Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland finance Minister addresses the upper-parliament on the economy and budget 2012

Recommended Posts

Golaha Guurtida Wasiirka Maaliyada Su’aalo ka weydiiyay Miisaaniyada iyo kobcinta dakhliga dalka

November 1st, 2011 Comments Off

 

Hargeysa (Somaliland.Org)-Muddaneyaasha golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta warbixin ku saabsan miisaaniyada qaranka ee sanadka fooda inagu soo haya ee 2012-ka ka dhageystay wasiirka Wasaaradda Maaliyada Eng. Maxamed Xaashi Cilmi.

 

Fadhigan golaha guurtida oo uu shir guddoominayay guddoomiye ku xigeenka labaad ee golahaasi ahna ku simaha guddoomiyaha Siciid Jaamac Cilmi.

 

wasiirka Maaliyada Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, oo sharaxaad ka bixinayay xildhibaanada miisaaniyad sanadeedka 2012, waxa uu sheegay in dakhliga miisaaniyadu uu kordhi doono sanadka soo socda.isaga oo wasiirku sheegay in dhamaanba meheradaha ganacsiga ee ku yaala caasimada dalka la diiwaan gelin doono loona samayn doono liisamo.

 

Eng. Maxamed Xaashi waxa uu tilmaamay in labadii miisaaniyadood ee hore golaha wakiilada loo horkeenay aanu goluhu ansixin, sababtuna ay ahayd iyada oo aanay ku jirin hantida dawlada iyo hantida maguurtada ah, waxaanu sheegay in ay wasaarad ahaan ku dadaalayaan in ay miisaaniyada sanadka 2012, ku dari doonaan hantida dawlada iyo hantida maguurtada ah.

 

Maxamed Xaashi Cilmi, waxa kale oo uu intaasi ku daray in mushaharka shaqaalaha dawlada ay markii hore kordhiyeen boqolkiiba shan iyo todobaatan (75%), sanadka soo socdana uu kordhi doono boqolkiiba boqol (100%) intaas ka dib waxay Mudaneyaashu weydiiyeen wasiirka maaliyada su’aalo ay ka mid ahaayeen sidan:-

 

Su’aal: waxaa mudane wasiir ka jira cabatin xaga cashuuraha dekada barbera oo ay jiraan oo la leeyahay boosaaso ama jabuuti tartan ka dhaxeeyo ee qaar qa banayaan boosaaso jabuuti ay qabanayaan in aad naga qanciso? Ta kale koley cadaalada aad baad uga hadashey shaqaalaha wasaarada cabatin ayaa ka jira la leeyahay dhinac ayuu u badan yahay arrintaana waad ka jawaabi doontaa oo aad adigu gacantaada ku qortey ? waxaad kale oo aad tiri ganacsatadu ma bixiyaan cashuurta halkee idinka dhaafaan miyeydaan Berbera ku cashuurin oo aydaan cashuurta ka qaadan ninkan cashuurta bixin halkuu idinka dhaafaa? Maan maqal wasiirku waxaa uu soo kaantaroolay dekeda oo kale, galbeedka oo kale, bariga oo kale arrintaa ma u kuur gashey oo ma tagtey dhulka ay cashuuruhu ka soo baxaan oo ma is tagtoo ma jeegareesay?.

 

Jawaab: hort arrinta dekadu nama hoostimaado ee Maareeye ayey leedahay oo isa gaad waydiin doontaan oo aad waydiin doontaan oo idinka jawaabi doona. Cashuurta kastanka lagu qaado tacrifadeeda waa la baas gareeyey waanu dhiney anaga oo tix galinayana cashuurta intii la dhimaba in dadku uu si wanaagsan uu u bixinayo waxaa kale oo aan ogalnahayna meeshi dhibaato ay ka jirtana in aan saxno taasi waa tii cashuuraha. Kolkaa waxay noqotay ta laga qaadayey Bosaaso cashuur sidaasa lagama qaadayn meel iska foodo ah ayay iska ahayd jabuutina waynu ka jaban yahay kolka raashinka laga reebo waayo jabuuti raashinka cashuur kama qaado cashuurta aanu raashinka ka qaadnaana aad buu u yar yahay waxaa dhacda oo dhibaatada ugu wayni ka timi inamadii ku mamay arrimahan ayaa marka mid adag meel keenaba ayay yidhaahdaan halkan waa yara qaliye bal halkaas jabuuti inooga soo wareeji markaa dee jabuuti kama soo cashuuraane waxay ku soo mariyaan taraasit oo inankan ay wax wada cunayaan ayay u daneenayaan taasi waa taa.tii shaqaalaha ayaa ii hadhey oo shaqaale anigu aan gacantayta ku qoro ma jirto , bal cida la leeyahay shaqaale hebel ayaad qortey ii sheega, ta kale shaqaalaha waxaanu ku qaadana imtixaan , doraad, ayaa kuwii ugu horeeyey laga qaadeyey imtixaan anagu wixii imtixankaa ku baasa uun ayaanu qaadana waliba kawan danbe waanu naadinayay laba cisho ayay ahayd waxaan idhi wixii danbe waa inaanu ka yarayn ka ceerigaabo ka imanaya ka saylac ka imanaya inay ka soo gaadhi karaan oo muddo ay lahaadaan oo sinaani jirtaa markaana imtixaan laga qaadaa.

