Jacaylbaro Posted October 17, 2011 http://www.youtube.com/watch?feature=player_embedded&v=PFMWQhbmS1U" frameborder="0" allowfullscreen> Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted October 17, 2011 Dhidib weeyi taariikhdu iyo waayo soo dhaca e Dhalaankiyo caruurtay u tahay dhaxal u meel yaale Dhafoor qiiqlayaal iyo cabdow dhuuncas iyo gaade Iyo baado dhalandhoola oo dhagar u soo xaytay Dhidar iyo waraabiyo abees diir wax dhilanaysa Iyo qaar dhac loo soo diroo shayna dhaafaynin Waatii dhufays yaday qoteeen loogu soo dhacye Markuu soodhku dhaashaday markuu dhiigu shalaxbeelay Markuu qumuca dhiilada sidaa laba dhaclaynaayay Sida dhool gu’ oo da’ay markuu dhibicu heehaabay Dhab markii dagaal loo galiyo dhiidhi dirirreedka Dhudi yaa lahaayeey markii lagu dhawaaqaayey Dharaartaa ninkii maali jiray dhici xaqiisiiye............Muj. Abdirahman Cawl - Baqdaadi Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted October 17, 2011 The day of the shuhada Quote Share this post Link to post Share on other sites
nemo Posted October 17, 2011 Jacaylbaro;751902 wrote: http://www.youtube.com/watch?feature=player_embedded&v=PFMWQhbmS1U " frameborder="0" allowfullscreen> Why I do suddenly feel unsafe? ;( Jacaylbaro you gonna gun down on me? I like the poster nevertheless. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted October 17, 2011 Hadh-cad bay ahayd maalintay, rag is Haleeleene Burco duuray Halasii ka dhacay, Hugufkii baaruuda Waa Haanka maalintaan rag jaray, meel Halbawla ahe Waa Hanfigu maalintuu la tegey, Hootadii ******e Waa Habar wacii Coodanliyo, Heegan dirirkiiye ... Waa Hig-layntii Balanbaal kolkuu, ka Harbay kaariiye Waa Habar-heshooy maalintii, laysku Horay Suuge Waa Habaqlahoodii markaan, Hawd ugaadhsadaye Habqankoodu waa maalintuu, qubay Hubkiisiiye Hanbadooda waa maalintaan, Heensadee cunaye Hawl-galkeedii weeyaan Birjeex, Huushii aan helaye Huugii waa Madheeriyo kolkaan, jebiyay Haamiiye Waa Dhagaxii reer Herer Gurtiyo, Huguguftiisiiye Waa Hugunkii Bali-dhiig kolkii, Faaqash ku hoobteene Waa Halkaan Cadaadlay wadhiyo, guutadaan Helaye Waa Hillaacii Buuraha ka baxay, Hiririgtiisiiye Waa Halkaan hoggaankii ku gubay, Hurunshadiisiiye Waa Hargeysa Duqayntuu la dhacay, Miiga Hawlihiye Waa Hayaankii Burco lagu furiyo, Hooso shididiiye Hubkii ina Siyaad waa markaan, Haabtay keligaye Hindisihii ina Xaashi waa, Lama Hilmaamaane Duqsi waa Halkuu Galay Raggii, Huriyay Duullaane Waa Halkuu Wadaad-Diid Go`aan, Qaatahy aan Hadhine Waa Horseedkii Koosaar Wadiyo, Haybsigii Madare Waa Horkicii Jimcaaliyo Ragguu, Soo Hannaan baraye ... Waa Hoggaankii Siilaayo iyo Tuur, ku Hinjin-toodiiye Waa hawshii Xassaan Ciise iyo, Hagar Bixiisiiye Halbawlihii Lixlaa loo Jarjaray, iyo Aadan Heegane e Harag-waafi iyo Waa Haygu-Guban, Himiladoodiiye Hay-liqin iyo Waa Maxamed Cali, Hadaf u Oollaaye Halyey Aadan Shiinaan Tebaa, Hibadii Saarrayde Haldoorkii Dawaarraa God Galay, Hoyday Waa Hoore e Waa Haanka Dhiiggii Ka Baxay, Hilibkii Koodbuure Waa Hootadii Ina Mire iyo, Hiilkii Qarameede Waa Hubkuu Aroornimo Qaddimay, Weerarkii Hoore e Jimcii Waa Harraatida