Saalax Posted October 29, 2011 Zakariye M.Xaaji Cabdi: Ciidanka Amisom ee loo soo Wado Puntland Waxaa loo Dalbaday Galbeed Mudug, Galmudug iyo Galgaduud Muqdisho (RBC) Gudoomiyaha Isbahaysiga Soomaaliyeed Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi ayaa kadigay go’aanka maamulka Puntland ee ku aadan in ciidamo ka socda Amisom la geeyo deegaanada Puntlandisagoo ku tilmaamay inay tahay khiyaano qaran oo uu galayo maamulka C/raxmaan Faroole. Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo isagoo ku sugan magaalada London wareysi gaar ah siiyey RBC Radio ayaa shaaca ka qaaday in ujeedada maamulka C/raxmaan Faroole uu u dalbaday ciidamada Amisom inay tahay in lagu gumaado dad gaar ah. “Waxaan la soconaa in ciidamadaas waxaa loo dalbaday waa dadka ka soo jeeda Galbeed Mudug iyo Galmudug iyo gobolka la yiraahdo Galguduud in la rabo in dadkaasi lagu adoonsadooo lagu qabsado, Waxaan ugu baaqeynaa ciidamadaasi ajnabiga oo hadda Xamar heysta inaysan caradaasi isku imaan” ayuu yiri Zakariye oo wareysi siiyey RBC Radio. Zakariye oo aan weydiinay waxa uu ku cadeyn karo in ujeedada Puntland ay u dalbatay ciidankaasi ay tahay dad gaar ah oo Soomaaliyeed ayaa yiri;- “Faroole ayaa sheegay in ciidanka meelo gaar ah geysanayo oo uusan geyneyn meeshuu joogo isagu”. Yaa ka masuul ah amaandarida Puntland? Gudoomiyaha Isbahaysiga Soomaaliyeed Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi waxaa uu ku eedeeyey amaandarida ka jirta gobolada Puntland inay masuul ka yihiin ciidamo uu sheegay in loo yaqaano ‘ASHAHAADO LA DIRIR’ kuwaasoo uu sheegay in maamulka Puntland hadda ka jira ay abuureen kuwaasoo uu ku eedeeyey inay qabqabtaan dadka masaajidada ka soo baxa iyo kuwa tukada oo kaliya. “Hadey yimaadaana [ciidankaasi] dadka Soomaaliyeed way isdifaaci doonaan”, ayuu hadalkiisa ku daray Zakariye Maxamuud oo sidoo kale dadka ugu baaqay inay ka horyimaadaan ciidamadaasi ajnabiga ah ee loo soo wado. Soo gelida ciidamada Kenya Wareysiga Zakariye ayaan sidoo kale wax kaga weydiinay sida uu u arko faragelinta ciidamada Kenya ee gudaha Soomaaliya isagoo sheegay inay tahay sharci darro. “Waxaan ugu baaqeynaa Kenya inay ka laabato duulaanka Soomaaliya waayo Ethiopia ayaa xoog ku qabsan weyday Soomaaliya”, ayuu yiri Zakariye. Wuxuu cambaareeyey hadalkii uu raysul wasaaraha DKMG Soomaaliya ku taageeray soo gelida ciidamada Kenya isagoo sheegay inay nasiib darro tahay in dad masuuliyiin ah ay ogolaadaan faragelin ciidan shisheeye. Gudoomiyaha Isbahaysiga Soomaaliyeed wuxuu sidoo kale cambaareeyey afduubyadii laga geystay gudaha Kenya, isagoo sheegay in Kenya looga baahan yahay inay kala saarto kuwa afduubyada geysta iyo shacabka Soomaaliyeed qaranimadooda. RBC Radio Quote Share this post Link to post Share on other sites
Saalax Posted October 29, 2011 http://www.raxanreeb.com/?p=117401 Quote Share this post Link to post Share on other sites