 

Su’aal: sanaag Bari sool iyo buuhoodle boqolkiiba laba oo ah taakulanta goboladaa, ayaa la qaadi jiray in la qaado iyo in la joojiyey masuuliyiinta qaar marka la waydiiyana waxay sheegaan sool baa la siiyaa hadii sool la siiyo sanaag bari baanu rabnaa iyo buuhoodle oo iyagana la siiyo, iyada oo la leeyahay intaa waa la qaadaa oo dowlada waxba kuma baaqdaan oo aan leenahay anaga sanaag bari waxaad noogu qabataan ceelkaa badhan in biyo laga soo saaro iyo misaaniyada inta aanu ka helno oo nala siiyo iyo iskuulaad ha naloo qabto uun baan leenahay ?

Jawaab: horta lacagtii waa laga qaadaa wali oo boqolkiiba laba ayaa la qaadaa oo lama gooyn inta waqtiga la joojinayay oo waa arrin u baahan in lagu noqdo oo la xadido oo layidhaa sida ay u socotaa ma tahay sida loogu tala galay markaa waa la qaadaa ayaan leeyahay oo boqolkiiba 2% ayaa la qaadaa waxaana filaya in ay sanaag bari iyo sool way wada leeyihiin .

Su aal : mudane wasiir mudadii aad xilka hayseen waxaan filaya goobo dakhli ururineed oo degmooyinka caasimada aad ka abuuraysaan, dhulka kale ee fog fog wax goobo dakhli ururineed oo ah intii aad xilka hayseen wax goobo aad ka abuurteen ma jirtaa ma intii hore aad qaadi jirteen ayaad sii kordhiseen mise waxaa jira goobo cusub oo dakhli ururina?

Jawaab: horta gobolada waa tii aan idin sheegay oo foomamka halkan aan ku samayno ayaan u dirnaa oo aan nidhi ku diiwaan geliya meheradaha oo sidii aan halkan u samaynay in goboladana ka hir galaan kolkaa ururintu maaha uun kuwan cusubna waa la gaadhsiinayaa taasi waa dhinaca dakhli ururinta

Su aal: mudane wasiir waxaa jira wax sixir barar la yidhaahdo jira oo dadkii khaatiyaan ka taagan yihin wasaarad ahaan maxaa idinka qorsheysan intii aad xilka haysanyna wali maanaan arag adiga oo ka hadlaya? Mudane wasiir waxaa jirta dee dowladii Somalia ee duntay gawaadhida lambarkoodu waxaa uu gaadhayey 42 kun maantana Somaliland oo kaliya 45kun ayay marayaan markaa waxay u muuqataa gawaadhidaa yar yar ee faraha badan ee meel laga maro la la a yahay bal sifo aad la cag u heshaan gawaadhidan loo yareeyo bal noo sheeg?

Jawaab: anigu waxan qoladayada Berbera aan ku balamiyey in ascaarta waliba kuwa daruuriga ah halka ay ka imanayaan in ay sixirkooda raadiyaan waxa la soo siistey nooligii aan ku darno cashuurtiina aan ku darno dalka waxay ku ymaadeen la ogaado dabadeedna jalkaas lagala socdo waxay dadka ka siinayeen kolkaa waxaa aan u baahan nahay in aan la kaashano wasaarada ganacsiga waayo waxaa liisanada bixisa wasaarada ganacsiga waayo dad badani haday keenayeen halkaasi may gaadheen oo waatan aan damacsanahay dadka wax keenaya in ay bataan iyaguna ay ku eekaadaan dekada koley taa sixir bararka sidaas ayaan ka damacsanahay wasiirku marka uu xajka ka soo noqdana waxaan doonaynaa in aan ka shirno oo go’aan aan ka yeelano oo sixir bararka sidii loo xakameen lahaa midina way jirtaayoo doolarka ayaa isna keena , ta gaadiidka waxaa weeye lambarka waa uu badan yahay dadka soo iibsanayaana way badan yihiin sixirka dalka laga siiyaana waliba waa ka qaalisan yahay ka dalka laga iibiyo cashuurta kicisteedu waa arrin ku xidhan dowlada lnaga waxa weeye maxay ina kalifaysaa in aan sameyno sidaa dadku waa u xor ayaynu nidhi in wixiisa keensan karo markaa maxay ina kalifi karaysa ayaa imanaysa koleyba in laga fakiro wixii taakulaysiya imika shiidaalku maaha waa daruuriyadka ku jira oo xaabadii ayaa lagu keenaya oo canihii ayaa lagu keenaya cuntadii ayaa lagu keenaya macnii meel walba waa looga baahan yahay oo daruurigii ayuu ka mid noqdey kolkaa in gaadiidka la xadido oo waliba wakiiladiina iyo guurtidu go aan ka gaadho waan idinla qabaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this