Jacaylbaro Posted October 14, 2011 Ururka Al-Qaacida Oo Caawimo Gaadhsiiyey Koonfurta Somaliya Iyo Masuul Sare Oo Al-Qaacida Ah Oo Kaamka Aala Yaasir Ka Jeediyey Dhambaal Uu Ka Siday Ururkaasi Muqdisho (HWN):- Sida ay sheegayaan wararka kasoo baxaya dhanka xarakada Al-Shabaab Waxaa shalay gobollo ka tirsan koonfurta Somaliya la gaadhsiiyey caawimo la sheegay in ay soo direen ururka Al-Qaacida, taas oo la sheegay in ururkaasi uu ugu gurmanayo dadka abaaruhu ku habsadeen ee Somaliya. Kaamka ugu weyn kuwa ay gacanta ku hayaan xarakada Al-Shabaab lana yidhaa Aal-Yaasir kuna yaal agagaarka garoonka No.50 ee gobolka Sh/hoose ayaa shalay galab waxaa gaadhay masuul ka socda ururka Al-Qaacida, kaasi oo ururkaasi u soo igmaday gaadhsiinta deeqdan dadka barakacayaasha ah. Masuulkan sare oo magaciisa lagu sheegay Sheekh Cabdalla Al Muhaajir ayaa deeqdii ugu badnayd shalay ku qaybiyey kaamkaasi, isagoo halkaasina ka jeediyey dhambaal ku saabsanaa deeqdan oo uu ka siday ururka Al-Qaacida, kaasi oo lagu faahfaahiyey sida ururkaasi u garab taaganyahay uguna riyaaqsanyahay isla markaana u jecelyahay walaalahooda Somaliya. Waxaa sidoo kale dhambaalkaasi lagu xusay sida uu hoggaamiyihii hore ee la dilay Usama Bin Ladin mar walba ula socday kana qayb-qaadan jiray hawlaha ka socda Somaliya haddii ay noqoto gar-gaar iyo haddii ay noqoto dagaaladii lala galay Maraykanka iyo Itoobiyaba. Bayaankan kasoo baxay ururka Al-Qaacida ayaa waxa kaloo lagu soo qaaday baaq dhawaan uu jeediyey hoggaamiyaha haatan ee ururkaasi Al-Qaacida Dr Ayman Al-Dawaahirir, kaasi oo muslimiinta caalamka ugu baaqay inay gurmad deg deg ah gaadhsiiyaan muslimiinta Somaliya ee abaaruhu ku habsadeen. Masuulkan sare ee Al-Qaacida oo kaashanaya guddida gurmadka abaaraha ee xarakada Al-Shabaab ayaa xerada Aala-yaasir ku qaybiyey deeq isugu jirtay Cunno, Hu (Dhar), Kutub iyo Lacago Cash ah. Qaybintii caawimadaasi oo shalay bilaabantayna wali way socotaa. Waxaanay caawimadani ka koobnayd Xijaabyo loogu talo galay dumar gaadhaya 2 Kun oo dumar ah, 10 Kun oo caruur ah hugoodii, Cunto isugu jirta Daqiiq, Bariis iyo Saliid loo qorsheeyey 4 Kun oo Qoys. Timir dhan 4000 Kg. Caanaha caruurta ee nafaqaysan oo dhan 4 Kun oo gasac oo midkiiba yahay 90 grm. Sidoo kale caawimadaasi waxaa kaloo ku jirtay lacag Kaash ah oo dhan 17 Kun oo Dollar iyo Kutubka Quraanka oo 1500 kitaab ahayd iyo waliba Kutubta Xusnul-Muslimka oo tiradoodu gaadhaysay 1500 kitaab. Ugu dambayntii waxaa isaguna halkaasi ka hadlay Afhayeenka xarakada Al-Shabaab Sheekh Cali-dheere oo isagu faahfaahiyey deeqdaasi iyo waxay ka koobnayd, mahad-naq ballaadhanna u jeediyey ururka Al-Qaacida. Isagoo carrabka ku dhuftay sida ururkaasi Al-Qaacida ay hiil iyo hooba ula garab-taaganyihiin walaalahooda Somaliya. Waa markii ugu horreysay oo meel fagaare ah lagu arko ururka Al-Qaacida oo caawimo qaybinaya. Sidoo kalena waa markii ugu horreysay oo ururka Al-Qacida xubin ka tirsan oo ay soo igmadeen magacoodiina huwan uu Somaliya yimaado kadibna uu caawimo caynkana oo uu ka sido ururkaasi ku qaybiyo. Waxaanay arrintani noqonaysaa fajaciso aan marnaba la filanayn. Iyadoo muujinaysa xidhiidhka rasmiga ah ee ka dhaxeeya Al-Qaacida iyo Al-Shabaab. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted October 14, 2011 war ileen tan oo kale Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted October 14, 2011 Crazy World Indeed ................ I wonder where the Drones went then Quote Share this post Link to post Share on other sites
nuune Posted October 14, 2011 ^^ They were shot down today: http://www.hiiraan.com/news2/2011/Oct/two_us_drones_crash_in_south_somalia.aspx Quote Share this post Link to post Share on other sites
oba hiloowlow Posted October 15, 2011 dadka gargaar waan siineeynaa hadhoowtina waa xasuuqeena intay iska soo gaashaa wallee yaab ii amakaag anuka aragnaye bisinkee Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted October 15, 2011 Jilbaabyada iyo kitaabyada iyagana mala cuni doonaa. Dad baahan waxee cunaan la' ayee jilbaabyo u keenayaan. Dad wareersan. Quote Share this post Link to post Share on other sites