Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Alshabaab Militants and Kenyan forces Clash near Dhooblay with Casualties on both sides

Recommended Posts

Taabto:(Allpuntland)-Warar lagu kalsoonyahay oo goordhaway ay APL ka heshay degmada Dhoobley ayaa kusoo waramaya in galabta gabaldhicii uu ciidamo ka tirsan kuwa Milatariga dalka Kenya ee maalmihii lasoo dhaafay gudaha usoo galay dalka Kenya ay malayshiyo hubaysan oo katirsan Alshabaab jidka u galeen kolonyadaas gaadiidka ah ee ay lahaayeen ciidamada dalka Kenya kuwaasoo ay wararku sheegayaan inay marayeen meel aan waxbadan u jirin tuulada Taabto ee gobolka Jubbada Hoose.

 

Wararku waxay sheegayaan in Gaadiidka ciidamada Kenya oo ay galbinayeen gawaarida Gaashaaman ee Milatariga dalka Kenya ay u socdeen Tuulada Qooqaani, Waxaana ay wararku sheegayaan in lagu boobay Baasuukayaal iyo qoryo kale, iyadoo sidoo kalena ciidamada dalka Kenya ay weerarkaas si kulul uga jawaabeen islamarkaasna dagaal la’isku gabal dhacsaday oo ilaa maqribkii Caawa gaaray uu halkaas ka qarxay.

 

Dad ka agdhow goobta uu dagaalku ka dhacay ayaa APL u xaqiijiyey in uguyaraan hal Askari oo katirsan ciidamada dalka Kenya uu weerarkaas ku geeryooday ugu yaraan mid kalena uu ku dhaawacmay weerarkaas, sidoo kalena wararku waxay sheegayaan in 9-Kamid ah Malayshiyaadka Alshabaab in goobtaas lagu dilay ayna jiraan maxaabiis laga qabtay Alshabaab islamarkaasna ay Milatariga dalka Kenya goobtaas uga tageen Meydadkii weerarkaas ka dhashay, manajirto Wax faahfaahin dheeraad ah oo weli kasoo baxay dhinacyada weerarka aan qorshaysnayn uu dhexmaray, waana markii ugu horaysay oo ay labada dhinac si rasmi ah isku fara-saaraan.

 

Wixii kasoo kordha Weerarkaas APL kalasoco, Markasta

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this