Jacaylbaro Posted October 12, 2011 koox suxufiyiin ah, ayaa tababar shan maalmood u socday loogu soo xidhay Hotel Ambassador ee Hargeisa, kooxda waxay isugu jireen xubno Hargeisa hore u yimi iyo xubno aan hore u iman, hadba waa kuwan dareenkoodii. Abdulaziz Abdi Nur Ibrahim oo Baydhabo ka yimi waa markii ugu horaysay ee uu Hargeisa safar u yimaado. Waxa uu sheegay inuu la yaabay Hablaha baabuurta wata, taas oo aan laga arag deegaanka uu ka yimi, waxa kale oo uu la yaabay is dhex galka bulshada iyo wadooyinka sida baabuurtu ugu badan yihiin hadna aan shilal u jirin. Ganacsiga ayuu Abdulaziz ku tilmaamay inuu qaali yahay, waxaana uu intaa raaciyey in dukaamada waxyaabaha quruxda badan laga iibsado alaabtu qaali ku tahay, isaga oo sheegay in markii uu weydiiyey ay u sheegeen inuu Dollarka uu hoos u dhac xoog lihi ku yimi. “ Waxay dadku aad u doorbidayaan lacagta shillinka Somaliland, mana ogola Dollarka”. Ayuu yidhi Abdulaziz. Hotelka Ambassador ee Hargeisa oo la dejiyey intii tababarku socday ayuu ku tilmaamay Hotel aanu hore u arag wax u dhigma. Aamina Axmed Cali, oo ka timi Bosaso ayaa tidhi “ Anigu dadka ayaan la yaabay siday danahooda u wataan iyo caadifada ay u hayaan nabada, waxaan arkay isla shaqayn dadka iyo ciidanka Amaanka. Waxaan kale oo aan la yaabay ganacsiga iyo Lebiska dadka, waxaan is idhi maalin kasta ma ciid baa, sida bacadlayaasha loogu jiro ee wax loo iibsanayo, mise dad safar ah ayaa yimaada maalin kasta”. Aamina Axmed waxay intaa ku dartay in marar badan Hargeisa loogu tilmaami jiray qabow, balse ay xilligan ku soo beegantay Cimilo wanaagsan iyo jawi wanaagsan. Khadar Max’ud Xareed waxa uu ka socdaa KIsmayo, Jubada hoose waa markii ugu horaysay, wuxuu Hargeisa ku tilmaamay meel bulsho caadi ah joogto aanu weligii arag, wuxuu ku daray soo dhoweyn badan oo dhinaca dadka ah. “ Anigu waxaan arkay meel qof kastaa dantiisa ku mashquul san yahay, hotelka aan joogay dadka kale iyo ajanebigu waa is leekaa”. C/qaadir Maxamed Cabdulle oo ka soo socda Muqdisho, oo aan hore u iman, waxa uu isna yidhi “ Waa bulsho soo dhoweyn leh iyo meel aan laga sheekayn waxyaabo badan oo deegaanadayada ka jira”. Maxamed C/laahi Kooshin, Garoowe, marar badan ayuu yimi, wuxuuse isagu ka waramay isticmaalka qaadka oo uu sheegay inuu saamayn ku yeeshay arrimo badan. “ Magaaladu waxay la ciir-ciiraysaa dad gelinka hore oo meel aad marto heli maysid gelinka banbe dadkii wuu yaranayaa, waxa laygu yidhi, waxa saamayntaa leh qaadka”. Kooshin wuxuu kale oo uu tilmaamay in ay soo kordheen haweenka gaadiidka ka wata, sidoo kale waxa soo batay ayuu yidhi “Ajanebiga oo sidii dadka caadiga ah lug iyo baabuur ay wataan ugu adeeganaya”. Kooshin wuxuu faalo ka bixiyey isticmaal afka oo uu sheegay inuu farqi dhinaca afka ahi jiro. Tusaale ayuu ka bixiyey “ Waxaan daawanayey Tv-yada Hargeisa mid ka mid ah oo warkii wada, wuxuu yidhi “ Madaxweynaha Libiya ayaa diiday inuu xilka ka dhaadhaco”, waanu ku qosolay afkaa, inuu xilka ka dego ayaanu annagu isticmaalaa”. Sidoo kale waxa uu sheegay in Luqadaada ama lajadaada dadku fahmayaan oo ku dareemayaan in aad cusub tahay. Ganacsiga ayuu Kooshin ku tilmaamay in ay dadku xadaarad muujiyeen, iyada oo soo dhoweyn lagagu qaabilayo. Wuxuu yidhi “ Maalin dhoweyd shaadh ayaan iibsaday aniga uu aan doonayn, waxaana aan u iibsaday soo dhoweynta iyo xarakaad ay I dareensiiyeen dadkii meherada haystay”. Ka qayb galayaasha tababarkan, ayaa ahaa 30 wariye oo ay tababaraysay hay’ada qaramada midoobay ee UNICEF iyo DRC, waxay baranayeen soo tebinta arrimaha beni’aadamnimada (Humanitarian reporting skills). Axmed Cali Maxamed (Shariifka), waxa uu ka mid ahaa xubnihii tababarka bixinayey waxa uu yidhi “ Waa tababarkii ugu horeeyey marka la eego topic-ga, sidaa awgeed xiiso ayuu u lahaa ka qayb galayaasha. Shariifku waxa uu yidhi “ Tababarku wuxuu ku soo beegmay xilli Muqdisho iyo meelo kale oo South Somali a ahi ku jiraan xaalad adag oo dhinaca beni’aadamka ah”. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Caano_Geel Posted October 12, 2011 JB naga daa dee niyaw...ha ina xayaysiinine, wali Somaliland iyo Hargeisa toona fari kama qodna inta aanay jirin, traffic lights, proper roads iyo clean water for all. Somaliland still waa meel poor ah. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted October 12, 2011 Waar dadka meesha yimid ha hadleene u kaadi adigu ,,,, Quote Share this post Link to post Share on other sites