Burcoo, Cadawgu Haysteene Hanadkii La Ciilaaba Waa, Haajiraa Ficile Waa Halkuu Warmaa iyo Tolwaa, Qaatay Hootada e Waa Habbane Dagaalkuu La Galay, Hororkii Waalaaye Waa Hujuunkii Ina Kaahin iyo, Holac Afuufkiiye Waa Halaskii Ina Biixi Dhigay, Heegan Dirirkiiye Waa Hoobiyii Carab Madfaca, Laba Higgoodkiiye Halgankii Bidaar iyo Malloosh, Hubanti Weeyaane Waa Hawsar Dhega-wayne Riday, Maalin Haliseede Hilmaan ma leh Xaliimiyo ninkii, Madhiyay, Huushtiiye Dhagax waa harraadkuu mutiyo, haarihii dhibaye Waa xusuusta Halkuu igaga yaal, Haybe Maxamuude Waa hogtuu Illeeyana lahaa, Jiibab baad Heliye Waa Heestii Ina Mooge iyo, Hoobal Caan Baxaye Waa Hadraawi Gabayguu Tirshiyo, Hoga-tuskiisiiye Hal-abuurkii Gaariyaa ku Ladhan, Tix iyo Hawraare Waa Halyaydii Raamaha Lahayd, Libintay Hooyeene Halgankii Qadhaadhaa Jidkii, Lagu Halaakoobay Hanbalyiyo Abaal marin Halkaan, Higil ka Dhawraayay Hogwaa Inaad ku sheegtiyo inaad, Hadur ka soo Qaaddo Waa kuu Halhays Xumo Inaad, Dib u Hilmaantaane Ku Hagoogta Taariikhda waa, Lagu Hal-maalaaye!!! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted October 17, 2011 Geedba marbay qolofi ka dhacdaa, gorada guudkiisa Ummadi gobanimo way higsataa, goor la gawracayee Gantaalihi shicibka ku dhiciyo, nabaradii gaadhey Gef laynaga galuu ahaayoo, guul Ilaah bixiyee Halgan dhiiga dhuuxiisiyo gala, jiidhka gudahiisa Mid aynu u wada guntanu ahaa, shicibka guushiise Guhaadkii haween iyo carruur, Talisku gaadhsiiyey Geeddi iyo jid dheer baa loo mariyo, geyi shisheedaade Gufaac dabayl iyo habar dugaag, guri lagula hoydee Guryo iyo adduun baa ku lumay, hanti ma guuraane Galbeed iyo Barri buu is qabsaday, galalac baaruude Kuwii gardarada waday waa tii, geesi uu helaye Raggii garaad iyo aqoonba, Guulle ku manaystay Geesiyadii geedka u galee, goobtan ka xoreeyay Inaynu maanta guushood xusnaa, gaar bay noo tahaye Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted October 17, 2011 Markii ay Dhammaysey nirgaha dhuunta galin weyday Ee ay dhallaankii gabteey dhiilka naga laadday Ee dhoonbir kii raaci jiray gaajo kala dhuubtay Ee ay martida soo dhacda xoor ka dhami wayday Waatay rag baa dhiidhiyee uga dhex siibteen Waatay dhibaatooyin iyo dhaxan u jiifeene Waatay habeenkoo dhag yidhi kala dhex tooseene Waatay dhafoorada rasaas kaga dhug siiyeen Waatay dhufaysyadad ogayd dhamac ka oogeene Waatii markay dhabi dhab timid badi dhaqaajeene Ninkii shaarubaha dheer lahaa, dhacanta sii laadye Dharaartaa wixii ****** ku dhacay waa la dhaygagaye Haddii aan raggii dhiirranaa dhiraha soo jiidhin Oon dhiig ku quban Yousow kuma an dhaadteene Oo guul ma dhalineen, haddaan qaar usoo dhimane Nimanyohow dhab-taa lagu hadlaa dhaar haddaad mariye Dhulka qaybtan leeyahay haddaan dhacan ku soo jiidtay Maxaan dhimay adduunyada nin nool dhaygag bow hadhaye Ahmed H Ismail Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted October 17, 2011 Aqoosnigu waayo waayo Hadduu nagu yara adkaado Annagu kuma aamusayno Dadaalkana oolin mayno Wixii lixdankii la eeday Markale ku ilduufi mayno Dalkeenana iibin mayno Cidkale kuma