Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland security forces tighten the security of sanaags Capital Ceerigaabo+VIDEO

Recommended Posts

Magaalada Ceerigaabo oo caawa bandoo lagu soo rogay Iyo Ciidamo Badan oo la soo dhoobay shaaricyada

November 3rd, 2011

 

Ceerigaabo(Somaliland.Org)-Magaalada Ceerigaabo ayaa caawa lagu soo rogay bandoo ka dib markii xalay lagu dilay gudaha magaalada Taliyihii saldhiga booliska degmada Fiqifuliye ee gobolka ee gobolka Sanaag Marxuum- Shiine Yaasiin Xiin-Finiin oo sida la sheegay dilkiisu ka dambeeyay aano hore waxaana marxuumka maanta lagu aasay Ceerigaabo.

 

Badhasaabka Gobolka Sanaag Cali Cabdi Hurre oo maanta u waramayay saxaafada ayaa sheegay inay magaalada ku soo rogeen bandoo laga bilaabo lixda makhribnimo illaa lixda subaxnimo Jimcaha, waxaanu tilmaamay in talaabadaasi ay ka dhalatay dilalkii xalay ka dhacay magaalada.

 

Badhasaabku wuxuu sheegay inaan la ogolayn dhaqdhaqaaqa gadiidka iyo dadkaba si looga hortago wixii nabadgelyo darro keeni kara.

 

Sidoo kale, Gaadiid ay saaran yihiin codbaahiyeyaal (sameecado) ayaa maanta iyo galabtaba dhex marayay xaafadaha kala duwan ee magaalada Ceerigaabo kuwaasi oo maamulka Gobolku ay dadweynaha ku wargelinayeen inay ku sugnaadaan guryahooda oo aan la ogolayn wax dhaq-dhaqaaq ah.

 

Gaadiidkaasi waxa lagu wargelinayay dadweynaha in cidii u hoggaansami weyda amarkaasi bandooda laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.

 

Sida uu shabakadda wararka ee Somaliland.org u xaqiijiyay Weriye Maxamuud Maxamed Xasan (Saraaf) oo ah suxufi degan magaalada Ceerigaabo waxa isla galabtaba shaaricyada, wadooyinka iyo xaafadaha magaalada Ceerigaabo laga hawl geliyay ciidamo badan oo iskugu jira Milatari iyo Boolisba, kuwaasi oo si adag u adkeeyay ammaanka magaalada oo wali laga sii dareemayo dhiilo iyo xiisad ka dhalatay dilalkii.

 

Warku wuxuu intaasi ku darayaa in maanta magaalada Ceerigaabo lagu aasay mid ka mid ah laba nin oo xalay ku dhaawacmay markii koox dabley ah oo ka soo jeeday ardaagii sarkaalkii la dilay ay tacshiirad ku fureen meherad ku taala magaalada waxa kale oo la sheegay ninka labaadna xaaladiisu culus tahay.

 

Illaa imika ma jirto cid ay Ciidamadda Boolisku u soo qabteen dadkii geystay labadan fal ee ay si weyn u cambaareeyeen dadweynaha ku dhaqan magaalada Ceerigaabo oo ku tilmaamay kuwo waxshinimo ah oo ay geysteen kuwo ajande xun.

 

Dilka sarkaalkan ayaa la sheegay inuu ka dambeeyay dilkii Taliyihii saldhiga Booliiska Daallo ee magaalada Ceerigaabo Jaamac Axmed Cali ( Jaamac Garmaqaate) oo bishii August ee sanadkan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxwayne ku Xigeenka Somaliland Oo Markii Ugu Horeysay Ka Hadlay Shaqaaqadii Dadku Ku Dhinteen Ee Xalay Ka Dhacday Magaalada Ceerigaabo, Sheegayna In Xukuumaddiisu Gaadhi Doonto.

 

Hargeysa (Ramaas) Nov 3,2011 – Xukuumadda Somaliland ayaa markii ugu horeysay ka hadashay shaqaaqadii xalay la dhacday Magaaladda Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, taas oo ay dad ku dhinteen.

 

Madaxwayne ku xigeenka Somaliland, ahna ku simaha Madaxwaynaha Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa baaq u diray beelaha ay ka dhaxayso colaada keentay shaqaaqada, waxaanu tilmaamay in qabiil iyo is-qabqabsi aanu faa’iido lahayn, sidaa daraadeedna aan loo baahnayn arintaasi.

 

Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Saylici, waxa uu sheegay in xukuumaddu halkaasi gaadhi doonto si shaqaaqadaasi iyo colaada labada beelood dhex taala uu xaliso.

