Saalax Posted October 20, 2011 Madaxwayne Ku Xigeenka Somaliland Oo Caawa Boorama Kulan Kula Yeeshay Ugaaska Beelaha ******** Oo Xukuumadu Ka Hor-taagan Tahay In Uu Socdaal Ku Tago Deegaano Ka Tirsan Awdal Iyo Salel. Boorama (Ramaas) Oct 19,2011 – Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo maanta socdaal ku tagay Magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal ayaa caawa kulan la yeeshay Ugaaska beelaha ******** Ugaas Cabdirashiid Ugaas Doodi Ugaas Rooble. Kulankan Madaxwayne ku xigeenka iyo Ugaaska beelaha ******** oo aan la ogeyn xaqiiqo ahaan waxa lagaga wada hadlay ayaa haddana wararka ka soo baxayaa waxa ay tibaaxayaan in Madaxwaynuhu Ugaaska cadaadis ku saaray inuu baajiyo socdaal la filayo inuu dhawaan Ugaasku ku taggo deegaano ay ka mid tahay degmada Lughaya oo dhismaha dekedeeda muran ka taagan yahay. Kulankan Madaxwayne ku xigeenka Somaliland iyo Ugaaska beelaha ******** Ugaas Cabdirashiid Ugaas Doodi Ugaas Rooble oo dadka reer Boorama ay saadaalinayaan waxa ka soo bixi kara, iyadda ujeedada Madaxwayne ku xigeenku ugu deg-degay kulanka Ugaaska lagu macneeyay inay tahay sidii uu ugu guulaysan lahaa baajinta socdaalka Ugaaska oo aan ilaa hadda laga war-qabin waxa xukuumadu Ugaaska uga hor-taagan tahay inuu taggo deegaano ka tirsan Awdal iyo Salal. Magaalada Boorama waxa hore u sii joogay wasiirada wasaaraha Arimaha gudaha Md Maxamed Nuur Carraale (Duur) hawlaha guud Prof Ismaaciil Muumin Aare iyo dib-u-dejinta Md Cabdirisaaq, kuwaas oo iyagana ujeedadooda lagu sheegay inay la xidhiidhay sidii ay Ugaaska u baajin lahaayeen. Wixii war ah ee ka soo kordha socdaalka Madaxwayne ku xigeenka ee Boorama iyo kulanka uu la sheegay Ugaaska ******** kala soco RAMAASNEWS.COM Ramaasnews Desk Hargeisa Quote Share this post Link to post Share on other sites
djibsomali Posted October 20, 2011 200 deaths after ugaas abdirashiid tension escallated to full war 500 wounded... Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted October 20, 2011 What are you talking about 200 dead where do you get that do you love war and death or something Quote Share this post Link to post Share on other sites