Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland national television headquarters opened officially in London UK +PICS

Recommended Posts

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Warfaafinta oo xadhiga ka jaray xarunta Telefiishanka Qaranka ee UK

Sat 29th Oct,2011

Wararka

Munaasabad kooban oo xadhiga lagaga jarayay xarunta telefiishanka qaranka ee UK ayaa lagu qabtay xafiiska telefiishanka ee London. Xafladan oo ay kasoo qayb galeen qaybaha kale duwan ee bulshada reer Somaliland, ayaa waxa ugu horeyntiiba xadhiga lagaga jaray xafiiska telefiishanku ku yeelan doono UK. Xafiiska oo noqon doona kii ugu horeeyay ee teleiishanka Qaranka JSL ku yeesho dalka mid ah waddamada Yurub waxa uu ka danbeeyay dedaal badan oo xukuumadu ugu jirto tayaynta iyo balaadhinta warbaahinta dalka.

Agaasimaha wasaarada warfaafinta Md Faysal Cali Sheekh oo halkaasi ereyo kooban ka jeediyaya, ayaa waxa uu ka waramay marxaladihii kale duwanaa ee uu soo maray telefiishanka qaranka iyo inuu telefiishanka qaranku yahay mid ummadda reer Somaliland leedahay oo aan cid gooni ahi lahayn, loona baahan yahay in si buuxda dadka reer Somaliland gacan uga wada geystaan horumarintiisa.

7069IMG_2114.jpg

7075IMG_2130.jpg

7074IMG_2128.jpg

7073IMG_2127.jpg

7072IMG_2125.jpg

7070IMG_2117.jpg

7069IMG_2114.jpg

Waxa lagu wadaa in maanta ay magaalada London ka dhacdo xaflad balaadhan oo lagu soo dhaweynayo furitaanka telefiishanka qaranka xaruntiisa Yurub.

Share this post

Link to post
Share on other sites
Saalax   

Xaaji Xunjuf;754863 wrote:

:cool:

Share this post

Link to post
Share on other sites

Xaflada balaadhan oo loogu wanqalayay furitaanka xarunta Telefiishanka Qaranka ee Yurub oo lagu qabtay London

Mon 31st Oct,2011

London (Jam)- Xaflad balaadhan oo loogu dabaaldagayay laguna soo dhaweynayay furitaanka xarunta telefiishanka Qarankaee Yurub ayaa lagu qabtay maalintii Sabtidii ee taariikhdu ahayd 29,Oct,2011, galbeedka magaalada London. Munaasabadan oo ay kasoo qayb galeen dadweyne aad u tiro badan oo reer Somaliland ah, masuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda Somaliland oo ay ka mid ahaayeen wasiir kuxigeenka arrimaha dibadda ee Somaliland, Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, agaasimaha guud ee wasaarada warfaafinta, la-taliyaha arrimaha dhaqaalaha ee madaxweynaha, aqoon yahano, fanaaniin iyo abwaano.

Aayado quraana ka dib waxa cod baahiyaha lagu soo dhaweeyay caruur reer Soamliland ah oo ka socotay ururka jaalliyada Somaliland ee WLSC, kuwaasi oo heesta calanka ee Somaliland halkaasi ka qaaday, taasi oo qiiro galisay dadkii madasha xaflada ku sugnaa oo mar kaliya wada istaagay iyagoo wadnaha gacanta saaray.

Suxufiga caanka ah ee reer Somlailand Maxamuud Sh Axmed dalmar ayaa ugu horeyntiiba si qoto dheer uga waramay muhiimada saxaafadu u leedahay ummadda iyo faa’iidooyinka ay u ku jirta haddii sida saxa ah loo isticmaalo.

Wasiir ku xigeenka arrimaha dibada Maxamed yoonis Cawaale oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu ka xog waramay horumarka dhanka saxaafada ee xukuumada Somaliland samaysay, isagoo ku dheeraaday doorkii qurbajooga reer Somaliland kazoo qaateen isbedelka dalka dhacay. Waxa isna halkaasi ereyo kooban kazoo jeediyay xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Xuseen Aadan Ahmed, oo sheegay in saxaafadu tahay mid qiimo weyn qaranka ugu fadhida oo loo baahana yahay. Lataliaha madaxweynaha ee arrimaha dhaqaalaha Md.Axmed Xasan Carwo oo ka xog waramay oo sheegay inuu ka mid yahay dadka saxaafada la saaxiibka ah ee sida aadka ugu ololeeya ee jecelna horumarinteeda.

7077sw222.bmp

Intaa ka dibna waxa hadalkii lasoo dhaweeyay agaasimaha wasaarada warfaafinta iyo wacyigalinta ee Somaliland Md Faysal cali Sheekh oo ka wartamay marxaladihii kale duwanaa ee saxaafada Somaliland soo martay isagoo xusay inuu yahay suxufigii u xadhiga dheeraa ee xabsiga kusoo qaatay muddo 400 oo cisho ah in ka badan. Waxa kaloo Faysal ka waramay dedaalka xukuumada madaxweyne Siilaanyo ugu jitro kobcinta iyo tayayna saxaafada Somaliland isla markaana furitaanka telefiishanka qaranka ee Yurub ka danbeeyay safarkii uu hore ugu yimid dalka Ingiriiska xuskii 18-ka May, taasi ku timid codsigii qurba jooga iyo baahidii loo qabay sidii loo gaadhsiin lahaa Yurub. Md Faysal waxa kale oo xusay in dadka xukuumada ku dhaliila Somaliland meel kale ayaa loo waday yihiin kuwo khaldan oo jahawareer ummadda ku riday oo aanu ahayn madaxweyne siilaanyo yahay nin dalkan u soo halgamay oo dalkana aan looga baqay inuu meel halisa dhigo, yahayna dadka ugu lexejeclada badan.

7079sw1111.bmp

Waxa iyaguna halkaasi ka hadlay dad tiro badan oo reer Somaliland ah oo isugu jira qaybaha kale duwan ee bulshada iyo abwaano soo bandhigay gabayo iyo heeso loogu dabaadegayo furitaanka telefiishanka qaran ee Yurub. Fanaaniinta qaranka ee reer Somaliland ayaa iyaguna halkaasi macaan dadka halkaasi ugu soo bandhigay.

Share this post

Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this