 

Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo maanta ka hadlayay munaasibad loo sameeyay sanad-guuradda 18-aad ee ciidanka booliska Somaliland ayaa isaga oo arimahaa ka hadlaya waxa uu yidhi “Sidaad la socotaan waxa xalay shaqaaqo ka dhacday Magaalada Ceerigaabo, waxaan leeyahay walaalahayaga reer Sanaag is qab-qabsi iyo qabiil faa’iido ma laha.”

 

Madaxwayne ku xigeenku waxa uu tacsi u diray dadkii ku dhintay shaqaaqadaasi iyo kuwii ku dhaawacmay “Intii xalay dhimatayna waxaanu ILAAHAY uga baryaynaa inuu u naxariisto, inta dhaawacantayna waxaanu IlAAHAY uga baryaynaa inuu shaafiyo.” Ayuu yidhi Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Saylici, waxaanu intaa ku daray “Waxaan leenahay xukuumad ahaan waanu idin soo gaadhi doonaa.”

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ceerigaabo: Amaanka Oo Aad LooAdkayeey Iyo Kulan Dhex Maray Waftigii Xukuumada & Cuqaasha Beesha Koonfurta Sanaag

 

Ceerigaabo: Amaanka Oo Aad LooAdkayeey Iyo Kulan Dhex Maray Waftigii Xukuumada & Cuqaasha Beesha Koonfurta Sanaag

Ceerigaabo, (Haatuf) - Magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag ayaa shalay degaynayd ka dib markii maalintii doraad uu iska hor imaad geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac iskugu jiray ku dhex maray Ciidamada Qaranka iyo dabley hubaysan oo ka soo jeeda beesha koonfurta Sanaag oo soo weerartay shir u socday Cuqaasha beeshooda iyo xubno ka tirsan Gudidii xukuumaddu u xil saartay xalinta shaqaaqooyin u dhaxeeya laba beelood oo walaalo ah oo deegaankaasi wada dega.

Ciidan fara badan oo ka tirsan Ciidamada qaranka ayaa soo gaadhay 24-kii saacadood ee la soo dhaafay magaalada Ceerigaabo kuwaasi oo qayb ka ah xoojinta ammaanka magaalada Ceerigaabo waxaana jidadka magaalada lagu arkayay Ciidamo badan oo la soo dhoobay suuqyada iyo waddooyinka magaaladaasi.

Weftigii xukuumada Somaliland ee uu Hoggaaminayay Wasiirka Wasaarada arrimaha gudaha Maxamed Nuur Carraalle (Duur) ayaa shalay kulan balaadhan oo albaabadu u xidhnaayeen la yeeshay waxgaradka, odayaasha iyo cuqaasha beesha koofurta Sanaag, hase yeeshee ma jirto wax war ah oo ka soo baxay kulankaasi, balse ilo lagu kalsoon yahay oo ku sugan magaalada Ceerigaabo ayaa Haatuf u sheegay inay xukuumaddu u soo bandhigtay odayaashaasi inay xakameeyaan dhalinyaradooda, isla markaana waxay ku wargeliyeen inay Ciidamada qaranku talaabo adag ka qaadi doonaan ciddii lagu arko iyadoo hubaysan.

Waxa warku intaasi ku darayaa in odayaasha beesha koonfurta Sanaag ee kulankaasi ka qeyb galay ay sheegeen inay qaadanayaan nabad, isla markaana ay diyaar u yihiin in wada hadal lagu soo afjaro dilalka u dhaxeeya labada beelood ee wada daga deegaankaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Knight of Wisdom;755633 wrote:
Yesterday battle has proven the stakeholders of the CITY and the power structure. Those that claimed Beesha SSC don't have any presence in Ceerigaabo....where are you now? LMAO !!!

That is usual claim, never believe it.. Again, videos can be recorded and mouths can blow hot air, but the end of the day the city is divide just like Galkacyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

A_Khadar;756641 wrote:
That is usual claim, never believe it.. Again, videos can be recorded and mouths can blow hot air, but the end of the day the city is divide just like Galkacyo.

Yeah, I've talked to few Reer Ceerigaabo natives in my town. They actually told me that the city is divided into two sections, Suuqa Koore iyo Suuqa Hoose. The Southern and Eastern part of Ceerigaabo is bigger than the Northern or Western part of Ceerigaabo. Furthermore, he said....the so-called Somaliland Mamuul has NEVER stepped a foot in Suuqa Hoose (The SSC/Maakhir) part of Ceerigaabo, which is the South and East Ceerigaabo.

 

Insha'allah, after Khaatumo-2 Conference goes accordingly, with beautiful outcomes that will benefit reer SSC (Staying with SOMALIA, ofcourse), we can go and place an administration, on our side of Ceerigaabo with a mayor, police chief and so forth.

 

 

Reer South-East Ceerigaabo Noolaada !

