Xaaji Xunjuf Posted October 23, 2011 Dagaalo iyo duqeymo maalintii afraad ka socda Deyniile Xaalada degmada Deyniile ee gobolka Banaadir ayaa maalinti afraad cakiran iyadoo ay dagaalo iyo duqeymo xoog lihi ay isku dhaafsanayaan ciidamada is garabsanayo ee AMISOM iyo dowlada iyo Dhaq dhaqaaqa Al Shabab. Dagaalyahano ka tirsan Al Shabaab ayaa weli gacanta ku haya deegaano kamid ah degmada Deyniile sida isbitaalka ,xaruntii degmada iyo saldhiga degmada Deyniile halka ay ciidamada DKG gacantooda ay soo gashay dhul ballaaran oo u badan dhulka ay shacabku degenaayeen sida xaafada Tiida. Duqeyno xoog leh ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay si xoog leh loogu garaacayay degmadaasi iyadoo duqeymahaasina ay geysanayeen ciidamada AMISOM. Duqeymahasi ayaa waxaa ka dhashay in boqolaal qoys oo ku noolaa degamada Deyniile iyo deegaanada u dhow dhow ay ka barakacaan. Waxaana qoysaskasi ay dib ugu laabteen magaalada Muqdisho oo ay horay uga barakaceen. Duqeynta ay ciidamada AMISOM ku hayaan Daynile ayaa waxaa maamulka degmada Daayniile ee dowlada KMG ku sheegteen in ay ku dileen saraakiil ka tirsan Al Shabab. Gudoomiyaha degmada Dayniile Daahir Xasan Xuseen ayaa sheegay in ku dileen duqeymo xalay ka dhacay saraakiil sare oo ka tirsan Al Shabab. Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Al Shabab oo beeninaya warkaasi ama xaqiijinaya sheegashada Mr Daahir. Quote Share this post Link to post Share on other sites
oba hiloowlow Posted October 23, 2011 just give it a week or less Quote Share this post Link to post Share on other sites