Sign in to follow this  
Saalax

Shirkii Wadatashiga Soomaalida ee Lagu Qaban Lahaa Garowe oo Loo Wareejiyey Nairobi (Warbixin)

Recommended Posts

Saalax   

Shirkii Wadatashiga Soomaalida ee Lagu Qaban Lahaa Garowe oo Loo Wareejiyey Nairobi (Warbixin)

 

Nairobi (RBC) Waxaa saaka oo Sabti ah [22.10.2011] hotel ku yaalla magaalada Nairobi ka furmaya wareegii labaad ee shirkii wadatashiga ee bishii September lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Shirkan oo ay qabanqaabisay hay’adda UNPOS ee Qaramada Midoobay ayaa waxaa ka qeybgalaya DKMG Soomaaliya, Puntland, Galmudug iyo Ahlusuna. Waxaana shirkan uu noqonayaa kii labaad oo ku xiriirsan shirkii bishii September 9-keedii lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Wareegan labaad ayaa lagu waday inuuka dhaco magaalada Garowe ee caasimada maamul goboleedka Puntland iyadoo sida qorshuhu ahaa, la filayey in shirka uu dhaco bishan October bartankeeda. Waxaana sidaasi horey u shaaciyey DKMG iyo Puntland.

Hase yeeshee waxaa ergadii shirka ka qeybgaleysay ay shalay soo gaareen magaalada Nairobi oo uu ku sugan yahay wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan SoomaaliyaAugostine Mahiga oo shirka horboodaya. Mana cadda sababta shirka looga soo weeciyey Garowe ee loo keenay Nairobi.

Warar hore u soo baxay ayaa sheegaya in bishan horaanteedii Puntland ay dalbatay in lagu soo wareejiyo dhaqaalaha shirka lagu qabanayo oo dhan $200,000 (labo boqol kun doolar), taasoo aan la ogeyn in masuuliyiinta Qaramada Midoobay ay lacagtaasi siiyeen Puntland iyo in kale.

Wafdiga DKIMG ee shirka uga qeybgalaya Nairobi ayaa waxaa hogaaminaya wasiirka arimaha gudaha C/samad Macalin Maxamud.

Xafiiska Shabakadda Raxanreeb ee Nairobi ayaaxalay la xiriiray Xafiiska UNPOS iyo wafdiga Puntland ee ku sugan Nairobi bal si aan wax uga weydiino sababta shirka looga soo weeciyey Garowe ayaan suurtagalin sababo la xiriira mashquulka wufuuda awgeed. Hase yeeshee ilo wareedyo ku dhow wufuuda ayaa laga soo xigtay inay u badantahay in sababtu ay tahay kadib markii xildhibaano ka tirrsan barlamaanka DKMG oo shirka ka qeygali lahaa ay ka biyo diideen tegitaanka Garowe iyagoo maamulka Puntland ku eedeeyey inay si xun ula dhaqmeen dad ka soojeeda koonfurta Soomaaliya ee ku noolaa gobolada Puntland taasina ay keentay in cabasho loo gudbiyo xafiiska UNPOS si shirka loogu wareejiyo Nairobi.

Sidoo kale ilo wareedyo kale ayaasheegaya in arimaha amaanka Puntland ay ka welweleen saraakiisha UN-ka, Mareykanka iyo kuwa Midowga Europe oo la rabay inay shirka wareegiisa labaad goobjoog ka noqdaan.

RBC Radio

Xafiiska wararka Raxanreeb, Nairobi

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Wonder why they changed the location? Is it because of security? And how did Faroole react?

 

Where is Xiinfaniin to explain Farooles explanation?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this