Shinbir Majabe Posted October 26, 2011 Madaxweynaha DKMG Sh. Shariif iyo Raisal-wasaare C/weli Max'ed ayaa si wadajir ah u sheegay inaysan ogoleyn fareglinta ciidamada Kenya ee Somalia. Shir jaraaid oo ka dhacay xarunta madaxtooyada ayay labada mas'uul ay ka sheegeen in Kenya ay kaliya ka doonayaan inay taageerto ciidamada Soomaaliya ee ku sugan xadka Kenya ee dagaallada kula jira kooxda Al-Shabaab. Wasiirka Difaaca ee dowladda Soomaaliya ayaa shirkaasi jaraaid ka akhriyay war-murtiyeedkii kulankii dhawaan wasiirrada Kenya iyo Somalia ay ku yeesheen magaalada Muqdisho. Wasiirku wuxuu sheegay in war-murtiyeedkaasi uusan ku qornayn in ciidamada Kenya ay soo galaan Somalia, balse ay labada dhinac iskaashiyo sameeyaan, iyadoo howlgallada Somalia ay kaliya fulinayaan ciidamada Soomaaliya. Dhagayso shirka jaraa'id Quote Share this post Link to post Share on other sites