Somalina Posted October 11, 2011 Talaado, Oktoobar 11, 2011 (HOL) — Dowladda Itoobiya ayaa dhallinyaro Soomalai ah oo tiradoodu ahayd 81-qof oo doonayay inay tahriib ahaan uga gudbaan soohdinta uu dalkeedu la wadaago dalka Suudaan dib ugu soo celiyay Somaliland. Dhallinyaradan ayaa la sheegay inay u socdeen dalka Liibiya si ay uga sii gudbaan dalalka Yurub, iyadoo markii la qatay kaddib muddo 20-casho ah lagu hayay gudaha dalka Itoobiya, waxaana shalay 6:00 aroornimo lagu soo wareejiyay maamulka magaalada Wajaale ee Somaliland. Taliye ku xigeenka laanta socdaalka ee Wajaale, Cabdirashiid Axmed Xasan oo aanu khadka telefoonka kula xidhiidhnay isagoo jooga magaalada Wajaale ayaa noo xaqiijiyay in dhalinyartan dib loogu soo celiyay Somaliland, isagoo sheegay inay dawladdu kala wareegtay dowladda Itoobiya. "Way jirta oo waxa la keenay 6:00 aroornimo ee shalay, waxaana nagu soo wareejisay dowladda Itoobiya," ayuu yidhi taliye ku xigeenku oo intaas ku daray: "Waxaa lagu siday laba bas, marka innaguna waanu kala wareegnay, waxaana laga soo qabtay meel la yidhaa Martaba oo ku taalla soohdinta u dhexeysa Suudaan iyo Itoobiya." Dhalinyartan dalka dib loogu soo celiyay ayaa qaar ka mid ah waalidkii dhalay kusii sugayeen magaalada Wajaale. Kooxdan lasoo qabtay waxay noqonaysa kooxdii afraad ee lasoo celiyay ee la keeno magaalada Wajaale oo ku taalla soohdinta ay wadaagaan Somaliland iyo Itoobiya, iyadoo qaar badan oo dhallinyaro reer Somaliland ahna la la'yahay jaan iyo cidhib halkii ay ku dambeeyeen. Dhawrkii bilood ee u dambeeyay ayaa waxaa sii laba jibaarmayay dhallinyarada tahriibaysa kuwaasoo isaga kala gudba dalal badan oo Afrika ku yaalla iyagoo beegsanaya dalka Liibiya oo ay fowdo ka jirto si ay uga gudbaan dalalka Yurub. Xukuumadda Itoobiya ayaa imika adkaysay xuduudaha ay la leedahay dalalka jaarka la ah, gaar ahaan dadka sharcidarada isaga kala gudbaya, kuwaasoo ay dib ugu soo celiso Somaliland. Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online barkhadladiif@gmail.com Hargeysa, Somaliland Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted October 11, 2011 Good on them ...... That is how a bilateral relationship should work ...... Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted October 11, 2011 Welcome back home Somalilanders Quote Share this post Link to post Share on other sites