Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Bomb blast hits Mogadishu as President Sharif departs for Turkey

Recommended Posts

Qarax qasaara geystay oo mar kale ka dhacay Muqdisho

 

Qaraxi labaad ayaa ka dhacay Magaalada Muqdisho mudo 24-saac gudahood ah kaasi oo sababay qasaaro nafeed oo soo gaaray dad rayid ah.

 

Inta la ogyahay hal ruux oo rayid ah ayaa ku dhintay, laba kale oo caruur ahaana dhaawacyo culus ayaa kasoo gaaray ka gadaal marki miino la dhigay wadada dhinaceeda ay ku qaraxday.

 

Goob joogayaal ayaa u sheegay Horseedmedia in qaraxa oo ahaa miino la dhax dhigay juuni deetana dusha laga saaray lacago shilin Soomaali ah.

 

Ciidamada booliska dowlada Federaalka KMG Soomaaliya ayaa sheegay in loo qabtay qaraxa laba ruux oo goobta ka baxsaday qaraxa kadib.

 

Qaraxaan ayaa noqonaya kii labaad oo ruxa caasimada mudo 24 gudahood ah, shalay ayey aheyd marki qof naftii dile ah uu isku qarxiyey inta u dhaxeyo isgoysyada KM-5 ama Zoobe iyo Banaadir.

 

Shan ruux oo uu ku jiray ninka is qarxiyey ayaa ku dhintay ku dhawaad 20-kalana dhaawacyo ayaa kasoo gaaray.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Soomaaliya oo Turkiga u dhoofay

 

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya ka dhoofay madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Wefdi uu hogaaminayo oo Wasiiro u badan .

 

Socdaalka Madaxweyne Shariif iyo Wefdiga uu horkacayo oo ku wajahan magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ayaa waxaa Mas’uuliyiinta ku weheliya ka mid ah Ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Gaashaan dhigga , Wasiirka Dastuurka , dib u heshiisiinta , iyo arimaha Federaalka , Wasiirka Garsoorka , arimaha Diinta , iyo Awqaafta , iyo Wasiirka qorsheynta iyo xiriirka Caalamiga ah.

 

Booqashada madaxweyna dowlada KMG ah ee Soomaaliya iyo Wefdigiisu ay ku tageen dalka Turkiga oo qaadan doonta mudo sadex maalmood ah , waxay inta ay Turkiga joogaan booqaan doonaan Isbitaalada iyo goobaha kale ee caafimaad ee ay yaaliin dadkii qaraxii 4-tii bishan Muqdisho ka dhacay ku dhaawacmay.

 

Waxaana la filayaa in inta ay dalka Turkiga ku sugan yihiin ay kulamo kala duwan la qaataan Mas’uuliyiinta ugu sar sareysa dowlada Turkiga oo ay ku jiraan madaxweyne Abdullah Gül iyo Ra’iisul Wasaare Rajeb Tayyib Erdogan.

 

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wefdigiisa oo ay diyaarad gaar ahi maanta duhurkii garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde International Airport ka qaaday ayaa waxaa garoonka kusii saagootiyey Mas’uuliyiin uu kamid yahay Gudoomiyaha Baarlamaanka , Xildhibaanno , iyo Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this