aaminayno Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted October 17, 2011 Xaflad Balaadhan Oo lagu xusayay maalinta shuhadada SNM oo lagu qabtay Hargeysa October 17th, 2011 Hargeysa(Somaliland.Org)-Xaflad balaadhan oo lagu xusayay sanad guuraddii 27-aad ee ka soo wareegtay maalinta shuhadada SNM oo ku beegan 17-ka October, ayaa maanta lagu qabtay xarunta Ha’yada shaqaalaha dawlada. waxa munaasibadani ay salka ku haysaa dagaalkii qadhaadhaa ee ciidamadii Siyaad bare iyo xoogagii ururkii SNM ku dhex maray deegaanka Burco Duuray 17 bishii October sannadkii 1984-kii oo laga joogo 27 Sanadood. Xaflada lagu qabtay Magaalada Hargeysa waxa ka qayb galay Marwada koowaad ee Somaliland, xubno ka tirsan golaha wasiirrada, Gudoomiyaha xisbiga KULMIYE, Xildhibaano ka tirsan golaha Wakiilada, Mujaahidiin iyo marti sharaf kale. Mujaahid C/salaan Turki oo ka mid ahaa gudida qaban qaabada xuska maalinta shuhadadii ku geeriyootay halgankii dib u xoraynta waddanka oo xafladaasi ka hadlay ayaa waramay baahida loo qabo in la qoro taariikhdii halgankii SNM si bulshada iyo jiilka koraya looga tago taariikh halgameedkii qadhaadhaa ee loo soo maray dib u xoraynta. C/Salaan Turki waxa kale oo uu ku baaqay in wax loo qabto agoomihii ay ka tageen mujaahidiintii SNM iyo naafadii ururkaasi oo uu xusay inay u baahan yihiin cisbitaalo dibadeed. Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada ee Somaliland Md.Xirsi Cali X.Xasan oo xafladaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu socdo qorshe balaadhan oo lagu horumarinayo agoomihii SNM, iyo Madxaf lagu Muujiyo taariikhdii Ururkaasi lahaa oo ay si wada jir ah isaga kaashanayaan xukuumada iyo Guddi ka tirsan Ururkii SNM. “Waxaan muhaahidiinta iyo SNM waxaan Salaan uga sidaa Madaxweynaha Somaliland, xukuumadani waxba kama hagranayso wax u qabashada ururkii SNM, waxaana ka go’an inay taageerto mujaahidiintii dalka,”ayuu yidhi Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan. Wasiirka Madaxtooyadu wuxuu intaas ku daray in sida ugu dhakhsaha badan loo dhamaystiri doono taalladii uu Madaxweynuhu dhawaan ku dhagax dhigay magaalada Bali gubadle taas oo lagu maamuusayo dhamaanba intii ku shahiiday halgankaas. Afhayeenka xisbiga Kulmiye Md. Maxamed Kaahin Axmed, oo ka mid ahaa masuuliyiintii garabkii milatari ee ururkii SNM ayaa tafaasiil ka bixiyay taariikhdii maalintan iyo dagaalkii ka dhacay deegaanka Burco duuray ee ay iskaga horyimaadeen mujaahidiintii SNM iyo ciidankii taliskii Maxamed Siyaad Barre. Maxamed Kaahin waxa uu ka sheekeeyay sidii uu u dhacay dagaalkii Burco Duuray ee ku sinaa 17 bishii October 1984-kii, kaas oo ahaa hujuumkii u horeeyay ee SNM ku qaado fadhiisimadii ciidankii Siyaad barre, waxaanu sheegay in dagaalkaasi ahaa kii ugu dhimashada badnaa ee SNM soo gaadhay iyadoo ay ka geeriyoodeen shuhado tiro badan oo uu hormood u ahaa Alle ha u naxariistee Mujaahid Maxamed Xaashi Lixle. Afhayeenka KULMIYE waxa uu sheegay in dagaalkaasi uu soo saaray awoodii garabkii Ciidanka ee SNM.waxaanu Eebe uga baryay inuu naxariistii jano ka waraabiyo shuhadadii nafahoodii u huray dib u xoraynta Somaliland. Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md. Muuse Biixi Cabdi oo Xafladaasi ka hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyay heerarkii kala gedisnaa ee ururkii SNM ay soo martay intii ka danbaysay aasaaskeeda ,isagoo sheegay in dagaalkii Burco-duureey ka dhacay uu ku soo beegmay xili isbedel Dimoqraadiyi ku yimi Hoggaankii SNM, iyo Cadaadis badan oo kaga imanayay dhinaca dawladii Migiste Xayle Maryam ee wakhtigaa hogaaminayay dalka Itoobiya. Md.Muuse Biixi waxa uu xusay in dagaalkii uu ku geeryooday Alla ha u Naxariistee Muj Maxamed Xaashi Diiriye (lixle) iyo shuhadadii kale ay noqdeen dhimbiishii hurisay halgankii dalka Lagu xoreeyay, waxaanu intaa ku daray in la gaadhay guushii iyo midhihii ka soo baxay halgankaas. Gudoomiyaha Xisbiga kulmiye waxaa uu cadeeyay in Tabasho kasta oo ay qabaan Mujaahidiintii iyo agoomihii SNM,aanay marnaba ka bixin balanqaadyadii Xisbiga kulmiye ku galay ololahii Doorashada. Guddoomiyuhu waxa kale oo uu shacbiga ku guubaabiyay in qaran ahaan Somaliland ku jirno halgan ka duwan kii hore kaas oo ah sidii ay Jamhuuriyada Somaliland aqoonsi buuxa uga heli lahayd dunnida inteeda kale. Ugu dambayn Marwada koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Sh.Maxamud Jirde (Aamina Waris) oo kulankaas ka hadashay ayaa ILAAHAY uga bariday inuu naxariistiisii jano ka waraabiyo intii ku geeriyootay xoraynta dalkooda isla markaana u rajaysay in dhamaanba mujaahidiintii ururkii snm ay cisi iyo sharaf ugu noolaadaan wadankooda . Waxaa kale oo Goobtaasi ka hadlay Masuuliyiin iyo Mujaahidiin kala duwan oo ka tirsanaa Ururkii SNM oo dhamaantood ka warbixiyay ahmiyada ay maalinta Shuhadadu u leedahay dalka iyo dadkaba. Dhinaca kale waxa xaflado noocan oo kale ah oo lagu xusayay sanad guuradii 27-aad ee ka soo wareegtay maalinta shuhadada SNM lagu qabtay Magaalooyinka Burco Iyo Gabilay. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted October 17, 2011 " frameborder="0" allowfullscreen> Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalia Posted October 17, 2011 Lol, the creation of SSDF has its birthday. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Caano_Geel Posted October 17, 2011 SNM raggii dalka xorreeyay, ha la xurmeeyo. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted October 17, 2011 Gabiley Oo Si Weyn Looga Xusey Maalinta Shuhadada SNM, Xukuumaddana Loogu Baaqay In Ay Majaro Habaabinta Ka Deyso Ubucdii Halganka waxana ka markhaati ah Maxamed Kaahin oo og xilliga uu tallaabay iyo halka uu ka soo galey SNM Gabiley: (GNS)- Waxa maanta magaalada Gabiley ee xarunta GobolkaGabiley si weyn loogu xusay maalinta loo asteeyey shuhadada SNM ee 17May, taasi oo laga wada xusayo gebi ahaanba gobollada iyo degmooyinkadalka oo dhan.Xaflad ballaadhan oo lagu xusayey maalinta shuhadada oo lagu qabtayHutel Askar ee magaalada Gabiley ayaa waxa ka soo qeyb galaymaamullada heer Gobol iyo heer Degmo ee magaalada Gabiley, cuqaal,ururrada bulshada iyo kuwa haweenka, iyo weliba qaar ka tirsanmujaahidiintii SNM. Munaasibaddan lagu xusayey shuhadada oo si heersare ah loo sooagaasimay ayaa ugu horreyn waxa