Carafaat Posted October 12, 2011 traffic light Hargeisa iyo Berbera waan ku arkay. laakinse iminka ma shaqeeyaan. wakhtige shaqeyn jireena la isticmaalin jirin. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Faarax-Brawn Posted October 12, 2011 Suaal!? Dadku la wareeystay, waa meeqa jir ? If they are under 20something, wax laga qorayo maleh, ileeyn, they have never seen what a modern city with laws and normalcy looks like(i have a feeling this is the case)...if otherwise,they are over 30something.......... If i went to Hargeysa from Southern SOmalia, I will definetely be smitten as well...Hell,Even Burco maybe very tempting. L0L. Quote Share this post Link to post Share on other sites
burahadeer Posted October 13, 2011 @JB.. approximately how much it cost 5 bedroom with outside gate(may be for 4 cars) in nice area. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted October 13, 2011 Maybe $800 .......... depends on the location Quote Share this post Link to post Share on other sites
Juxa Posted October 13, 2011 ^^he did not say to rent, ee waaxay raqiista? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted October 13, 2011 Ohhh ,,,, Didn't know he can buy it dee Quote Share this post Link to post Share on other sites
Paragon Posted October 13, 2011 Maxamed C/laahi Kooshin, Garoowe, marar badan ayuu yimi, wuxuuse isagu ka waramay isticmaalka qaadka oo uu sheegay inuu saamayn ku yeeshay arrimo badan. “ Magaaladu waxay la ciir-ciiraysaa dad gelinka hore oo meel aad marto heli maysid gelinka banbe dadkii wuu yaranayaa, waxa laygu yidhi, waxa saamayntaa leh qaadka”. Kooshin wuxuu kale oo uu tilmaamay in ay soo kordheen haweenka gaadiidka ka wata, sidoo kale waxa soo batay ayuu yidhi “Ajanebiga oo sidii dadka caadiga ah lug iyo baabuur ay wataan ugu adeeganaya”. Kooshin wuxuu faalo ka bixiyey isticmaal afka oo uu sheegay inuu farqi dhinaca afka ahi jiro. Tusaale ayuu ka bixiyey “ Waxaan daawanayey Tv-yada Hargeisa mid ka mid ah oo warkii wada, wuxuu yidhi “ Madaxweynaha Libiya ayaa diiday inuu xilka ka dhaadhaco”, waanu ku qosolay afkaa, inuu xilka ka dego ayaanu annagu isticmaalaa”. Sidoo kale waxa uu sheegay in Luqadaada ama lajadaada dadku fahmayaan oo ku dareemayaan in aad cusub tahay. Lol. Dhaadhaco? Oo ma markii horyy rakko ka lushay? Quote Share this post Link to post Share on other sites
burahadeer Posted October 13, 2011 juxa. you right, was thinking when I win lottery. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Qandalawi Posted October 13, 2011 Welcome to Hargeisa thread! I thought this guy was hired by the mayor of the city or tourism ministry to publicize the city and advertise for potential visitors. I was expecting proper guide through pictures and other interesting attractions from the city. All we get is some second hand opinion and a chit-chat. Crap! Quote Share this post Link to post Share on other sites
A_Khadar Posted October 14, 2011 Qandalawi;751467 wrote: Welcome to Hargeisa thread! I thought this guy was hired by the mayor of the city or tourism ministry to publicize the city and advertise for potential visitors. I was expecting proper guide through pictures and other interesting attractions from the city. All we get is some second hand opinion and a chit-chat. Crap! Probably!!! But he wasted all energy in a wrong place.. The ones reading this if there from that area, they will go anyway regardless, and those aren't more likely will go their little tuuloos instead.. Quote Share this post Link to post Share on other sites