Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland president Siilaanyo jets of to the United Kingdom+PICS

Recommended Posts

Madaxweynaha Somaliland Oo Socdaal Ugu kicitimay dalka Ingiriiska

October 28th, 2011

 

“Wax shirar ah oo aan ka qeyb galayo oo la iigu yeedhay ma jirto sida dadka qaarkood yidhaahdaan”

 

Hargeysa (Somaliland.Org)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta iska fogeeyay inuu dalka Ingiriiska kaga qeyb galayo shirar loo qabanayo arrimo ka baxsan masaalixda qaranka, waxaanu sheegay in socdaalkiisu uu yahay fasaxiisii caadiga ahaa.

 

Madaxweynaha Somaliland oo ka hor intii aanu ka dhoofin madaarka caalamiga ah ee Cigaal International Airport ee magaalada Hargeysa saxaafada uga waramayay socdaalkiisa ayaa sheegay in inuu safarkiisu qaadan doono muddo ku siman afar todobaad.

 

“Waxaan safar ugu baxayaa dalka Ingiriiska oo aan muddo afar wig ah ku maqnaan doono oo aan fasax u tagayaa, wax shirar ah oo aan ka qeyb galayaa oo la iigu yeedhay ma jirto sida dadka qaarkood yidhaahdaan waxba kama jiraan arrintaasi fasaxaasi ayaan u tagayaa,”ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.

 

Madaxweynuhu waxa uu intaasi ku daray “Haddii aan tagase waa iska caadi inaan dalka aan tagayo madaxdiisa wax ka arko iyo inaan bulshada reer Somaliland ee halkaasi ku dhaqan aan la kulmo oo dadka wixii dano inagaga xidhan yihiin aan kollayba kulamo yeelano.

Md. Axmed Maxamed Maxamuud waxa uu sheegay inuu ku sii hakan doono dalalka Jabuuti iyo Itoobiya isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Inta ka horaysa waxaan sii marayaa dalka Itoobiya iyo Jabuuti oo aan ku sii hakan doono jabuuti maanta oo qudha ayaanu joogna. Itoobiya inaanu iyadana masuuliyiin iska aragno ayaa laga yaabaa waxaanan ka wada hadli doonaa danta Somaliland uun wax kale oo aanu u soconaa ma jirto.”

 

Madaxweynaha Somaliland waxa intii aanuka dhoofin dalka Madaarka Hargeysa ku sii sagootiyay Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirro, Xildhibaano iyo masuuliyiin ka tirsan Ha’yadaha dawliga ah ee xukuumadda, waxaanu Madaxweynuhu waxaa uu madaarka salaam sharaf kaga sii qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada qaranka.

 

Madaxweynaha waxa socdaalkiisan ku weheliya Marwada koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Sh. Maxamed Jirde iyo Wasiirka Arrimaha dibada Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this