Jacaylbaro Posted November 3, 2011 Hooyo Laba maalmood Sidatay Ilamaheeda oo Mayd Ah Hargeysa(HWN)-Hooyo Khadra Axmed Diiriye ayay ciidamada Boolisku shalay soo qabteen ka dib markii la sheegay inay laba maalmood sidatay ilmaheeda oo mayd ah. Hooyadan ayaa ah gabadh dhallinyaro ah. Hooyo Khadra oo dhawaan ku umushay cisbitaalka Hargeysa, ayaa ilmaheedan maydka ah sidatay laba maalmood ka dib markii sida la sheegay ay weyday cid la aasta. Ilmaha ayaa dhashay isagoo mayd ah, waxaana sida la sheegay ay shaqaalaha cisbitaalku hooyo Khadra weydiiyeen inay keento ciddii ilmaha la aasi lahayd, markii ay weyday aabihii ilmaha dhalay oo kilika shannaad ee Itoobiya degena, waxa ay goaansatay inay iska sidato. Dadweyne ka shakiyay ayaa ciidamada Booliska ku wargeliyay haweenaydan ka dib markii ay ka shakiyeen inay ilmaheedan dishay. Laakiin markii cisbitaalka la geeyay waxa la xaqiijiyay inay haweenaydan oo ka timid kililka shannaad ee Somalida Itoobiya aanu aabaha ilmahan dhalay Hargeysa joogin, sidaas darteedna ay iska sidatay isagoo mayd ah laba maalmood, markii ay weyday cid la aasta. Agaasimaha guud ee cisbitaalka Hargeysa Faadumo Cabdi Kaahin, oo saxaafadda u warantay ayaa tidhi Gabadhbaa umushay, dhakhtarkay ku umashay ilmo mayd ah , may dilin wax kalena umay gaysan , suaalbaa la waydiiyey qofkii aasi lahaa oo ah ninkii ku qabay keen. Waxay intaas raacisay Gabadhu waxa ka timid gobolada fogfog ninkii qabayna way keeni kari wayday ilaa doraadna way siday haddii ay doonayso inay tuurto way tuuri lahayd may tuurin oo waa ilmaheedii oo cid la aasta ayay wayday waa taa sidata. Agaasimaha cisbitaalku waxay sheegtay inay dawladda Hoose ee Hargeysa aasi doonto ilmahan. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted November 3, 2011 NIN ISKA TUURAY BIRIISHKA HARGEYSA FULL STORY + PICs Quote Share this post Link to post Share on other sites
Gheelle.T Posted November 3, 2011 "Ninka iska tuuray bridge" NGONGE you should better hide now Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted November 5, 2011 Ilmo Yar oo ku Dhashey Bilaa Dub (Diirka-sare)Hooyada Dhashey oo La Cadiban iyo Bisaaska oo looga taag laayahay Tog-Wajaale(HWN)-Ilmo yar oo jira Sideed bilood Magaciisuna yahay Cabdi-Khadar Caduur ayaa, ku dhashey bilaa dub(Diir), kaas oo hooyada dhashey oo Magaceeda layidhaa Siraad Cumar ay la cadiban tahey tan iyo Markii uu ku dhashey Magaalada Tog-Wajaale ee kutaala xuduuda u dhexeysa Somaliland iyo Itoobiya. READ MORE + PICs . . . . Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted November 18, 2011 Qiimaha Guurka Oo Hoos Loo Dhigay Iyo Cidii ku Xad-gudubta oo Masaajiddada laga Habaari Doono Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted January 11, 2012 36-Jir Aabbihii Iyo Hooyadii Ka Baafinaya Magaalada Hargeysa Hargeysa,(HWN) Mustafe waa 36-Jir aan aqoonnin aabihii iyo hooyadii. Waxa uu ku noolyahay magaalada Hargeysa oo badhtankeeda lagu tuuray isaga oo qiyaastii bil ama laba ifka joogay. Waraysi uu wiilkan la yeeshay Wargeyska Saxafi, ayuu kaga warramay qisso xanuun badan oo ka turjumaysa nolosha ruux kalidii joog ah oo aan waxaa ummad is dhaafaysaa kala xigin. Waxaana uu Mustafe hadalkiisa ku bilaabay oo uu yidhi. Sannadkii 1975-kii ayaa sidaan sheekada ku helay waqti ku beegan, Salaaddii subax waxaa laiga hellay aniga oo sudhan geed ku yaalla xaafadda Goljano ee magaaladda Hargeysa. Waxaan ku jiray Salad, markaa waxaana afka iigu jiray masaasad. Ruux dumar ah oo geedka aan ka lalmaday iga soo rogtay ayaana I geyssay Xarunta Agoomaha Hargeysa. Dhaqan ahaan xarunta agoomaha waxa la qoraa qof kasta oo ruuxa ama ilmo yar geeya xerrada, waana la diiwaan-geliyaa. Sidaas ayaa laigaga wareejiyay oo aan ugu koray dhalintii kacaanka. 