 

As for Xaaji_Xunjuf, aren't you a "reer berbera"? lol You're not from Sanaag, your clan (H-Awal) don't live in Sanaag so I suggest you leave this matter to the inhabitants of Sanaag.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Golaha Guurtida Somaliland Oo Baaq Nabadeed U Diray Beelaha Walaalaha Ah Ee Dhawaan Ku Dagaalamay Magaalada Ceerigaabo.

 

“Golaha Guurtida Somaliland fadhi uu yeeshay maanta oo Salaasa ah bishuna tahay 08/11/2011 wuxuu go’aamiyay inuu.........

 

Hargeysa (GNS) -Golaha Guurtida Somaliland ayaa fadhi ay maanta yeesheen Baaq Nabadeed ugu diray Beelaha Walaalaha ah ee Dhawaan ku dagaalamay Magaalada Ceerigaabo.

Baaqan ay Guurtidu soo saareen ayaa waxa uu u dhignaa sidan

“Golaha Guurtida Somaliland fadhi uu yeeshay maanta oo Salaasa ah bishuna tahay 08/11/2011 wuxuu go’aamiyay inuu baaq Nabadgelyo u diro Beelaha walaalaha ah ee xarguftu ku dhex martay Gobolka Sanaag, gaar ahaan Magaalada Ceerigaabo:-

1- Marka hore Goluhu isaga oo ka xun waxa uu tacsi u dirayaa qoysaskii waxyeeladdu ka soo gaadhay dhacdadaasi, inta dhimatayna ALLE ha u naxariisto, inta dhaawacantayna ALLE ha caafimaadiyo.

2- Dadweynaha Deegaanka Ceerigaabo ama Gobolka Sanaagba Golaha Guurtidu wuxuu baaq Nabadgelyo ah u dirayaa dadka walaalaha ah ee shaqaaqadu ku dhex martay Magaalada Ceerigaabo, waxaanay ku adkaynayaan inay soo celiyaan wanaagii lagu yaqaanay ee ay ku dhamaysan jireen Arrimahooda dhinaca Nabadgelyada.

3- Labadan Beelood ee shaqaaqadu hore ugu dhex martay Deegaankaasina waxay Golaha Guurtidu ka codsanayaan baaqna ugu jeedinayaan inay hawlaha ammaanka iyo xasiloonida lagu adkaynayo ay ka qeyb qaataan, gogasha Nabaddana ay soo fadhiistaan wixii tabasho ah ee jirtana lagu dhammeeyo wada hadal iyo is afgarad.

Ugu dambayntii waxaanu ILAAHAY uga rajaynaynaa inuu ALLE arrintaasi inoo fududeeyo, dadkaasi walaalaha ah ee dirirtu dhex martayna ALLE baggoodda burcad isku mariyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Xaaji Xunjuf;756642 wrote:
^^ The city is not divided it has one police chief one Military commander one mayor galkacyo is divided into two administration puntland and galmudug.

That is the lalabi of successionists.. Beside the militia take the salary from snm gangs in Hargaysa, there is no admin in that city entirely whether it's s/l or any other admin. You won't beleive, there is a man named by p/l as the governor of Sanaag in Carigabo and the blue flies on this 4x4.. Need no anyother proof than what happened last few days.

 

That city is divided on the ground but your imaginations, there is only one admin so called s/l.. Keep that imagination if it helps with your sleeps..

Share this post


Link to post
Share on other sites

I wonder if you will use Xabsaade as a reference when he leaves Somaliland for either TFG or somewhere else. lol

 

The guy left Somaliland in 1997 and 10 years later SNM welcomed him with open hands. Seems like SNM will do anything to safeguard it's interests.

Share this post


Link to post
Share on other sites

A_Khadar;756666 wrote:
That is the lalabi of successionists.. Beside the militia take the salary from snm gangs in Hargaysa, there is no admin in that city entirely whether it's s/l or any other admin. You won't beleive, there is a man named by p/l as the governor of Sanaag in Carigabo and the blue flies on this 4x4.. Need no anyother proof than what happened last few days.

 

That city is divided on the ground but your imaginations, there is only one admin so called s/l.. Keep that imagination if it helps with your sleeps..

Where is the so called puntland admin he holds press conferences in Bosaaso last time a Somaliland military convoy visited Shimbiraale

Can you provide sources or proof we have seen president Siilaanyo gave a speech at kheriyada ceerigaabo and you are telling me there is another administration in another part of ceerigaabo lol.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Knight of Wisdom;756667 wrote:
I wonder if you will use Xabsaade as a reference when he leaves Somaliland for either TFG or somewhere else. lol

 

The guy left Somaliland in 1997 and 10 years later SNM welcomed him with open hands. Seems like SNM will do anything to safeguard it's interests.

How about you go ahead and mention where he left to and where you will go to when the going gets tough? :D

 

Come back to daddy.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this