Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland celebrates 18th police anniversary+PICS

Recommended Posts

Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Oo Ka qeyb galay Sanad-guuradii 18-aad ee aasaaska Ciidanka Booliska

 

November 3rd, 2011 Comments Off

 

“Waxaanu ku tallo jirnaa in Booliska la tayeeyo tiro iyo tayaba inagoo og xaalada mandaqada aynu ku nool nahay”

Hargeysa (Somaliland.Org)- Madaxweyne Ku xigeenka ahna Ku simaha Madaxweynaha Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciilm (Saylici) ayaa maanta ka qeyb galay xaflad balaadhan oo loogu dabaal degayay sanad guurada 18-aad ee ka soo wareegtay aasaaskii ciidanka Booliska oo lagu qabtay Taliska guud ee Ciidankaasi.

 

Xafladaasi waxa kale oo ka soo qeyb galay Wasiirro, xubno ka tirsan Goleyaasha Baarlamaanka, saraakiisha ciidammada qalabka iyo ciidanka Booliska Somaliland.

Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland ahna ku simaha Madaxweynaha Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo xafladaasi ka hadlay ayaa ugu horeyn Hambalyo u diray xubnaha ciidamada Booliska iyo xaasaskooda oo uu ku bogaadiyay munaasibada sanad guurada 18-aad ee k a soo wareegtay markii la aasaasay ciidankii u horeeyay ee Booliska sanadkii 1993-kii.

 

“ILAAHAY Baa Inagu simay inaan joogno dalkeenii oo nabadgelyo ah una dabaal degno munaasibadii 18-aad ee ka soo wareegtay aasaaskii ciidanka Booliska waxaan hambalyo u dirayaa ciidanka Booliska iyo xaasaskooda, Ciidanka Boolisku waa lafdhabarta qaranka waa saaxiibka dadweynaha, waa xuquuq dhawraha dadweynaha, hawsha adag ee aad hadh iyo habeen u soo jeedaan dadweynaha Somaliland iyo xukuumaduba way idiin ogyihiin,”ayuu yidhi Madaxweyne Ku xigeenku.

Madaxweyne Ku xigeenku wuxuu sheegay inuu shacbiga uga mahad celinayo siday ula shaqeeyaan ciidamadda ammaanka waxaanu ku dardaaray inay dedaalkooda la xidhiidha adkaynta nabadgelyada ay sii xoojiyaan oo aanay ka daalin.

 

Md. C/Raxmaan Saylici waxa uu u soo jeeday dadweynaha gobolka Sanaag inay nabadda ka shaqeeyaan oo ay walaaloobaan “Sidaad la socotaan waxa xalay shaqaaqo ka dhacday magaalada Ceerigaabo waxaan leeyahay walaalahayaga reer Sanaag is qabqabsi iyo qabiil faa’iido ma laha, Intii xalay dhimatayna waxaanu ILAAHAY uga baryaynaa inuu u naxariisto, inta dhaawacantayna waxaanu IlAAHAY uga baryaynaa inuu shaafiyo waxaanan leenahay xukuumad ahaan waanu idin soo gaadhi doonaa,”ayuu yidhi Madaxweyne Ku xigeenku.

 

Madaxweyne Ku xigeenku wuxuu sheegay inay xukuumadiisa ka go’an tahay inay kor u sii qaado daryeelka Ciidammada dalka waxaanu yidhi “Waad ogtihiin tallaabada xukuumadu qaaday mudada sanadka ah ee ay mushaharkii u kordhisay ciidamada iyo shaqaalaha dawlada, waxa la yidhaahdaa kunka Tallaabo waxay ka bilaabmaan hal talaabo . waxaanu ku tallo jirnaa in ciidanka Booliska la tayeeyo tiro iyo tayaba inagoo og xaalada mandaqada aynu ku nool nahay ee ay ka jiraan Budhcad badeed iyo argagixiso.”

