Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Traditional Clan elders from the gedo region reject Kenyan incursion and declared war on Kenya

Recommended Posts

Waxgaradka Gobolka Gedo oo ugu baaqay xukuumadda Kenya inay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya

 

Arbaco, Oktoobar 26, 2011 (HOL) — Waxgarad gobolka Gedo oo Arbacada maanta ah kulan ku yeeshay degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa waxay si kulul u cambaareeyeen ciidamada Kenya ee soo galay gobollada Koonfurta Soomaaliya ku yaalla, iyagoo ugu baaqay Kenya inay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya.

 

Waxgaradkan oo tiradoodu ahayd 30-xubnood ayaa waxay ka kala yimaadeen dhammaan degmooyinka gobolka Gedo, waxaana kulankan uu noqonayaa kii ugu horreeyay oo ay waxgaradka Soomaaliyeed uga soo horjeestaan faragelinta ay Kenya ku sameysay Soomaaliya.

 

Ugaas C/llaahi Macallin Haaruun, nabaddoon Cali Gaab, Ugaas Cabdi Buulle Xasan Dabac iyo Garaad Bakaal Aadan Geesaale ayaa saxaafadda uga warbixiyay qodobbadii kulankooda kasoo baxay.

 

"Dalka Kenya waa dalka uu xiriir wanaagsan ka dhexeeyo Soomaaliya, balse ciidamadeeda soo galay Soomaaliya waxay dhalin kartaa dagaal dhexmara Soomaaliya iyo Kenya," ayuu yiri Ugaas C/llaahi Haaruun oo mid ah xubnaha la hadlay saxaafadda.

 

Sidoo kale, ugaas C/llaahi wuxuu sheegay in gobollada Gedo iyo Jubooyinka ay ka geysteen ciidamada Kenya dhibaatooyin, wuxuuna sheegay in hadalkooda uu yahay mid dani ay ugu jirto Kenya oo ay isaga baxdo Soomaaliya.

 

"Weel illaa uu buuxsamo ma daato ayaa la yiri, Kenya waxay ka badbaaday burburkii soo maray dalalka gobolka sida: Soomaaliya, Itoobiya, Uganda iyo Suudaan, waxayna noola muuqataa inay nimcada nabadda iyo dhaqaalaha ay xajisan la'dahay," ayuu yiri Ugaaska Haaruun.

 

Sidoo kale, waxaa saxaafadda la hadlay waxgaradka kale, kuwaasoo sheegay in haddii Kenya ay dhexgaha ka fureysato inay ciidamadooda kala baxdo gobollada ku yaalla Koonfurta Soomaalia ay ula dagaalami doonaan sidii ay ula dagaalameen Ingiriis iyo Talyaani oo ay u dulqaadan waayeen gumeysigooda.

 

Hadalkan ayaa imaanaya kaddib markii madaxweynaha Soomaaliya uu Isniintii kaga dhawaaqay Muqdisho sida uu uga xun yahay ciidamada Kenya ee soo galay gudaha dalka Soomaaliya, isagoo sheegay inaysan shacabka Soomaaliyeed iyo xukuumaddu raalli ka ahayn ciidammada Kenya ee kassoo xuduudda.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

They have been fighting more then a year to clear Gedo from Al Shabaab. Now the rest of the Jubba's is cleared from Al Shabaab in a matter of weeks. I would expect they use the opportunity and start a march on Kismayo, to become a stakeholder which cant be ingnored by the Kenyans and Azanians.

 

That would be the most strategical option at the moment.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Baardheere is the lone Shabaab occupied town in the Gedo region. As such, one would understand the credibility of such a meeting as an honest representation of the indigenous population is under threat.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this