Jacaylbaro Posted October 22, 2011 Ninka iska leh dhaxalka Boqortooyada dalka Sucuudiga Sultan bin Abdil-aziz al Sucuud ayaa maanta la shaaciyey geeridiisa waxaana sidaas ku waramay Telefishanka qaranka dalka Sucuudiga. Sultan bin abdul aziz ayaa ahaa 83 sano jir, waxaana lagu daweynayey dalka Maraykanka tan iyo Xagaagii sanadkan, Warbaahinta dawladdu faah-faahin kama bixin sababta dhimashadiisa, Amiirka iska leh Dhaxalka Boqortooyada Sucuudiga ayaa tan iyo sanadkii 2004 laga daweynaayey cudurka Kansarka (Cancer), waxaa dhawr jeer lagu sameeyey qalniin. Ka sakoow in uu ahaa ninka iska leh dhaxalka Boqortooyada Sucuudiga, waxaa uu 4 jeer noqdey wasiirka gaashaandhiga Sucuudiga. Amiir Sultan waxa uu ahaa wiilkii shanaad ee uu dhalay Boqorl Cabdicasiis. Aaska Amiirka ayaa ka dhici doona magaalada Riyadh ee dalka Sucuudi Caraabiya, todobaadka soo socda. Quote Share this post Link to post Share on other sites