ka hadlay badhasaab ku xigeenkagobolka Gabiley, Cali Cabdi C/laahi, (Cali-Case) oo isagu sheegay inwakhtiyadii ay bilaabmeen dhaqdhaqaaqyadii jabhadii 4aad ee bilowgiisiteetamaadkii uu ahaa ardaydii wakhtigaa u tallowday, “Bilowgiisideetamaadkii ayaa ay ku beegnayd wakhtigii ay jabhaddii Afraad kahortimid maamulkii Siyaad Barre, xilligaasi oo ay ka bilaambeenhawlgalladoodii ugu horreeyey deegaanadoodii Alaybaday iyo Wajaale.Aniguna (Cali-Case) waxaan ka mid ahaa ardaydii wakhtigaa tallowday,ee ku biirtay jabhaddii Afraad, waxaanan ka mid noqday guutooyinkiigudaha u soo galay dalka ee u dhaadhacay buuraleyda waqooyiga,sannadkii 1984kii, waxaana na watay mujaahid C/laahi Askar. Rafaadbadanna aanu kala kulannay ciidamadii Soomaaliya,” ayuu yidhibadhasaab ku xigeenku. Maayorka magaalada Gabiley marwo Khadra X. Geydh, oo munaasibaddaasika hadashay ayaa ballan qaadday inay u furayso jimciyadda Sooyaal eeGabiley, xafiis ay ku ururiyaan taariikhihii halyeyadii SNM, waxanayhoosta ka xarriiqday in madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland eewakhtigani uu yahay guddoomiyihii ugu muddada dheeraa SNM, islamarkaana yahay nin uga damqasho badan madaxweynayaashii ka horreeyey,“Xukuumadda iminka ee Madaxweyne Siilaanyo hoggaamiyo waxa ka go’andaryeelka naafadii iyo agoomihii ay ka tageen shuhadadii SNM, waanaguddoomiyihii ugu muddada dheeraa, taas darteedna waa uu uga damqashobadanyahay madaxweynayaashii ka horeeyey isaga (Siilaanyo), anagunawaxaanu ballan qaadaynaa inaanu u furno xafiis jimciyadda Sooyaal eeGabiley, si ay ugu ururiyaan macluumaadkii taariikhihii hore ee SNM,waxa kale oo aan ballan qaadayaa in aan taallooyin iyo goobo laguxusuusto shuhadada SNM ka hirgeliyo deegaanadii ay ka bilaabmeenhalgankii SNM,” ayey tidhi marwo Khadra.Waxa kale oo iyaguna halkaasi ka hadlay qaar ka mid ah mujaahidiintiiSNM, oo ay ka mid yihiin Daahir Muxumed Cige (Daahir Yare), MaxamedJimcaale (Maxamed-Dhuub), guddoomiyaha xafiiska Sooyaal ee Gabiley,Muj Fox, kuwaas oo dhammaantood ka tirsanaa xubnihii lagu aasaasayjabhaddii Afraad, waxanay dhammaantood ka sheekeeyeen taariikhdii SNM,iyo waliba sidii ay ku bilaabantay halganku, iyo weliba waxyaabihiidhaliyey inay ka hor yimaadaan maamulkii Siyaad Barre.Waxa kale oo iyagu halkaa ka hadlay caaqil Aw-Ciise Jaamac, caaqilMaxamed Cabdi Qawdhan iyo caaqil Axmed C/laahi Xareed, oo iyagu xukuumadda ugu baaqay in ay ka dayso majaro habaabinta ay kusamaynayso halka ay ka bilaabantay hawlgalladii SNM, “xukuumaddu waain ay ka deyso majaro habaabinta ay ku samaynayso halka ay kabilaabantay halgankii SNM, waxana ka markhaati ah Maxamed Kaahin oo og xilliga uu tallaabay iyo halka uu ka soo galey SNM, waxana mudan intaallooyinka koowaad laga sameeyo halkii halganku ka bilaabmay,” sidaawaxa yidhi Aw-Ciise Jaamac.Waa markii ugu horreysay oo muddo 15 sano ah, ee xuska shuhadada SNMlagu qabto guud ahaan gobolka Gabiley, waxanay ahayd munaasibadii ugudambeysay ee lagu xuso sannadii 1996kii, oo ku beegnayd bilowgiixukuumaddii Madaxweyne Maxamed X, Ibraahim Cigaal. Quote Share this post Link to post Share on other sites