Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland vice president with ministerial delegation visits Borama Awdal Region

Recommended Posts

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Si Weyn Loogu soo dhaweeyay Magaalada Boorame

 

October 19th, 2011

 

Boorame(Somaliland.Org)- Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylicii) iyo wefti balaadhan oo uu Hoggaaminayay ayaa maanta socdaal shaqo ku tagay magaalada Boorame ee xarunta Gobolka Awdal.

 

Weftiga Madaxweyne Ku xigeenku Hoggaaminayay Wefti iskugu jiray Wasiirro, Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiiladda, Saraakiil ka tirsan Haa’yadaha dawlada iyo masuuliyiiin kale, waxa uu saaka ka ambo baxay magaalada Hargeysa abaaro 7:40 subaxnimo.

 

Weftiga Madaxweyne Kuxigeenka waxa si weyn loogu soo dhaweeyay degmada Dillahalkaasi oo ay kaga horyimaadeen Guddoomiyaha Gobolka Awdal, Axmed Xadi Sidci , Maayarka Degmada Dilla Salaadiin Iyo Boqolaal qof oo ka mid ah bulshada degmada Dilla kuwaasi oo ruxayay caleemo qoyan. Calanka Somaliland kuna dhawaaqayay hal ku dhigyo ay ka mid ahaayeen “Sinjigaad ka dhalatiyo Somaliland-baa kuu sacab tumaysee ku soo dhawoow salaan wacan” “Waa geesigii oo guul buu wadaa.”

 

Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) waxa kale oo si weyn loogu soo dhaweeyay Tuullada Tulli Cagaaran , waxa kale oo weftiga si weyn loogu soo dhaweeyay Tuulada Gorayo-cawl halkaasi oo uu kaga horyimid Wasiirrada Arrimaha Gudaha, Hawlaha Guud, dib u dejinta iyo Duulista Hawada oo weftigan u sii gogol xaadhayay.

 

Waxa kale oo masuuliyiinta soo dhaweeyay ka mid ahaa Madaxweyne Ku Xigeenkii hore ee Somaliland Md. C/Raxmaan Aw Cali Faarax iyo Xildhibaano ka soo jeeda xisbiga UDUB oo uu ka mid ahaa Xildhibaan Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle.

 

Weftigan Madaxweyne Ku xigeenka waxa u soo galbiyay magaalada Boorame gaadiid aad u badan.

 

Weftiga Madaxweyne Ku xigeenka waxa magaalada Boorame ku soo dhaweeyay Kumanaan qof oo ka mid ah dadweynaha kuwaasi oo sufuuf u taagnaa jidka wadnaha ee badhtamaha magaalada Boorame, waxaanay siteen calamada Somaliland iyo caleemo qoyan waxaanay ku dhawaaqayeen hal ku dhigyo ay ku taageerayeen Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland.

 

Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland oo saxaafada ugu waramayay Huteelka Rays ee magaalada Boorame waxa uu sheegay in socdaalkiisu salka ku hayo sidii uu xog ogogaal ugu noqon lahaa xaaladda guud ee gobolka.

 

“Socdaalka weftigaygu waxa uu xidhiidhaa sidii aan ugu kuur geli lahayn xaalada guud ee gobolka Awdal gaar ahaan dhinacyada abaaraha, maamulka Ha’yadaha dawliga, waxa kale oo aan kulamo la yeelan doonaa Masuuliyiinta maamulka gobolka, laamaha dawlada iyo waxgaradka iyo salaadiinta gobolka Awdal si aanu u ogaano xaaladaha ka jira gobolka,”ayuu yidhi Madaxweyne Ku xigeenku. Md. C/Raxmaan Saylici waxa uu sheegay in socdaalkiisa Gobolka Awdal uu qaadan doono muddo laba maalmood ah.

 

Weftigan Madaxweyne Ku xigeenka saaka la socday waxa ka mid ahaa Wasiirka BeerahaMd. Faarax Cilmi Maxamuud (Geedoolle), Guddoomiye Ku Xigeenka NERAD Axmed Muxumed Geelle, Ergayga Madaxweynaha ee Gobolka Sanaag Sahal Maxamed Jaamac, La Taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha Haweenka Marwo Amaal Xaaji Axmed Miisaan iyo Marwada labaad ee Somaliland Marwo Raxma Xaaji Muxumed Suldaan iyo xubno kale.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this