6- Jir markii aan noqday ayaan baraarugay, waxaanan doonay ciddii I keentay xerada. Islaantii magaceedii ayaan baafiyay oo aan ka tixraacay diiwaankii lagaga reebay, waanan helay Islaantii. Kaddib Islaantii gurigeedii ayaan ugu tagay, waxaana ay ii sheegtay inay Geed laI sudhay inta salad laigu ridday anigoo markaa dhashay ay iga qaaday, waxay I geysay geedkii laftiisii oo illaa maanta jira, waxaana ay ii sheegtay oo kale in marka ay I heleen ay ku wada socdeen Afar dumar ah oo shaqo u kallahayay. Waxay ii geysay oo kale saddexdii dumar ahaan ee kale. Islaamahan waxaan ka dalbaday inay ii geyaan ciddii I dhashay, laakiin dumarkii waxay iigu dhaarteen inay halkaas iga heleen., waxayna igu yidhaahdeen xaafaddahan ayuunbay ku jiraan ciddii ama gabadhii ku dhigtay ee raadi.. meel aan ka raadiyo waan waayay. Nin oday ah ayaa markii danbe iigu yimi xarradii anigoo illaa 7-jir ah, waxaana uu igu yidhi waan ku dhalay oo astaamo aan leeyahay ayuu sheegay. Waan ku dhagay oo waan raacay, siddii ayaanan iskuul ku galay oo aan caruurtiisa uga mid noqday, waanu I xalaaleeyay. Markii dagaalku dhacay 1988, waxaanu galay imtixaankii shahaadiga ahaa ee dugsiyadda sare. Labaatan sano ka dib markii la qaxay ee la soo noqday ee aan muddo ka shaqeeyay dalka Djabouti oo aan reerkii hadba wixii aan helli karo taro..ayaa waxaa 1995-kii is qabsadday odaygii aabaha markaa ii ahaa Islaantiisii. Islaantu waxay ku dooday oo ay muddo isku haysteen in uu ii sheego in aanu I dhalin. Waxay ku tidhi da ayaad tahay Inankiina waakan weynaaday caruurtii xaqii lama qaybsanayo, markaa u sheeg runta oo ku dheh kumma dhalin. Dabadeed, wuu ii yeedhay waxaana uu igu yidhi siddaas ayaad tahay, maantana nin weyn oo aqoon leh ayaad tahay, wax aan kaaga baahanahayna ma jirto, siddaas ulla soco oo magaaladda iska gal, waan u qaadan waayay arrintaasina waxay igu noqotay waxaanad filayn iyo falaadhiba meel halis ah ayay kaa abaaraan. Waxaan ku idhi odaygii hadday sidaastahay oo aanad I dhalin, maxaad iigu sheegi weyday mar hore ileyn waan is baafin lahaa oo dadkii I dhalay ayaan raadin lahaaye, maxaad ii dhigatay. Dabadeed waxaa uu yidhi dee waxaan is lahaa Ilmahaagii ha noqdo waanan kulla dedaalay,laakiin, sidaas ayaad ahayde anigu kumma dhalin. Marka hore, waxaan ugu qaatay haddalkiisa xaqiiq iyo in uu I dhalay, siddaan horeba u idhi waxaa uu sheegay astaamo aan lahaa. Markaa astaamihii ayaan weydiiyay sidda uu ku ogaaday, waxaana uu igu yidhi. Astaamaha waxaa ii sheegay ninkii meesha (Xeradda dhalinta) waqtigaas haystay oo igu yidhi Inankan yar wuu ku anfici doonaaye korso. Ka hor intaanu odaygu igu odhan siddan ee aan caruurta ku jiray wax ka duwanaan ah oo aan dareemay iyo wax dhibaato ah oo aan qabay midna ma jirine waxaan ahaa nin reerkiisii helay oo si fiican ulla nool.laakiin, dhacdadaas danbe ayaa niyad-jab igu keenay iyo in aan waalan gaadho. Waqtigaas sheekadani soo baxday ee reerkii aan ka dhexbaxay waxaan ka soo noqday Djabuuti oo aan ka shaqeynayay, arrintiina waxay keentay oo aan 1995-kii dib ugu noqday Xaruntii agoomaha oo aan 15 sanadood ka maqnaa, halkaygii ayaanan ka galay., muddo ayaan xeraddii waxaanan markii danbe Macalin ka noqday dugsiga sarre ee Faarax Oomar oo aan ka dhigi jiray maadada FiisigiskaLaakiin, haddana, muddo laba sano ah markii aan ku shaqeeyay macalinnimaddii waa laga eryay shaqaddii 2007-dii oo Garab laaan ayaa I heshay in kasta oo aan ku dagaalamayna ma suurtoobin in aan ku guulaysto oo dib aan u hello shaqaddii, immikana noloshaydu meel halis ah ayay maraysaa. Immika waxaan u baahanay, oo iigu muhiimsani waa in aan hello dadkaygii iyo xuquuqdii aan dalka ku lahaa ka sokow Waalidka ta kale noloshaydii ayaaba cidhiidhi ku jirta oo niyad jabkii iyo xaaladahaas addagi waxay I gaadhsiiyeen quus iyo in aan quutal-yoomkii ama cuntaddii ka fekero, sidaas darteedna cid kasta oo I garrab gelli karta waan u baahanahay taageeraddeedda. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Carafaat Posted January 11, 2012 Sad story walee. Inshallah he will find his real parents. Quote Share this post Link to post Share on other sites
NGONGE Posted January 11, 2012 Gheelle.T;755600 wrote: "Ninka iska tuuray bridge" NGONGE you should better hide now The title did bring a smile to my face but I was instantly disappointed when I noticed him posting on another thread. Quote Share this post Link to post Share on other sites