Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Is this actually true?

Recommended Posts

Maamul Goboleedka Puntland ayaa wuxuu maanta uu dil toogasho leh uu ku fulliyay mid ka mid ah dagaal-yahanada Xarakada Al Shabaab, kaasoo lagu hellay laba dembiyo oo ka dhan ah deegaanada Puntland.

 

C/Laahi ***** Cali oo ka mid ah Ciidamadda Xarakada Al Shabaab, ayaa wuxuu laba bilood kahor uu magaaladda Galkacyo uu ku dillay Allaha u naxariistee Xasan Xuseen “Waloore”, oo ka mid ahaa wax-garadka ku dhaqan magaaladda Galkacyo ee Gobolka Mudug, wuxuuna qirtay in uu dilkaasi uu geystay iyo in uu ka tirsanaa Xoogaga Shabaab.

 

Maxkamadda Darada Koowaad ee Gobolka Nugaal ee Maamul Goboleedka Puntland, ayaa waxay gacan ku dhiiglaha ay ku xukuntay dil toogasho leh, kaasoo ugu dambeen maanta lagu fuliyay.

 

C/Laahi ***** Cali oo ku dhashay degmada Bardaale ee Gobolka Baay, kana soo jeeda Gobolada Baay iyo Bakool, ayaa waxaa maanta la-soo fariisiyay fagaare ku yaalla magaaladda Garoowe ee Gobolka Nugaal, halkaasoo uu maanta ku toogtay mid ka mid ah wiilasha uu dhalay Allaha u naxariistee Xasan Xuseen “Waloore”.

 

Xilliga uu dilku uu dhacaayay, ayaa waxaa ka soo qeyb gashay qeybaha kala duwan ee Saxaafadda, kuwaa oo ka qaadaayay muuqaalo kala duwan, si caalamka loogu baahiyo sida Puntland ay uga soo horjeedo kooxda Shabaab.

 

Dilka kadib ayaa waxaa warbaahinta magaaladda Garoowe kula hadlay masuuliyiin ka tirsan Maamul Goboleedka Puntland, waxayna sheegeen inay sii wadi doonaan dilalka ka dhan ah kooxaha dilalka qorsheysan ka geysanaaya deegaanada Puntland, ee ka tirsan Xarakada Al Shabaab.

 

Waa gacan ku dhiiglihii ugu horeeyay oo ka tirsan Xarakada Al Shabaab, oo si cad loogu toogto magaaladda Garoowe, xilli ay goob-joog ka ahayd qeybaha kala duwan ee bahda Saxaafadda, isla-markaana majirto wax war ah oo ka soo yeeray dhinaca Xarakada Al Shabaab.

 

 

mom80.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this