Saalax Posted October 29, 2011 Moi Kibaki: Ciidamada Kenya Way ku Jiri Doonaan Soomaaliya illaa laga Ciribtirayo Al-Shabaab Nairobi (RBC) Madaxweynaha Kenya Moi Kibaki ayaa xaqiijiyey in ciidamada wadankiisa aysan ka soo bixi doonin Soomaaliya illaa inta laga ciribtirayo kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya. “Marka dadka wadankaan iyo dalkani ay dareemaan inay aamin ka yihiin khatarta Al-Shabaab markaasi ayaan ka soo bixi doonaa Soomaaliya”, ayuu yiri madaxweynaha Kenya oo wariyaasha kula hadlay xarunta wasaaradda difaaca Kenya maanta oo Sabti ah. “Ololahan ma ahan mid waqti leh, waxaanu u deyn doonaa dadkawadankan inay iyagu HAA yiraahdaan oo ay cadeeyaan inaysan wax cabsi ah ka qabin Al-Shabaab isla markaana ay aamin yihiin xuduudahayaga” ayuu ku dii daray hadalkiisa madaxweyne Kibaki. Madaxweyne Kibaki wuxuu sheegay in Kenya aysan wax dan iyo xaajo ka lahayn qabsashada Soomaaliya balse ay dooneyso oo kaliya inay dhabarka ka jebiso Al-Shabaab oo uu sheegay in dhowr jeer ay hanjabaado u soo direen Soomaaliya. Dhanka kale taliyaha guud ee ciidamada Kenya General Julius Karangioo shirkan jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay in Kenya ay halis ugu jirtay khatarta Al-Shabaab sidaasi darteedna hawlgalka hadda ay ka wadaan gudaha Soomaaliya uu sii socon doono. Taliyaha ayaa ka warbixiyey dagaal dhexmaray ciidamada Kenya iyo kuwa Al-Shabaab oo ka dhacay meel u dhow xuduuda labada dal kaasoo uu sheegay in dhowr askari ay kaga dhinteen 2 kalana ay kaga maqan yihiin illaa hadda. Hadalka madaxweynaha Kenya ee ah inaysan ka sopo baxay Soomaaliya inta Al-Shabaab laga ciribtirayo ayaa ku soo beegmay xilli dadka Soomaaliyeed ay su’aalo iska weydiinayaan goorta ciidamada Kenya ay ka soo laaban doonaan Soomaaliya oo bishan hortaanteedii ay so galeen. Waxaana hadalka madaxweynaha Kenya uu cadeynayaa in Kenya ay goosatay dagaal waqti dheer oo ay la gasho Al-Shabaab maadaama kooxda Al-Shabaab lafteeda ay wacad ku martay inay dagaal la galeyso militariga Kenya ee soo galay dalka. RBC Radio Quote Share this post Link to post Share on other sites