Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Alqaeda Delivers Relief Aid so Somalia

Recommended Posts

Ururka Al-Qaacida Oo Caawimo Gaadhsiiyey Koonfurta Somaliya Iyo Masuul Sare Oo Al-Qaacida Ah Oo Kaamka Aala Yaasir Ka Jeediyey Dhambaal Uu Ka Siday Ururkaasi

 

Muqdisho (HWN):- Sida ay sheegayaan wararka kasoo baxaya dhanka xarakada Al-Shabaab Waxaa shalay gobollo ka tirsan koonfurta Somaliya la gaadhsiiyey caawimo la sheegay in ay soo direen ururka Al-Qaacida, taas oo la sheegay in ururkaasi uu ugu gurmanayo dadka abaaruhu ku habsadeen ee Somaliya.

 

 

Kaamka ugu weyn kuwa ay gacanta ku hayaan xarakada Al-Shabaab lana yidhaa Aal-Yaasir kuna yaal agagaarka garoonka No.50 ee gobolka Sh/hoose ayaa shalay galab waxaa gaadhay masuul ka socda ururka Al-Qaacida, kaasi oo ururkaasi u soo igmaday gaadhsiinta deeqdan dadka barakacayaasha ah.

 

Masuulkan sare oo magaciisa lagu sheegay Sheekh Cabdalla Al Muhaajir ayaa deeqdii ugu badnayd shalay ku qaybiyey kaamkaasi, isagoo halkaasina ka jeediyey dhambaal ku saabsanaa deeqdan oo uu ka siday ururka Al-Qaacida, kaasi oo lagu faahfaahiyey sida ururkaasi u garab taaganyahay uguna riyaaqsanyahay isla markaana u jecelyahay walaalahooda Somaliya.

 

Waxaa sidoo kale dhambaalkaasi lagu xusay sida uu hoggaamiyihii hore ee la dilay Usama Bin Ladin mar walba ula socday kana qayb-qaadan jiray hawlaha ka socda Somaliya haddii ay noqoto gar-gaar iyo haddii ay noqoto dagaaladii lala galay Maraykanka iyo Itoobiyaba.

 

Bayaankan kasoo baxay ururka Al-Qaacida ayaa waxa kaloo lagu soo qaaday baaq dhawaan uu jeediyey hoggaamiyaha haatan ee ururkaasi Al-Qaacida Dr Ayman Al-Dawaahirir, kaasi oo muslimiinta caalamka ugu baaqay inay gurmad deg deg ah gaadhsiiyaan muslimiinta Somaliya ee abaaruhu ku habsadeen.

 

Masuulkan sare ee Al-Qaacida oo kaashanaya guddida gurmadka abaaraha ee xarakada Al-Shabaab ayaa xerada Aala-yaasir ku qaybiyey deeq isugu jirtay Cunno, Hu (Dhar), Kutub iyo Lacago Cash ah. Qaybintii caawimadaasi oo shalay bilaabantayna wali way socotaa.

 

Waxaanay caawimadani ka koobnayd Xijaabyo loogu talo galay dumar gaadhaya 2 Kun oo dumar ah, 10 Kun oo caruur ah hugoodii, Cunto isugu jirta Daqiiq, Bariis iyo Saliid loo qorsheeyey 4 Kun oo Qoys. Timir dhan 4000 Kg. Caanaha caruurta ee nafaqaysan oo dhan 4 Kun oo gasac oo midkiiba yahay 90 grm.

 

Sidoo kale caawimadaasi waxaa kaloo ku jirtay lacag Kaash ah oo dhan 17 Kun oo Dollar iyo Kutubka Quraanka oo 1500 kitaab ahayd iyo waliba Kutubta Xusnul-Muslimka oo tiradoodu gaadhaysay 1500 kitaab.

 

Ugu dambayntii waxaa isaguna halkaasi ka hadlay Afhayeenka xarakada Al-Shabaab Sheekh Cali-dheere oo isagu faahfaahiyey deeqdaasi iyo waxay ka koobnayd, mahad-naq ballaadhanna u jeediyey ururka Al-Qaacida. Isagoo carrabka ku dhuftay sida ururkaasi Al-Qaacida ay hiil iyo hooba ula garab-taaganyihiin walaalahooda Somaliya.

 

Waa markii ugu horreysay oo meel fagaare ah lagu arko ururka Al-Qaacida oo caawimo qaybinaya. Sidoo kalena waa markii ugu horreysay oo ururka Al-Qacida xubin ka tirsan oo ay soo igmadeen magacoodiina huwan uu Somaliya yimaado kadibna uu caawimo caynkana oo uu ka sido ururkaasi ku qaybiyo. Waxaanay arrintani noqonaysaa fajaciso aan marnaba la filanayn. Iyadoo muujinaysa xidhiidhka rasmiga ah ee ka dhaxeeya Al-Qaacida iyo Al-Shabaab.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this