Sign in to follow this  
Somalia

15 Kenyan soldiers killed

Recommended Posts

Somalia   

Wararka laga helayo gobolada Jubbooyinka ayaa sheegaya in maanta la laayey 15-askari oo ka tirsan ciidamada Kenya ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya.

Warar hordhac ah oo saxaafadda caalamiga ah qaarkood ay baahiyeen ayaa sheegaya in sadex kamid ah ciidamada dowlada KMG ah ee Soomaaliya ay ku dileen deegaanka Taabto ee gobolka Jubbada hoose 15-askari oo Kenyaati ah islamarkaan ay la baxsadeen Gawaaridii ay ciidamadaasi wateen.

 

Ma jirto wax faah faahin ah oo arintaas ku aadan oo ilaa iyo hada kasoo baxday dhinaca dowlada Kenya , haseyeeshee Press Tv oo laga lee yahay dalka IRAN ayaa boggiisa kusoo daabacay in ay saraakiil u hadlay xooga dalka Soomaaliya ay sheegeen in falkaasi uu ahaa mid si gaadmo ah u dhacay.

 

Dhacdadan ayaa kusoo beegmeysa xilli soo gelitaanka ciidamada Kenya ee gudaha Soomaaliya uu muran badani ka taagnaa , lamana saadaalin karo saameynta ay dilka 15-kan askari ee Kenyan-ka ahi ku yeelan karto xiriirka labada dowladood ee Soomaaliya iyo Kenya.

 

Sadex asbuuc kahor ayey ahayd markii Kenya ay boqolaal ciidamadeeda ah usoo dirtay gudaha dalka Soomaaliya si ay uga garab dagaalamaan ciidamada DKG ah ee Soomaaliya iyo kuwa Jabhadda Raas Kaambooni oo iyagu howlgalo ciidan oo xarakada Al-shabaab ka dhan ah todobaadyadii u danbeeyey gobolada Jubbooyinka ka wadey.

 

http://horseedmedia.net/2011/11/06/15-askari-oo-kenyan-ah-oo-deegaanka-taabta-lagu-laayey/

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this