaasha Soomaalida ee Easleigh.

 

 

The Property market will collapse anytime now as the diaspora Somalis will no longer favor Kenya as a heaven place to live.

 

I can see so many things that will collapse as a result of Soomaalida ganacsigooda iyo hantidooda ka qaatey Kenya, this will hit Kenya very hard, it is the economic war imposed by Somalis involuntarily!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Valenteenah.;757175 wrote:
Whaaat?! Cawaantaas ilaahay ha inaga hayo. Markii election-results-ka la isku dilayey, did you see sidey faashka ula dabo ordayeen their own neighbours? Waaba iyagoo faash la soo galay islii, Allahuma najaynaa.

Dadkaas dad caadi ma'aha. Dadkana kama naxaan, too much mob mentality qabaan. Midkii tuug la qabtana si xun u jirdilaan, if not burn him to death intee tire madaxa u giliyaan.

 

Nuunka, xaalka ma sahlanee Eebba hanoo sahlo amuuraha, cawaantaasna Rabi haka badbaadiyo dadkeena.

Share this post


Link to post
Share on other sites

may be it work to our advantage..all the somali people in africa/asia will be compelled to return to somalia more nationalistic & know wat it means to have a land.Just like the jews in europe after WW2.We needed to get that experience & find out that we can't blend into otha Africans & we unique in africa,don't look like thm thus easier to be a target.Same in S.Africa were somalis r hunted down simply they look different!

Share this post


Link to post
Share on other sites

 

 

Cawaantaan oo fursad kuu helay walaahi wax kaa celinaayo maleh. Soomaalida guryahooda ugu galeen xataa as you can see from the video. Guryahaan waxee u dhowyihiin xaafadaha Kenyaatiga kale deganyihiin, I think. Xaafadaha wada Soomaali ah ma isku gali karaanee.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this