 

Ku simaha Madaxweynuhu wuxuu u soo jeediyay Ciidamada Booliska inay dhawraan xuquuqda muwaadinka oo ay si taxadar leh u qabtaan qofkii dunuub ka gala dalka.

 

“Waxa jirta in waxa aad qaadataan iyo hawshaad qabataan aanay ahayn wax isku dhigma waxaan idin leeyahay in badan baad soo samirteen daryeelka ciidamada kala duwan ee dalku waa wax mar walba ku jirta qorshaha dawladan, waxaan idinku dardaarayaa inaad wadankiina u shaqaysaan, waxa la idiinka baahan yahay inaad xuquuqda muwaadinka ilaalisaan, shacbigana waxaan ka codsanaynaa inay la shaqeeyaan ciidanka Booliska oo ay u arkaan inay iyaga u adeegayaan,”ayuu yidhi Madaxweyne Kuxigeenku.

Md. C/Raxmaan Saylici wuxuu bogaadiyay Ha’yada UNDP oo uu sheegay inay ciidanka Booliska kala shaqeeyaan dhinaca tabobarka, waxaanu u soo jeediyay Ha’yadaasi ku booriyay inay ciidanka ka taageerto dhinaca qalabaynta iyo isgaadhsiinta.

 

Wasiirka wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Maxamed Nuur Carraale (Duur) oo ka hadlay xafladaasi ayaa sheegay hambalyo u diray ciidanka Booliska sanad guurada 18-aad ee ka soo wareegtay aasaaskoodii.

 

Wasiirku wuxuu sheegay inay ciidanka Boolisku u baahan yihiin dib u habayn weyn oo dhinac walba ah gaar ahaan tababarada iyo shuruucda ciidanka.

“Ciidanka Boolisku Madaxweyne, dib u habayn weyn iyo dib u qaabayn iyo dedaal ayay inaga rabaan, intii lagu daray waa lagu daray inta dhimani waa mid aynu karayno ee talaabo leeg ayaynu sanad walba qaadi doonaa si aynu u dhisano ciidan adag oo amnigiisa lagu kalsoonaado,”ayuu yidhi Wasiirka daakhiligu.

 

Wasiirku wuxuu intaasi raaciyay “Qabyadeena waynu dhamaystiranaynaaye’e adkaysta oo dedaalkana sii kordhiya,nabada ayaa saldhig inoo ah nabadduna cadow faro badan ayay leedahay. Waxaan qiraynaa in aanay Nabaddii gobolada dalka Somaliland si u wada biyo dhigin gobolada dadkoodii iyo waxgaradkoodii garteen nabada ee gardaadiyay ee ay qaan gaadhay halkan ayaan uga hambalyaynayaa, waxaan tagay gobol ay 35 kun oo arday waxbartaan sadex kun oo ardayna ay jaamacadaha ku jiraan iyo gobol boqolaal ay ka yar yihiin inta wax barataaba.”

 

Taliye Ku xigeenka ciidanka Booliska Somaliland ahna Ku simaha Taliyaha C/Raxmaan Liibaan Axmed (Fooxle) oo hadal dheer oo uu madashaasi ka jeediyay waxa uu kaga xog waramay waxqabadkii ciidanka Booliska ee sanadkii la soo dhaafay waxaanu ammaan u jeediyay ciidamadiisa oo uu tilmaamay inay hadh iyo habeen u taagan yihiin ilaalinta nabadgelyada dalka.

 

Xafladaasi waxa lagu soo bandhigay riwaayad si weyn u lafo gurtay waajibaadka ciidanka booliska laga sugayo, waxqabadkiisa iyo xidhiidhka dadweynaha iyo Booliskaba, taasi oo ay matalayeen Fanaaniinta ciidanka Booliska.

Ku simaha Madaxweynaha Somaliland waxa uu salaam sharaf kaga qaatay xarunta taliska guud cutub ka tirsan ciidanka Booliska Somaliland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this