Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Ethiopian court sentences Ethnic Somalilanders based in Ethiopia to prison

Recommended Posts

Maxkamadda Jigjiga oo Xabsi Daa’in iyo xukuno adag oo ay shan sano ugu yar tahay ku riday shicibkii ka soo jeeday beelaha Somaliland eeh ku dhaqan Kililka shanaad Ethiopia.

 

Jigjiga(Waaheen) wararka naga soo gaadhaya magaala madaxda Dawlad goboleedka Somalida Itoobiya ee Kililka shanaad ayaa sheegay in Maxkamadd ku taal magaaladda Jigjiga 57 qof oo ka mid ah shicibka ka so jeeda beeelaha Somaliland eeh ku dhaqan Ethiopian ee uu dhawaan dagaalku ku dhex maray beesha dhagaxbuur ee ay ciidamadda Liyuu Booliisku ka qabteen gudaha deegaanka Yoocaale ay ku xukuntay xukuno adag oo uu ay ugu hooseyso shan sano uguna sareeyo Xabsi Daa’in.

Xukunadan oo aan wali si rasmi ah noo soo gaadhin ayaa sheegaya in laba dumar ah oo ka mid ah 57 maxbuus ee ay Dawladda Federalku xukuntya lagu riday min shan sano, halka 55 ka nin ee kale uu xukunkoodu ugu yar yahay 25 sano, iyadoo qaarkood-na xukunkoodu gaadhayo Xabsi Daa’in.

Arrintan oo aan wali soo shaac bixin ayaa hadal haynteedu aad ugu badan tahay Kililka shanaad iyo Somaliland-ba, waxaana soo if-baxaysa in si weyn looga cadhooday xukunkaasi maadaama dadka dagaalku dhex maray ay ahaayeen laba beelood oo wada dega Kililka balse magacii Dawladnimo loo adeegsaday oo kaliya dhinaca beelaha Somaliland ka so jeeda taasoo maamulka Kililka shanaad ku tilmaameen inay yihii Argagixiso ka soo talowday dhinaca Somaliland. Iyadoo la ogyahay beesha baligubadle inay tahay beel labada Dal-ba deegaan ku ah.

Xukunkan ayaa saamayn xun ku yeelan doona deganaanshaha beelaha wada dega Kililka shanaad, isla markaana abuuri kara xaalad Amaan daro isagoo dab-ka ku sii hurin kara dagaalkii marka hore-ba labada beelood u dhaxeeyay ee ay xukuumadda Kililku soo af-jari kari weyday.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this