Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland president invited by the Chairman of the Commission of the African Union.

Recommended Posts

Madaxweynaha Somaliland oo Martiqaad ka helay Guddoomiyaha MidawgaAfrika oo Olole ugu jira Dorashadiisii Labaad

 

Waxa lagu soo casuumay Magaca Somaliland isagoo kulan la yeelan doona Guddoomiye Gudoomiyaha Midawga Africa Jean bing

Hargeysa(Waaheen) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa safar uu ugu kicitamayo Dalka Itoobiya la sheegay inuu la xidhiidho Martiqaad uu ka helay Guddoomiyaha Midawga Afrika Jean bing. Madaxweyne Siilaanyo oo la filayo inuu socdaal ku tago Dalka Ingiriiska ayaa inta aanu kayeelan doona Guddoomiyaha Midawga Afrika kaasoo martiqaad Rasmi ah u soo diray isagoo kala hadli doona Arrimo muhiim u ah Siyaasadda Somaliland.

Ilaa hada ma cada Madaxweyne Siilaanyo kulanka uu la qaadan doono baratakoolkiisu nooca uu yahay hase yeeshee sida ay sheegayaan warar ku dhaw dhaw Wasaaradda Arrimaha Dibeda Somaliland waxa ay sheegayaan in Madaxweyne Siilaanyo kulan la yeelan doono xubno door ah oo uu Guddoomiyaha Ururka Midawga Arfiki ugu horeeyo, kaasoo uu u bandhigi doono Siyaasadda cusub ee dhinaca dibedaee Xukuumaddiisa.

Wararka aanu ka helayno dhinaca Itoobiya ayaa sheegaya in Guddoomiyaha midawga Afrika Jean bing uu ku jiro Ololaha Doorashadiisa ee mudadii labaad kaas oo ay kula tartamayso gabadh u dhalatay Dalka Koonfur Afrika, wakhtigana ay xaruntaasi ku jirto mashquul inkasta oo aanay Somaliland fursad ku lahayn Shirka Ururkaasi.Jean bing ayaa mudadii uu xilka hayay la Ictiraafay Dalka Koonfurta Suudaan, waxaanu dedaal farabadan ugu jiraa sidii uu xaaladaha siyaasadeed ee Afrika wax badan uga qaban lahaa iyadoo xaalada siyaasadeed ee Somaliya iyo dalalka la jaarka ah ee Itoobiya iyo Kenya ay wakhti xaadirkan ka taagan tahay xaalad dagaal taasoo lagula jiro kooxda Al-shabaab oo Afduub iyo weeraro qarxin ah ka fulisay gudaha Dalka Kenya. Taasoo lagu qaaday weeraro Cirka iyo Dhulkaba ah.Dhaqdhaqaaqa cusub ee siyaasadeed ee ay arrintaasi yeelatay ayaa Somaliland u horseeday in masuuliyiin ka socda dalka Kenya oo hordhac u ah wefti Raysal wasaaraha dalkaasi uu ku iman doono dhawaan Somalind, waxaanay muujinaysaa martiqaadkan AU-duna inuu xidhiidh la leeyahay sidii Somaliland qadiyadeeda loo taageeri lahaa maadaama xaalada Amaan ee bariga Arfiki ku xidhan tahay deganaanshaheeda.

Martiqaadka Madaxweynaha oo sida ay xogaha aanu ka helaynaa sheegayaan in lagu soo casuumay magaca Somaliland ayaa la saadaalinayaa in ay Somaliland rajo gelin doonto isla markaana uu ka soo bixi doono kulanka uu ay Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Midawga Afrika saadaal wanaagsani

Share this post


Link to post
Share on other sites
Alderman   

Somaliland should not associate themselves with despots and autocratic dictators. African Union members are a checklist of who's who's in the world of dictatorships.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this