Saalax Posted October 19, 2011 Amiirada Al-Shabaab oo Gabdhaha Dhalinyarada Qasab ku Guursanaya iyo Walwal soo Wajahay Waalidiinta (Warbixin) Muqdisho (RBC) Qaar ka mid ah qoysaska ku nool deegaanada duleedka magaalada Muqdisho ayaa bilaaby inay ka soo qaxaan guryahooda oo ay dib ugu guuraan magaalada Muqdisho ka dib markii maalin ka hor wadada dheer ee isku xirta deegaanka Ceelasha biyaha iyo Carbiska lagu arkay meydka nin dhalinyaro ah oo ay Al-Shabaab gawraceen kaasi lagu magacaabi jiray Cilmi Cabdi Xasan. Walaaca ugu weyn ee soo wajahay dadweynaha, gaar ahaan hooyooyinka iyo aabayaasha ayaa ah in amiirada horjoogayaasha u ah Al-Shabaab oo u badan ajaaniib ay bilaabeen in si qasab ah ay ku guursadaan gabdhaha yar yar iyadoo xitaa mararka qaar aan la weydiisay waalidiintooda, haddii la weydiisto oo ay diidaana loogu bedelo dil. Dilka Marxuum Cilmi Marxuum Cilmi Cabdi Xasan waxaa uu ahaa wade baabuur nooca TAXI loo yaqaano ee kirada ku qaada dadka. Waxaana sida dadka yaqaana ay noo xaqiijiyeen uu degganaa deegaanka Ceelasha biyaha halkaasoo uu kula noolaa qoyskooda oo uu isagu u weynaa una shaqeyn jiray. Dadka deegaanka waxay sheegeen in mid ka mid ah Amiirada Al-Shabaab ee ku sugan deegaanka uu dhowr toddobaad ka hor u tegey qoyska Marxuum Cilmi isla markaana weydiistay gabar 18-jir ah oo la dhalatay Marxuum Cilmi. Hase yeeshee qoyska waxay diideen in gabadhooda ay u guuriyaan nin ajnabi ah oo aysan aqoon iyagoo ku andacooday in gabadhu agoon tahay isla markaana aan la qasbi Karin. Nasiib daro ciidamo ka tirsan Al-Shabaab ayaa labo habeen kadib Cilmi ka afduubay gudaha suuqa Ceelasha biyaha isagoo xilligaasi watay baabuurkiisa, lamina ogeyn halka ay la aadeen. Balse subaxnimadii Talaadada ee [shalay] ayaa meydkiisa oo gawracan laga soo heley deegaanka Carbiska ee gobolka Shabeelaha Hoose. Walwalka waalidiinta Waxaa jirta sheeko caan ah oo ay kuu sheegayaan dadka ku nool dhulka ay maamusho Al-Shabaab, gaar ahaan habka ay u maraan guurka gabdhaha ay qysaskooda ka baadaan. Waxaana dadka ay sheegayaan in dhaqanka Al-Shabaab u yahay in gabadha lagu kaxaysto wax ay u yaqaanaan ‘RABITAAN NAFEED’ waxaana gabadha lagu yiraahdaa ‘UKHTI NAFTA AYAA KU RABTA” iyadoo marka ay rabaan iska fura taasoo sidoo kale noqotay arin ay gabdho badan necbeysteen. Tani waxay keentay in waalidiinta ku nool dhulka ay ka taliso kooxda Al-Shabaab ay ka qaxaan una guuraan qeybaha ay DKMG ka maamusho Muqdisho si ay uga badbaadaan in gabdhahooda si qasab ah looga kaxaysto. Qaar ka mid ah waalidiinta ayaa wariyaasha u sheegay in aysan ahayn markii ugu horeysay oo dhacdo la mid ah tan loo geystay Cilmi iyo reerkooda balse ay horey u dheceen dhacdooyin la mid ah. Waxaana beryahan arintan darteed sare u kacay dadka kas oo guuraya deegaanada duleedka Muqdisho eek u soo laabanaya guryahooda. Xitaa waalidiinta aan awoodin inay ka guuraan meelaha ay Shabaabku joogaan, waxay ku qasbanaadaan inay gabdhahooda qaangaarka ah iyo wiilasha da’da yar ay u wareejiyaan eheladooda degan dhulka ay dawladu maamusho si ay uga nabadgalaan in gabdhaha xoog lagu kaxaysto, wiilashana la askareeyo. RBC Radio Quote Share this post Link to post Share on other sites